| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo mudo dhowr sano ah ka dib ka dagay Soomaaliya..Nov,01,2008
(Jowharl:Saylac.Com)-Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif oo abaarihii 12-kii duhurnimo ka soo dagay Magaalada Jowhar ayaa waxaa qeyb ka ah Xubno caan ah oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Gudaha Cumar Xaashi Aadan, Daahir Geelle, C/raxmaan Janaqow iyo Xubno kale oo muhiim ah.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa waxaa la dejiyay Dhismaha Cusub ee ugu caansan Magaalada Jowhar ee lagu magacaabo Subiye Building, kaasoo ka mid ah Dhismayaasha dhowaan sida quruxda badan loo dhisay.

Dadweynaha reer Jowhar oo ka muuqatay xamaasad aad u weyn ayaa si weyn usoo dhoweeyay Sheekh Shariif oo muddo labo sano kadib soo gaaray Magaalada Jowhar, iyadoo Sheekh xilligii uu Magaalada imaanayay oo aheyd xilli Maxkamaduhu dagaalo kula jireen Hogaamiye Kooxeedyadii waxay xoog uga saareen Magaalada Maamulkii Maxamed Dheere.

Garoonka Diyaaradaha waxaa ka duushay Diyaarada keentay Shariifka, lamana oga in Shariifka iyo wafdigiisa ku hoyanayaan Magaalada iyo inay ka tagayaan, waxaase afhayeen u hadlay Wafdiga waxaa uu sheegay in socdaalo ay ku marayaan Gobolada Dalka, taasoo ay taageero ugu raadinayaan heshiiskii ay ku gaareen Dowladda TFG-da iyo Isbaheysiga Magaalada Jabuuti.

Halka Sheekh Shariif la dejiyay ayaa waxay tahay meel ay Ciidamadu ku gadaaman yihiin waxaa gebi ahaanba loo diiday in gawaarida ay maraan wadada laamiga, waxaana soconaya baaritaano lagu sameynayo gaadiidka iyo dadka.
Dhaq dhaqaaqa Magaalada ayaa guud ahaan ah mid caadi ah, waxaana Ammaanka Shariifka uu yahay mid si weyn ay u adkeyeeyeen Xoogaga Maxkamadaha Islaamka oo xalay oo dhan Magaalada soo gaarayay, waxaana markii u horeysay Magaalada daafahaheeda lagu arkay Ciidamo isku xiray Wadada Garoonka ilaa Magaalada gudaheed


Gudoomiyahii degmada Baydhabo ee TFG-da oo qarax lagu dhawacay.Nov,01,2008

(Baydhabo:Saylac.Com)-Gudoomiyihii degmada Badhabo ayaa waxaa lagu dhaawacay qarax lala eegtay gaari uu saarnaa oo marayay gudaha magaalada Baydhabo,waxaana qaraxaasi uu sababay dhimasho dad kale.

Sedax ruux oo ka mid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaa ku geeriyootay in ka badan 4-kale oo uu ku jiro gudoomiyaha maamulka degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed (Biikole) waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qaraxa lagula eegtay gaari uu saarnaa gudoomiyaha.
Dadka ka agdhawaa halka lagu qarxiyaya gudoomiyaha degmada Baydhabo oo ku taala aga gaarka Bankiga dhexe ee magaalada Baydhabo ayaa bilaabay in ay u gurmadaan dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxaasi kuwaasi oo u daabulaya cusbitaalka magaalada Baydhabo ee xarunya gobolka Bay si halkaasi loogu dabiibo.
Muuqaalka iyo jawiga magaalada ayaa mar qura is badalay waxaana la arkayay dad badan oo wareersan kuwaasi oo ka cararaya goobahooda ganacsi oo furan si aysan u waxyeeleyn ciidamada dowlada KMG oo looga bartay in ay rasaaseeyaan dadka rayidka ah xiliyada qaraxyada lala eegto.

