Al shabaab oo dad lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen
dilaal Fool xun ku soo qabqabtay Deegaanka Buulo
Mareer ee gobolka Sh/hoose.Nov,30,2008
(Buulo Mareer:Saylac.Com)-Xoogaga Al shabaab ayaa
dad lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilaal Fool
xun oo habeen hore loogu geystay labo haween ah ku
soo qabqabtay Deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.
Ciidamada ka tirsan Xoogaga Al Shabaab ee gacanta ku
haya inta badan degmooyinka hoos taga gobolka Sh/hoose
ayaa deegaanka Buulo Mareer ee isla gobolkaasi ka
soo qabqabtay illaa 7-ruux oo lagu tuhunsan yahay
iney ku lug lahaayeen dil naxariis daro ah oo habeen
hore tuulooyin ku yaala duleedka deegaankaasi loogu
geystay labo haween ah oo ka mid ah dadka
deegaankaasi kuwaasoo meydkooda la helay iyagoo ay
ka muuqdaan nabaro naxdin leh oo isla markaana
jirkooda lagu jarjaray waxyaabo ay ka mid yihiin
Seefo.
Saraakiisha Xoogaga Al Shabaab ee ku sugan deegaanka
Buulo Mareer ayaa sheegaya in soo qabashada dadkan
la tuhunsan yahay ay ka dambeysay ka dib markii
baaritaano hordhac ah ay ka sameeyeen deegaankaasi
kuwaasoo ay ku baadi goobayeen sidii loo soo heli
lahaa dembiilayaashii ka dambeeyey dilkaasi foosha
xun ee lagula kacay haweenkaasi Soomaaliyeed oo si
weyn argagax iyo naxdin ugu beeray dadweynaha ku
dhaqan deegaankaasi.
Saraakisha xoogaga Al Shabaab ayaa intaa ku dararay
in dadkaasi la soo xirxiray ee lagu tuhunsan yahay
iney ka dambeeyeen falkaasi dilka ah haatan ay ku
jiraan xabsiga saldhiga degmada Buulo Mareer, ayna
weydiinayaan su'aalo la xiriira dilkaasi iyo wax ay
ka og yihiin, waxayna saraakiishu ay sheegeen in
dadkan baaritaanadu ay ku socdaan la sii deyn doono
hadii lagu waayo danbiga lagu soo qabtay hadii ay
cadaatana la marin doono shareecadda Islaamka.
Xoogaga Al shabaab ayaa waxaa ay talaabooyin
ammaanka lagu sugayay ka wadeen inta badan
deegaanada ay gacanta ku dhigeen ee gobolka Sh/hoose
kaasi oo dadka deegaanadasi ay sheegeen in ay ku
diirsadeen marka loo eego dhibaatooyinkii ay horay u
qabeen ee ahaa dhanka ammaanka.
Sil silado Qaraxyo ah oo maanta gil gilay magaalada
Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.Nov,30,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-Qaraxyo dhimasho iyo Dhawacyo
dhaliyay ayaa maanta xiliy is xig xigay mar qura gil
gilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo
fariisin kmg u ah Baarlamaanka Dowlada Embighati.
Illaa shan ruux ayaa geeriyootay, 18-kalena wey ku
dhaawacmeen qaraxyo xoogan iyo tacshiirado ka
dambeeyey oo barqanimadii maanta gilgilay Suuqa
sarifka lacagaha qalaad ee magaalada Baydhabo ee
gobolka Bay sida wararka halkaasi naga soo gaaraya
ay Tibaaxayaan.
