|
|
 |
|
| |
Waa ayo Budhcad badeedka lagu
qabtey degmada Lughaya iyo waraysiyo ay saylac.com
budhcad badeedka laftooda ka qaaday ..
May,07,2008
Maqal
Borama(Saylac.com)- Madaxa laanta Baadhista ee
Saldhiga Booliska Deg/ lughaya maxamed Xirsi
Ismaacii ayaa saylac.com uga waramay xalada doonida
iyo labadan nin ee lagu soo qabtay.Maxamed Xirsi
ayaa sheegay inay xeebta lughaya ku arkyeen Doon
sabaynasa bada gud keeda waxanan u diray qaar ka
mida Booliska oo Dabaal ugu tagay waxay soo Noqdeen
labadii nin ee Diray iyagoo lalabo caagadood iyo
labo nin kala wada oo dhinaca ay ku soo qaadeen
ragii Doonta watay oo aad u tamar yar daal badanina
wajigooda ka muuqda ayaanu soo qabanay ayuu yidhi
Mudane Maxamaed Xirsi.
Maxamed Xasan Siciid (Beesha Digil iyo Midhifle)
Labadan nin ee doonida saarnaa oo magacaantoodu kala
yihiin: Mursal Cali Mursan iyo Maxamed Xasan Siciid
oo kasoo kala jeeda Beelaha Digil iyo midhifle iyo
Biyo Maal ee koonfurta Soomaaliya. Taliyada Booliska
Lughaya ayaa waxa uu sheegay inay lix casho ku
hayeen labadan nin magaalada Lughaya ka dibna ay
usoo gudbiyeen Cusbitaalka Guud ee Borama halksaas
oo ay hada ku sugan yihiin laguna dawaynayo.
Dhicana kale waraysi khaas ah oo ay saylac.com ka
qaaday labadan nin ee la qabtey ayey u sheegeen inay
mudo 70 casho ah ku dhex heehaabayeen mawjadaha Bada
Cas ka dib markii maoorka doonida ay wateeni kuu ka
fadhiistey ama ciladi ku timi.
Mursal Cali Mursan (Beesaha
Biyo Maal)
Labadan nin ayaa waxa kale oo ay sheegeen inay
ahaayeen kaluumaysato soomaaliyeed ayna soo lumeen
isla markaana aya wax shaqo ah ku lahayn badgooye
iyo wixii la halmaala.Labadan nin oo aad ka arkayso
daal iyo tamaryari nafta uuni ku jirto ayaa waxay
saylac.com oo ku buuqatey Jeelka dhexe ee Boorama
waxay u sheegeen inay codsanayaan in ehaladoodii
lala socodsiiyo inay Boorama ku sugan yihiin cidii
garanaysana ay gaadhsiiyaan sawirkooda iyo
magacaantooda iyo waliba inay ku sugan yihiin
magaalada Boorama si wanaagsana loo xanaaneeyey
loona daryeelay aadna ay ugu mahadinayaan dadweynaha
Reer Boorama sida walaaltiimo iyo soomaaliyeed ee ay
uga badbaadiyeen halista naftoodu gashay maantana
daawo iyo raashinba noola diyaar ah. ayey hadalkooda
ku dareen
Dahir Axmed "Jirde"
Saylac.com /Borama/ Somaliland |
|
|