Caruusad xafladii caruuskeeda
uu ku soo beegmay Imtixaan ay u fadhiisatey..May,16,2008
London(Saylac.com)Gabadhan oo magaceeda la yidhaa
Luo Yingchao ahna gabadh macalimad ah oo u dhalatey
dalka Shiinaha ayaa xafladii carooskeeda waxa ku soo
beegmay imtixaan uu diyaariyey xafiiska waxbarashada
magaalada ay ku noolayd oo dhamaan macalimiinta
khasab kaga dhigay inay imtixaan degdega u
fadhiistaan si loo ogaado tayada ay kala leeyihiin.
Ninka
la aqal galayey gabadhan oo magaciisa la yidhaa Chu
Moayang ayaa isagu mudo hore kireeyey hoteel uu
jeclaa inay xaflada carooskoodu ka dhacdo
nasiibdarase ay kusoo beegantay Imtixaanka laga rabo
in laga qaado xaaskiisa oo isku saacad noqday.
Intaa waxa u dheerayd in dhamaan dadkii
martisharafta ahaa ee ay marti qadeeni ay u soo
diyaar noqdeen xaflada carooska. Si kasta xaalku ha
ahaadee, waxay goosteen inay wataan hawshooda caawana
iska dhameeyaan xanuunka caroosku uu ku hayo meesha uu
doono caroosku ha ka dhacee. Laba saacadood markii
ay Imtixaanka u fadhidey ninkiina uu kursi geeskaasa
ku sugayo inta ay xaaskiisu imtixaanka dhamaynayso
ayaa markii imtixaankii dhamaadey dadkii Imtixaanka
ka soo qaybgalay oo dhami xaflad yar u sameeyeen una
hambalyeeyeen .Sidoo kale martisharaftii oo isleh
xaflad weyn ayaad tagaysaan ayaa iyaguna la kulmay
dad aad u daalan oo imtixaan ka soo baxaya waxayna
isweydiiyeen malaha address ka ayaa inaga khaldamay!
lakiin, markii ay arkeen caroosadii oo dharkii
carooska ku taagan ayey ogaadeen inay xafladii
socoto iyaguna kuraasidii hoolka Imtixaanka lagu
qaadayey ayay dhinac ka fadhiisteen una sacabiyeen
carooska iyo caroosada .
Mohamed Haji
Saylac.com
Yangcheng Evening Post.
London Uk
Su'aasha qisadani waxay tahay ma
haysaa talo kale oo ay yeeli lahaayeen labadan qofi
si ay xaflad caroos oo farxadleh u samaystaan?
figradaha waxaad kuu soo hagaajisaan saylacnews@yahoo.com. |