Dhaqaatiirta caafimaadka ee magaalada Baydhabo oo xariro kala duwan naan la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan xaalada Caafimaad ee gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed(Biikole) oo maanta gaarigiisa qarax miino lagula beegsaday gudaha magaalada Baydhabo.
Baydhabo waxaa ay noqotay meel saldhig u ah qaraxyo iyo weeraro lagu qaado masuuliyiinta dowalada KMG iyo ciidamadooda kuwaasi oo aan la aqoon cida sida rasmiga ah ugu dambeeysa,waxaana wadooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo ay yihiin kuwa haawanaya oo ay isticmaalayaan oo kaliya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyadoo ay jiraan goobihii ganacsina cabsi darted ay u xirmeen markii ay qaraxyadu soo bateen

Rag hubeeysan oo maanta Weerar gaadmo ah ku dilay Ciidamda dalka qabsaday ee Ethiopian-ka ah oo ku sugnaa Agagaarka Furayaasha ee Degmada Wardhiigleey..Nov,01,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxaa ay weerar gaadmo ah ku dileen Ciidamo Ethiopian ah oo gaarayay illaa 2-askari isla markaana ka qaatay Qoryihii ay wateen.

Ragaani ayaa la sheegay in ay soo dhex mareen Fariisin ay ciidamada cadowga ah ee Ethiopia ku leeyihiin Qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigleey waxana ay dil toogasho ah u geysteen labo askari oo ka mid ah ciidamada Ethiopia markii ay soo gaareen Raaca ugu horeeya ee ciidamadasi waxana ay horay uga sii qaateen Qoryihii ay wateen.

Toogashadaasi kadib ayaa ciidamada Ethiopian-ka ah waxaa ay bilaabeen in ay rasaas xoogan soo ridaan oo ay ku soo fidaan agagaarka halka lagu dilay 2-da askari waxana uu dhaawac ka soo gaaray Qof rayid ah rasasta ay ciidamada Ethiopian-ka ee dalka qabsaday Fureen waxana ay intaasi kadib halkaasi ka qaatay Meydka Askartii laga dilay.

Ma'aha markii ugu horesay ee dil gaadmo ah lagu dilo ciidamada cadowga Soomaaliyeed waxana todobaadkii tagay sidan oo kale weerar gaado ah oo lagu qaaday ciidamo Ethiopian ah oo ku lugeynayay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha looga dilay illaa 4-askari.



Milateriga TFG-da oo tacshiirad dhimasho iyo dhaawac sababtay ooda kaga qaaday gaari rakaab ah oo marayey agagaarka Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad..Nov,01,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Hal ruux ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay ka dib markii ciidamada milateriga TFG-da ay tacshiirad ooda kaga qaadeen gaari rakaab ah oo marayey agagaarka Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee degmada Dayniile, kaasoo ka yimid degmada Madiina kuna soo jeeday dhinaca suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah raakabkii gaarigaasi saarnaa ayaa sheegay in ciidamada milateriga TFG-da ay diideen in ay qaataan lacago baad ah oo ay ka qaadan jireen gaadiidka, iyagoo doonaya iney baartaan dhacna kula kacaan rakaabkii saarnaa gaarigaasi, taasoo keentay in ciidamada TFG-da ay rasaas ku furaan ka dib markii darawalkii gaarigaas la socday uu si xowli ah gaariga ku dhaqaajiyey.
Ruuxa dhintay ayaa ahaa darawalkii gaariga waday halka midka dhaawacmayna uu ka mid aha rakaabkii la socday gaarigaasi, waxaana falkani uu qeyb ka yahay dhibaatooyinka joogto ah oo ciidamada TFG-da ay ku hayaan gaadiidka isticmaala agagaarka Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada militeriga TFG-da Daahir Maxamed Xirsi oo arintan aanu wax ka weydiinay ayaa beeniyey in ciidamadoodu aysan falkaasi wax lug ah ku laheyn saldhigna uusan ugu oolin halkaasi, ayna yihiin ciidamadiisa kuwo aaney ka suura gelin waxyaabaha noocaas ah una tababaran si asluub ah oo dadkana aysan dil iyo dhac u geysan wuxuuna sheegay in goobtaasi ay degan yihiin ciidamo kale oo isla markaana ay tahay in wax laga weydiiyo afhayeenadooda, waxaana afhayeenka ciidamada milateriga TFG-da looga bartay inuu beeniyo falalka ay geystaan Askarta TFG-da ee iskugu jira dilka, dhaca oo boobka joogtada ah ee ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.Com Muqdisho Somalia.
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com