|
|
 |
|
| |
Maxamed
Dheere: Axmed CabdiSalaan muqdisho
marti ayuu ku yahay oo uma dhalan
wuxuuna ka yimid meel kun kiilo
mitir u jirta"
May,04,2008
Gudomiyaha gobolka banadir Maxamed
cumar xabeed "Dheere" ayaa ku gacan
seyray hadalka ka soo yeeray Ra’isul
Wasaare Xigeenka Dowlada Somalia
Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo
sheegay in dowladu qorsheyneyso in
ay bedesho maamulka gobolka banadir
oo uu gudoomiyaha ka yahay maxamed
dheere.
Gudoomiyaha
gobolka banadir Maxamed Cumar xabeed
(Maxamed Dheere ) ayaa si kulul uga
jawaabay hadalka ka soo yeray
raiisal wasaaraha xigaha dowlada
fadaraalka KMG somaliyeed ahna
wasiirka warfaafinta wuxuuna sheegay
in arinta doorashooyinka iyo golaha
deegaanka iyo maamul u samaynta
gobolka banadir ay tahay arin ay
horey u waday xukuumadii ee uu
madaxda ka ahaa wasiirkii hore ee
arimaha gudaha Maxamed Masxauud
guuleed Gacmo Dheere wuxuuna ku
tilmaamay in ay tahay arin ay soo
dhaweynayaan sharciga dowlada KMG
somaliya uu arintani dhigayo ayuu si
kulul u yiri Maxamed Dheere
Gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed
Cumar Xabeed Maxamed Dheere ayaa
sheegay in Axmed cabdisalaan xaaji
adan uusan wax shaqo ah ku laheyn
maamul u sameynta gobolka banadir
wuxuuna ku eedeeyey raiisal wasaare
ku xigeenka dowlada FKMG somaliya in
wasaarada warfaafinta ee uu madaxda
ka yahay aysan wax xafiis ah ku
laheyn gobolka banadir Axmed cabdi
salaana aanu gobolka banadir wax
shaqo ah ku laheyn ,
Gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed
Cumar Xabeed Maxamed Dheere”talada
uu ku yeelan doono gobolka banadir
waxay noqon doontaa mida wasiirka
daarood iyo digil iyo mirifle iyo
midka beesha isaag ay ku leeyihiin
in uunan ka sokeyn uuna ka yimid
1000 kun kilo mitir meel u jirto
caasimada talada ma ugu jirtaa ?
horta dalkuna fadaraal yahay ayuu
isweydiiyey “
Intaa in aad sii gaarsiisiin ayaan
jeclaan lahaa ayuu sii raciyey
Maxmed Dheere oo hadalkiisa sii wato
isaga oo si raciyey maamulka waa la
dooranayaa shuruucdii doorashada
ayaana socoto dalkuna waa fadaraal
sharciga ayaa dhigaya waana
soconaysaa somaliya nin walbo
gobolkiisa in uu u taliyo isaga ayaa
iska leh sidaa daraadeed Axmed
cabdisalaan xaaji adan banadir
yuusan ku noqnoqone in uu
dhuusamareeb uu wax ka dhiso ayaa u
fiicnaan laheyd
“Gobolka banadir meel fiican ayey
maraysaa arintiisu axmed
cabdisalaana mid qusayso maaha ee
dhuusamareb ayaa qusayso ee maamul
ha u so dhiso ka dibna dowlada ha u
keeno ,
Duqa Magalada muqdisho sidoo kale
waxaa wax laga weydiiyey hadii u soo
dhaweynayo ama sida uu u arko in
isaga maamulka laga bedelo isla
markaana gobolka lo sameeyo maamul
cusub oo uusan ka mid aheyn iyada oo
dowlad aKMG somaliya ay bilihii ugu
danbeysay ay waday arinmahaas
maamulka wax loog abedelayo ,
“aniga hadii la I bedelo shiqa
dowladeed waligeed ayaa la isbedeli
jiray hadana gobol ayaa laiga so
bedelay kan hadii la iga badalana
mid kale ayaan tagi doonaa laakiin
mid Axmed cabdi slaan ku xiran maaha
arintasu “
“maamulaka gobolak banadir waa
maamul shaqeeya oo miisaaniyad iyo
sharci iyo wax walbo leh wxaana lag
arabay axmed cabdislaan in uu xafiis
yeesho oo u wasaradiisa u shaqeeyo
oo habeeyo ayaa looga fadhiyaa ee
gobolak banadir ha iska dhaafo
shaqadiisa maahee “
Sidoo kale gudoomiyahay gobolaka
banadir Maxmaed Cumar Xabeed (
Maxmaed Dheere ayaa ka hadlayey
arimaha deegaan u sameynta gobolka
banadir isaga oo sheegay in uu hubo
in la dooran doono hadii uu isa soo
sharaxo
soo gudbin
MUUSEMAXAMUUD JIISOW ..somalilalk
|
|
|
|
|