|
|
 |
|
| |
Wasiiro ka socda Xukuumada oo
la kulmay Culimada Borama kuna amray in la joojiyo
dhismaha lagu bedelayay maqaamka Sh.Samaroon.+Sawir.Oct,18,2008
Hashim Goth,= BOORAMA 18 Oct.08. Wasiirada Macdanta
iyo Biyaha Qaasim Sh.Yuusuf iyo Wasiirka Xidhiidhka
golayaasha Cabdi Xasan Buuni ayaa maanta kulan kula
yeeshay Hutelka RAYS ee ay degen yihiin culimada
magaalada Boorama, culimadaas oo isku khilaafsanaa
duminta maqaamka sh.samaroon, halkaas oo culimada
qaarkood rabeen in ay u bedelaan machad Diimeed oo
lagu barto diinta Islaamka, halka qolyaha kalana ay
rabeen in sidiisa loo daayo.

Kulanka wasiirada iyo culimada dhexmaray oo ay
saxaafadu dhex joogtay, waxaa iyaguna gobjoog ka
ahaa xildhibaano ka socda wakiilada, duqa magaalada
Borama iyo madax dhaqmeedo ka tirsan G/Awdal, waxaa
halkaas ka hadlay Sh.C/laahi Sh.Cali oo ka waramay
taariikhda dhismaha maqaamka, isla markaana cadeeyay
in ay go'aansadeen in ay u bedelaan machad diinta
lagu barto oo loogu magac daro Sh.Samaron, wuxuuna
sheekhu ka codsaday wasiirada in loo fasaxo dhiska
ay ka joojeen D/hoose maamulkeedu. isla markaana
ayna ahayn in dawladu go'aan iska gaadho.
Dhanka kale ayaa waxaa u hadlay X.Dayib Sh.Muxumed
oo sheegay in ayna ogolayn duminta maqaamkaas,
waxaan dhawaan soo dhisnay ayuu yidhi X.Dayib
Qudbigii(Qabrigii) Sh.Samaron ee ku yaalay Dibgax
gobolka Sanaag, oo isagu dumay mudo dhawr sano ka
hor ah, markaan kii soo dhamaynay in la dumiyo maaha
kii Boorama. waa mid taariikhi ah waana meel looga
duceeyo sheekha aan ka tafiiranay.
Wasiir Cabdi Xasan Buuni ayaa isagu sheegay in ay
raacayaan joojinta ay sameeyeen maamulka Boorama,
maadaama lagu jiro wakhti diiwaan gelineed, marka ay
dhamaatana waa laga wada hadli doonaa ayuu yidhi
Wasiir Buuni.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sh.Yuusuf ayaa
isagu si adag uga hadlay joojinta dhismaha, isla
markaana hadalo canaana u jeediyay Sh.C/aali Sh Cali,
wuxuuna yidhi maanta la iskuma qabsadeen maqaam
hadii kitaabka sidiisa sheekhu u sheegayo waana
nasiib daro, waxaanan leenahay sidaas loo joojay
weeyi, bal is weydiiya yaa gacanta ku qabanaya hadii
laga dhiso machad ayuu yidhi wasiir Qasim. wuxuuna u
soo jeediyay in arimaha la dejiyo.
Sh.Maxamuud Xoog badane oo ka tirsan wasaarada
Diinta iyo Awqaafta gobolka Awdal ayaa isagu
tilmaamay in ka wasaarad ahaan aan lala soo socod
siin hawsha halkaas lagu dumiyay, ayna u arkaan
sharci daro lagu talaabsaday, sidaas awgeedna ay
rabaan in sidiisii hore lagu celiyo, wixii hawla ee
ku saabsan diina ay wasaaradu ka masuul tahay.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka ka dhashay duminta
maqaamka sh.samron ayaa isagu noqday mid xaaladiisu
xirka isku sii shareerto, waxaana ka dhashay xiisado
loo xidhay xataa dad rayid ah oo uu ka mid yahay C/salaan
Sayid Suleymaan, balse la sii daayay markii dambe
sida uu ii sheegay walaalkii Maxamuud Sayid.
khilaafka culimada ayaa ah mid salka ku haya xaga
dariiqooyinka.
|
|
|