Qaraxyadan oo loo adeegsaday bam gacmeedyo iyo Miino
ka mid ah kuwa meelaha fog fog laga hago ayaa la
sheegay in lagu weeeraray ciidamo ka tirsan booliska
Dowlada TFG-da oo ku sugnaa Suuqa sarifka lacagaha
qalaad ee magaalada Baydhabo, waxaana qaraxyadan oo
ahaa kuwo is xigxigay ka dib waxaa halkasi laga
maqalay tacshiirad xoogan oo ay furayaan ciidamada
Dowlada TFG-da ee halkaasi ku sugnaa, waxana dadkii
goobtaasi ka dhowaan ay isaga carareen marka laga
reebo kuwa ay qasaaraha ka soo gaareen qaraxyada iyo
tacshiirada ka dambeysay oo dhulka daadsanaa.
Daqiido ka dib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo
hor leh oo ka tirsan maamulka gobolka Bay oo iskugu
jira boolis iyo milateri kuwaasoo baaritaano ka
bilkaabay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen,waxana
ciidamada ay qaar ka mid ah sariflayaasha Suuqa
magaalada Baydhabo ay u geeysteen dhac iyo boob ay
kula dhaqaaneen hantidooda inkastoo aysan sheegin
cadada ay dhan tahay, waxaana la arkayey ciidamada
oo qab qabanaya dad gabaad ka dhiganayey goobo
ganacsi oo halkaasi ku yaala isla markaana xabsiga u
sii waday.
Xaalada magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa
cakiran illaa hadda iyadoo dadka dhintay iyo kuwa
dhaawacmay ay iskugu jira ciidamo ka tirsan maamulka
iyo dad rayid ah ayaa la geeyey Isbitaalka magaalada
Baydhabo, waxaana dadkaasi ay waxyeelo ka soo
gaartay qaraxyadii ka dhacay halkaasi iyo
tacshiiradii ka dambeysay ee ay fureen ciidamada
Dowlada TFG-da,waxaana qaraxyadan ay yihin kuwii ugu
qasaaraha badnaa ee maalmahan dambe ka dhaca
magaaladaasi.
Qaraxyadani ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili inta
badan maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo
ay sheegeen in ay sugayaan ammaanka magaalada
Baydhabo taasi oo dadka ay u arkaan in hadaladasi ay
ku sii dheereeynayaan dhibaatada dhanka ammaanka ah.
Dad lagu soo qabqabtay ka ganacsiga iyo isticmaalka
mukhaadaradka oo xukuno kala duwan oo tacsiir ah
lagula fuliyey Baladweyne..Nov,30,2008
(Baladweyne:Saylac.Com)-Maxkamadaha islaamiga ayaa
maanta meel fagaare ah xukun tacsiir ah ugu fuliyay
Dad lagu soo qabtay ka ganacisiga Muqaadaraadka iyo
isticmalkiisa gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta
gobolka Hiiraan.
Illaa shan ruux oo lagu eedeeyey iney ku lug
yeesheen ka ganacsiga iyo isticmaalka noocyada kala
gedisan ee mukhaaraadka loo yaqaano xashiishada ayaa
xukuno tacsiir ah waxaa ku fuliyey ciidamada midowga
maxaakiimta Islaamka ee ku sugan magaalada
Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha midowga maxkamadaha Islaamka ee
magaalada ayaa sheegay in shantan ruux lagu soo
qabqatay howlgalo ay magaalada ka sameeyeen
ciidamadooda xili ay ku guda jireen ka ganacsiga iyo
isticmaalka noocyada kala gedisan ee maandooriyaha
sida xashiishada iyo khamriga macmalka ah ee loo
yaqaano Calaqda.
Labo ka mid ah shantaasi ruux ayaa waxaa lagu
dhuftay min 20-karbaash oo tacsiir ah, halka 2 kale
iyana lagu dhuftay min 15 kartaash, iyadoo midka
shanaadna 30 Karbaash oo tacsiir ah lagu dhuftay,
waxaana karbaashkaasi uu ka dhacay meel fagaaara ah
oo ku taala magaalada Baladweyne iyadoo ay
daawanayeen dadweyne fara badan oo ka mid ah
magaalada Baladweyne.
