|
|
 |
|
| |
Sidee Hargeysa looga xusay
munaasibadda 18-ka May?
May,18,2008
Hargeysa-(Saylac.com) Casimadda Somaliland ee
Hargeysa, ayaa si wayn looga xusay 17 guurada ka soo
wareegtay maalintii Somaliland magaalada Burco
lagaga dhawaaqay madaxbanaanideeda.

Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimadda
oo isugu jiray, qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa
isugu soo baxay fagaaraha wayn ee Beerta Xorriyada,
halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha
Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, Ku-xigeenkiisa,
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Shirgudoonka Labada Gole
ee Wakiillada iyo Guurtida, Xubnaha Golaha
Wasiiradda, Maayarka Caasimada iyo ku-xigeenkiisa
iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.
Muuqaalkii Fagaaraha:
Muuqaalka guud ee Barxadda Fagaaraha Beerta
Xorriyadda ayaa aad looga shaqeeyay bilicdiisa,
ciidamada amniga ayaa dhinac kasta kaga weerarnaa,
kuwaasoo amniga aad u adkeeyay. Dadweynaha ayaa
wadniyadooda ku muujiyay siyaalo kala duwan, kuwo ka
mid ah waxay xidhnaayeen Maryo Isku joog calanka
Somaliland ka samaysan, qaar kale oo dhalinyaro u
badan ayaa wajiyadooda ku soo xardhay Calanka
midibka san ee isugu jira Casaan, Madow iyo
Caddaanka, Fanaantiina Qaranka ayaa iyaguna halkaas
ku soo bandhigay heeso Qiiro leh: “Shicibyahoow,
Wanaagsani Walaalayaaloow, Waxyahayagii Rumaadoow,
walaalayaaloow, wada jir bay laba gacmood wax ku
qaban karaanee, aan wada jirno walaalayaal, aan is-weheshano
Walaalayaal.” Erayadaasi waxay ka mid ahaayeen Hees
ay halkaas Fanaaniintu ka qaadeen oo ay dadweynuhu
ugu sacabo-tumeen.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa Baambooyda loo yaqaano
ayaa halkaas amin horeba ku sii diyaar ahaa. Waxa
kale oo jirtay in dhamaan isgoysyada wadooyinka
caasimada Hargeysa lagu xidhay Microfoono laga
dhagaysanayay Khudbada Madaxweynaha markii uu
hadlayay, wixii ka dambeeyayna ay ka socdeen Heeso
wadaniya, kuwaasoo qayb ka ahaa farxadda iyo
rayn-raynta ka muuqatay maanta caasimada.
Baabuurta shacbiga ayaa iyanaga lagu soo xardhay
midabada calanka.
Madaxweyne Rayaale oo si aan muuqan ku soo galay
Madasha:
Mar keliya ayay Saxaafadu Kamaradaha ula yaacday
xagii baabuurta ciidamada galbinayay Madaxweynaha.
Hase yeeshee, way arki waayeen Madaxweynihii,
sababtoo ah muu xidhnayn Suudhadhkii quruxda badnaa
ee looga bartay. Si lama filaan ah ayuu xagga dambe
ee barxadda uga soo galay. Mise waa Madaxweyne
Daahir oo ku labisan Garan midabkiisu cirka u eg
yahay Koofiyad ay ku xardhan yihiin labadaba (18
May, maalinta Qaranimada Somaliland), Madaxweyne
Rayaale waxa uu Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka
tirsan ciidamada Qaranka, ka dib waxa uu ku
dhaawaday oo fadhiistay kursi dhinaca ku hayay meel
uu fadhiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, halkaas
oo uu waxooga qaatay Xanshaashaq wada hadal hoos ah
oo ay isula xamxamsadeen Madaxweyne Rayaale iyo
Gudoomiye Cirro (Gudoomiyaha Golaha Wakiillada).
Guda-galkii Khudbadaha:
Waxa la yaab noqotay iyada oo aan madashaas hadalo
badan laga odhan,waxa ugu horayn dadweynaha
hambalyeey Maayarka Caasimada Xuseen Maxamuud Jiciir,
oo mikrafoonka ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha
Gudaha, Md. Cabdilaahi Maxamed Cali (Cirro) oo
isaguna hambalyo u diray shacabka Somaliland gudo
iyo dibadba. Ka dibna ku soo dhaweeyay mikrafoonka
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Khudbadii Madaxweynaha:
Ugu horayn Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ka
cudur-daartay in aanu hadal badan u kicin, maadaama
uu dhawaan Goleyaasha Qaranka u jeediyay khudbad
aadu dheer oo dhinacyo badan taabanaysay. Hase
yeeshee, waxa uu farta ku fiiqay in uu madasha u
yimi in uu dadkiisa kala qayb-qaato maalinta
farxadda gaarka ah u ah reer Somaliland.
