|
|
 |
|
| |
Kooxda Qaranka Fanaaniinta
Nigeria oo filim muusig tageero usoo dirtey Obama..Oct,22,2008
London(Saylac.com) Runtii markaad muusigan daawato
waxa dareemaysaa qiimaha midabku leeyahay adigoo
waliba xusuus gaar ah dib u jaleecaya halgamaagii
Nagruuma ee u dhintey inuu mideeyo qaarada Afkira.
Muusigan ayaa xalay waxa laga siidaayey Janalada HBO
loo yaqaano ee caalamiga ah gaar ahaan kuwa Yurub oo
dadweyne lagu qiyaasay 70, milyan oo qofi xalay oo
kaliya daawadeen. Heesaha wadaniyada Afrika ka
hadlayey ayaa si xamaasadleh waxa muusiga iyo
jaantaba iskula raacayey fanaaniinta qaran ee
wadanka Nayjeeriya ee Muusiga afrikaanka ku
caanbaxday.
Heesaha waxay iskugu jireen kuwo Inglish iyo
Sawahili iskugu jira waxana daryanka muusigu si
gaara loogu soo afjarayey OBAMA WAA HOGAAMIYAHA
ADUUNKA EE MAAHA KA USA OO KALIYA.
Amanda Drake iyo Thomson Charless ayaa waxay shegeen
in afrika usoo jeedsatey inay Ameerika Hogaamiyo
waxana ay meesha ka saareen sawirkii madoobaa ee
aduunku awal afrika ka qabay .
Obama Waxa tageersan 54% dadka ku dhaqan cariga
maraykanka oo isku dhafan iyo waliba 98% dadka
Madawga ah ee isla maraykanka ku dhaqan waxana la
filayaa inuu si sahal ah ku qaato codbixinta wadanka
Maraykanka ka socota ee jagada madaxweyne nimo .
Waa markii ugu horeysey ee nin madaw ahi uu isku soo
taago jagada madaxweyne nimo aduunkuna si gaar ah
ayuu dhegaha ugu taagayaa sida siyaasada maraykanku
noqon doonto ka dib markuu Obama la wareego kursiga
Maraykanka.
Maxamed Xaji
Saylac.com
London-UK |
|
|