Ciidamada Ethiopia oo maanta faarujiyey mid ka mid
ah xeryihii ay mudada dheer ka degenayeen gudaha
magaalada Baydhabo...Nov,30,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-Ciidamada Ethiopia ee dalka ku
soo duulay ayaa barqanimadii maanta gebi ahaanba ka
guuray xerada warshadii hore Oomada ee Xasey oo ku
taala duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay
sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay
sheegayaan.
Ciidamadan Tigreega ah oo degenaa warshadii hore ee
Xasey oo ku taala magaalada Baydhabo ayaa la sheegay
iney ka ruqaansadeen halkaasi iyagoo wata illaa
10-gaari oo nooca ciidamada lagu daad gureeyo ah,
taangiyo iyo gawaari nooca dagaalka ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay u
ruqaansadeen dhinaca wadada u baxda gobolka Gedo oo
tagta xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia,
waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in
ciidamadaasi sii socda ay ku sii dhowaayeen degmada
Berdaale ee gobolka Bay oo ay ku xoogan yihiin
kooxaha ka horjeeda ciidamadaasi.
Lama oga illaa hadda in ciidamadan Xabashida ah ee
ka baxay magaalada Baydhabo ay halkaasi dib ugu soo
laaban doonaan iyo in kale, waxana ay talaabadaasina
ay ku soo beegantay xilli habeenimadii xalay ay soo
gaareen magaalada Baydhabo ciidamo kale oo
Ethiopiaan ah oo ka yimid dhinaca dalka Ethiopia.
Sidoo kale, talaabadan ay ciidamada uga baxeen qeybo
ka mid ah magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegantay
xilli maalmo ka hor ay wasaarada arimaha dibada ee
Ethiopia shaacisay iney ciidamada ka jooga
Soomaaliya kula bixi doonto muddo bil gudaheed ah
guud ahaantood.
Dadka siyaasada odorosa ayaa ka bixitaanka Ciidamada
Xabashida ee gudaha dalka Soomaaliya ku micneeyay
jab iyo dharbaaxyo soo food saartay ciidamadaasi oo
kaga timid xoogaga ka soo hor jeeda oo dagaalo
xoogan kala hor tagayay tan iyo markii ay dalka Soo
gaareen.
Sheekh Shariif oo UN-ka iyo Midowga Afrika ugu
baaqay in ciidamo badala kuwa Ethiopia ay u soo
diraan dalka Soomaaliya...Nov,30,2008
(Jabuuti:Saylac.Com)-Gudoomiyaha Isbeheysiga Dib u
xoreeynta Garbka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed
oo kooxdiisa dhowaan heshiis awood qeybsi la
saxiixatay Dowladda TFG-da ayaa markii u horeysay
sheegay in loo baahan yahay Ciidamo dheeraad ah oo
ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey si buu
yiri ay u badalaan Ciidamada Ethiopia.
Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Midowga Africa inay
soo diraan Ciidamo dheeraad ah oo gacan ka geysta
xasilinta iyo nabad ku soo dabaalida dalka ay
dagaalada la degeen ee Soomaaliya, isagoona u
jeediyay inay eegaan heshiiska Jabuuti.
Waxaa uu qiray in aanu iminka jirin Ciidan
Soomaaliyed oo nidaamsan, si habsami lehna u
shaqeynaya, waxaana uu intaa ku daray in loo baahan
yahay in si deg deg ah loogu soo diro Soomaaliya
Ciidamo ka socda Qaramada Midoobey oo sida uu
sheegay uu dhigayay Heshiiskii Jabuuti
Hogaamiyahan qunyar socodka Islaamiga ah oo la
hadlayay TV-ga Al-Jazeera ayaa mar ay wax ka
weydiisay sababaha uu u dalbanayo Ciidamo shisheeye
hadiiba ay diidan yihiin Maxkamadaha Islaamiga iyo
kooxaha kale ayuu kaga jawaabay sidan "Marxalada
maanta ka jirta Soomaaliya waa mid adag, waxaa loo
baahan yahay in la helo ciidamo kala dhex gala
garabyada isku haaya Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh
Shariif oo mowqifyo ka duwan kuwiisii hore la soo
baxay.
