| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Madaxweynaa Dalka Jabuuti oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee lagaga hadlayo horumarinta qaarada Afrika ee ka socda Magaalada Tokyo Cariga Jabaan.
May,30,2008

Djibouti(Saylac.com) Wufuud ka kala socota 51 dal oo ku yaala qaarada Afrika ayaa ka qayb galaysa shirkan lagaga hadlayo horumarinta qaarada afrika ee ka furmay dalka Jabaan. Raiisul wasaaraha dalka Jabaan Yasuo Fukuda oo shirka guroonka ah isla markaana wadankiisu uu martiqaadka u fidiyey wufuuda caalamiga ah ayaa si gaara ula kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele waxayna isla soo qaadeen mashaariic horumarineed oo dalka Jabaan uu damacsan yahay inay ka fuliyaan dalka Jabuuti iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Jabaan iyo Jabuuti. Ra'iisul wasaaraha dalka Jabaan ayaa waxa uu ku bogaadiyey dalka jabuuti siyaasada caalamka doorka ay ka ciyaarto iyo xidhiidhka tooska ah ee ay la leedahay wadamada ree galbeedka oo suura galiyey ayuu yidhi in dalka jabuuti noqdo wadan maalgalin sharikadaha Jabaan kusamaysan karaan oo xasiloon isla markaan ku yaala marin aad u muhiim ah oo maraakiibta caalamku iskaga kala gooshto.

Shirkan oo halkudhagiisa la yidha Tokyo International Conference on African Development "TICAD" Shirka Caalamiga ah horumarinta dawladaha Afrika ee Tokyo ayaa maanta Ra'iisul wasaaraha dalka Jabaan uu soo jeediyey inuu deeq gaadhaysa $4 Bilyan oo dooral dawladiisu ugu talo gashay horumarka wadamada Afrika gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee Bulshada. Raiisul wasaaraha Dalka Jabaan ayaa intaa raaciyey inuu $2.5 Bilyan oo doolarka maraykan iyana ugu talo galay dhinaca waxsoo saarka Beeraha ee wadamada Afrika .

Raiisul wasaaraha dalka Jabaan Yasuo Fukuda ayaa sheegay in qaarada Afrika ay noqon doonto qaarada ugu hodansan ee qaaradaha aduunka mustaqbalka fog sidaa darteedna uu dalka Jabaan go'aansaday inuu xidhiidh caalami ah lasii yeesho wadamada Qaarada Afrika si qaniimada dalalka Afrika loo soo dedejiyo si aduunku uga faa'iidayso dalalka afrikaanka ahina ay dadkooda horumar u gaadhaan.
TICAD IVPrime Minister Fukuda Ra'iisul wasaaraha Jabaan oo furaya shirka lana hadlaya wufuuda dalalka Afrika ee shirka timi
Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay Baanka Aduunka , Haydaha Cunada Aduunka WFP , UNDP, iyo wadamo badan oo reer galbeed ah.

xidhiidhka ka dhexeeya Jabuuti iyo Jabaan halkan ka akhri >>xidhiidhka Jabaan iyo Jabuuti


Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti, Djibouti
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com