“Walaalayaal, waxaan hambalyo u jeedinayaa dhamaan
shacab waynaha Somaliland. Sanadkan 18 May waxa kaga
duwan tahay sanadihii hore, Dalka oo dhan ayaa laga
wada xusayaa, oo walaalayaal gobolladii Bari maanta
gacanteena ayay ku jiraan.” Ayuu yidhi Madaxweyne
Daahir Rayaale.
Mar uu ka hadlayay dhinaca Nabadgelyada waxa uu
yidhi: “Walaalayaal Maalka dadku ma wada laha, oo
nin waliba wixiisa isagaa gaar u leh, caafimaadka
lama wadaago, mansabka iyo kursigana lama wadaago.
Laakiin, waxa la wada leeyahay oo la wadaagaa oo
qofna aanu ka maarmayn waa nabadgelyada, waxaan ku
ammaanayaa shacbiga Somaliland ee nabada jecel.”
Waxa uu Madaxweynuhu taabtay in layska ilaaliyo
waxyaalaha dadka kala fogaynaya. “Walaalayaal,
waxaan leeyahay qolyahayaga siyaasiyiinta ah ee
yooyootamaya iyo qolyaha Saxaafadaba, waar aynu iska
dayno waxaan dadka dan u ahayn oo kala kaxaynaya.”
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in ay wada
hadalo u socdaan Xisbiyada Mucaaradka oo ay maalmaha
foodda innagu soo haya u balansan yihiin sidii ay
isula gaadhi lahaayeen wada hadal dhab ah oo midho
dhala. “Xisbiyada Qaranka wada-hadal baa noo socda
si aanu u dhamayno muranadii yaraa, Ilaahay waxaan
ka baryayaa inaanu ku dhamaysano si niyad sami ku
jirto oo dadka iyo dalka dan u ah. Ilaahay
walaalayaal quluubteena ha mideeyo oo ha isu xaadho.”
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay, kuna
cel-celiyay in meel looga soo wada jeesto adkaynta
nabadgelyada. “Walaalayaal, Nebi Ibraahim CS markii
uu kacbada dhisay, waxa uu Ilaahay waydiistay Amni
iyo Iimaan, nabadgelyo iyo iimaan fayoobi. Markaa
Walaalayaal nabadgelyadu waa waxaynu wada leenahay.”
Madaxweynuhu waxa uu soo qaaday ciidamada ay beesha
caalamku sheegtay inay keenayaan Soomaaliya, waxaana
uu dadweynaha ugu bushaareeyay inay dedaal dawladu
ka galayso sidii aan Somaliland uga mid noqon lahayn
meelaha ciidamada la keenayo. Isaga oo tilmaamay
faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ku
sheegay inay tahay meel amaan ah iyo meel fidno iyo
dagaal culusi ka socdo, maalin kastana dhiig ku
daadanayo. “Waa dad aynu jaar nahay oo walaalo nahay
markaa Ilaahay ha ka qaboojiyo dhiigaa daadanaya iyo
dagaalka.” Ayuu Madaxweynuhu ugu duceeyay Koonfurta
Soomaaliya.
Madaxweyne Daahir, waxa kale oo uu xusay wanaaga ay
leedahay jaarnimo wanaagu. “Jaarkaaga ma dooran
kartid, inuu noqdo mid fiican ama mid xun. Balse
waxaad dooran kartaa habka aad ula dhaqmaysid,
annagu jaarka xidhiidhyo fiican baanu la leenahay
kuwa waxyari jiraan, Somaliland gogosha ayay u
xaadhaysaa sidii loo hagaajin lahaa, loona dhamayn
lahaa waxyalahaas sida ah.” Ayuu yidhi Md. Kaahin.
Geesta kale, Hoteelada Panaroma, iyo Xamdi ayaa lagu
wadaa in fanaaniinta dhalinta yari ay caawa ku soo
bandhigaan bandhig-faneedyo munisaabidan farxadeeda
lala xidhiidha, taasoo inta badan dhalinyaradu ku
soo maaweelo qaataan, isla-markaana ay si wayn
maanta ugu diyaar-garoobayeen, una hadal-hayeen.
Dhinaca kale, dhamaan magaalooyinka Somaliland ayaa
si wayn looga xusay, loogana dabaal-dagay
munaasibadda, xataa wadamada dibadda ayaa iyana
wararku sheegayaan in munaasibado farxadeed laga
dhigay.
Cabdiqani Xuseen Baynax.
Hargeysa/Somaliland
|
|
|