Tani ayaa laga dheehan karaa mid mucaaradnimo cusub
ka soo wajihi karta Soomaaliya, mar hadii uu
iclaamiyay in la keeno Ciidamo Shisheeye, iyadoona
shalay ay mucaaradeen garabka isaga raacsanaa ee uu
hogaaminayay Sheekh C/qaadir Cali Cumar.
Sheekh Shariif oo ahaa nin aad u hadal wanaagsan
isla markaana kasbaday Soomaali badan ayaa meel dhow
laga tusay ujeedo Siyaasadeed, dabcan ma waxaa la
tusay naqshad ah inuu isaga mustaqbalka hogaamin
doono dalka Soomaaliya, ma cada ujeedada ka
dambeysay is bedelka cusub ee la yimid Sheekhu.
Hadalkan cusub ee ka soo yeeray Shariifka ayaa ah
tallaabadii ugu dambeysay oo halis gelin karta
dhamaan heshiisyada Siyaasadeed ee uu galay oo mar
hoggaankiisa ay ku mideysanaayeen dhamaan kooxaha
kala duwan ee Islaamiyiinta Soomaaliya.
Madaxweyne Yusuf "Dadaalada Nabada uu wado Nuur
Cadde waa mid qabiil kaliya ku kooban oo aanay
Soomaali oo dhan u dhameyn" ..Nov,30,2008
(Qardho:Saylac.Com)-Madaxweynaha Dowladda Embighati
oo booqasho ku jooga deegaanada uu ka soo jeedo ee
Puntland ayaa ku gacan seyray heshiiskii awood
qeybsiga ee Dowladda TFG-da iyo Isbaheysiga Garabka
Sheekh Shariif ku kala saxiixdeen Dalka Jabuuti.
Isagoo wareysi siinayay TV-ga Afka dheer ee
Al-Jazeera qeybtiisa afka Carabiga ayuu Madaxweynuhu
si caro ka muuqato uu sheegay dadaalada Nabada uu
wado Nuur Cadde uu yahay mid qabiil gaar ah ku
kooban oo aanay Soomaali oo dhan u dhameyn.
"Dadaalada Nabada uu wado Nuur Cadde waa mid qabiil
kaliya ku kooban oo aanay Soomaali oo dhan u
dhameyn"ayuu yiri Madaxweyne Yusuf oo ka gaabsaday
inuu carabaabo qabiilka uu ula jeedo.
Madaxweynuhu waxaa uu kaloo sheegay in qodobada
heshiiska lagu gaaray Jabuuti aanay ka turjumeyn
maslaxada iyo danta Ummada Soomaaliyed, waxaana uu
ku tilmaamay in ay yihiin maslaxad ku kooban labo
beelood oo ugala jeeday Beelaha Nuur Cadde iyo
Sheekh Shariif ka soo jeedaan.
Madaxweyne C/llaahi Yusuf wuxuu sheegay in
muhiimadda shirka Jabuuti loo qabtay uu ahaa in lagu
xaliyo mushkiladda Soomaaliya, balse shirkaasi uu ka
weecday wadadii loogu tala galay, wuxuuna intaasi ku
daray inaanu taageersanayn heshiiskaasi isla
markaana aqoonsaneyn qodobada ka soo baxay.
Hadalka Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu ku sheegay in
heshiiska Jabuuti uu yahay mid maslaxad dhex dhigaya
beelo gaar ah ayaa wuxuu imaanayaa xilli madaxda
guddiyada kala matalaya dawladda federalka iyo
Isbahaysiga dib u Xoreynta ee saxiixay heshiiska
Jabuuti ay sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in uu
mira dhal noqdo.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|