|
|
 |
|
| |
Xaflada
qalin-jabinta
fasalada Afaraad ee
Dugsiga sare ee
sheikh Ali jawhar
secondry
school..May,14,2008
Xaflad si fiican loo
soo agaasimay ayaa
waxaa shalay lagu
qabtay dugsiga sare
ee sheikh Ali jawhar
secondry school,
xafladan ayaa waxaa
soo qaban-qaabiyey
ardayda fasalada
afaraad(from four)
oo ah ardayda
sanadan ka baxaysa
dugsiga.
Xafladan ayaa waxaa
ka soo qayb galay
marti sharaf badan
oo ka kala socota
bulshada rayidka,
culumada
diinta,wasaarada
waxbarasha ,iyo
waliba Suldaano.

Ugu horay waxaa
halkaa ka hadashay
Dr.Nimco X.Abakor oo
dhamaan aradayda ku
boorisay inay sii
wataan
waxbarashadooda ilaa
heer jaamacadeed ,
Dr. Nimco waxaa
hadalkeedii ka mid
ahaa “dhamaan
ardayeey waxaa
tihiin dhallinyaro
da yar waxaanad
haysatiin waqti aad
waxbarashadiina ku
sii korodhsataan
markaa waxaa inigula
dardaarmayaa inaan
waxbarshada aanad
halkaa kaga hadhin
ee aad sii wadataan.
Waxa kale oo ka mid
ahaa marti sharaftii
halkaasi ka hadashay
Suldaan Saleebaan,
sheikh Cali Aadan oo
ka mid ah Culumada
diinta magaalada
borama ,Maxamed Bule
oo ka mid ah
wasaarada waxbarasha
ee Gobalka Awdal iyo
waliba marti sharaf
kale oo dhamaamtood
ardayda ku booriyey
inay ku dadaalaan
waxbarashadooda.
Intaa ka dib waxa
isaguna halkaa ka
hadalay Maamulaha
Dusiga sare ee
sheikh Ali jawhar
secondry school C/laahi
Xaaji Cumare oo
isaguna ka
sheekeeyey wax-qabadkii
ardaydii hare iyo
waliba wax ay
qabteen sanadkan.

Isaga oo arintaas ka
hadlayana waxa uu
yidhi “waxa ay soo
qabteen ardaydii
hare ee ka baxday
dugsigani waxaa ka
mid ahaa iibinta
Cumputero iyo
galinta qasabada
biyaha, Wax qabadka
sanadan oo ka weyn
wax-qabadadii hare
ayaa wax uu yahay in
aan dusiga
xuduudihiisa sugnay
waxaanan ku soo
wareejinay
dayr,Dayrkaas oo ay
ka qayb qaateen
dhamaan bulshada
reer Borama.

Ayaguna waxaan
meesha ka madhnayn
Habalaha oo kaalin
lixaad leh ka qaatay
qabanqaabada xaflada
iyo waliba
daadihinta xaflada,
waxa kale oo
halkaasi ka muuqday
ardayda
qalin-jabinaysa oo
ku labisnaa dirays
isku eeg iyo waliba
calanka Somaliland
Isku soo wada duuboo
xafladaha noocan ah
ayaa waxa ay noqdeen
kuwo iska caadi ah
oo ay qabtaan
ardayda sanadkaasi
ka baxaya dusiga
sare ee sheikh Ali
jawhar secondry
school
Abdiaziz Mohamed
Elmi
Xaaji7777@hotmail.com
|
|
|
|
|
|
|