|
|
 |
|
| |
Xukuumadda iyo Shicibka
Somaliland waxay u Qalmaan Abaal Marinta “Nobel
peace prize”Jun,03,2008
London(Saylac.com)-Inkasta oo dedaalka iyo kaalinta
ay ka qaateenba uu kala duwanaa, hadana guusha ka
dhalatay heshiiskii Axaddii 01/06/08 laga gaadhay
khilaafkii iyo murankii siyaasadeed ee hadhaayey
Somaliland bishii hore waa guul Qaran oo kawada
dhaxaysa Xukuumadda JSL, Xisbiyada, Guurtida,
Wakiilada, Komishanka Doorashooyinka, Ciidamada,
Salaadiinta, Culimada , Mujaahidiint, Saxaafadda iyo
guud ahaan qaybaha kala duwan ee Shicibka Somaliland
oo dhamaantood wada muujiyey Xilkasnimo,
Somalilandnimo, Walaaltinimo, Wada shaqayn iyo inay
meel uga soo wada jeestaan Cadowgooda ku taamaya
hadh iyo habeen ee heshiiskani ku noqonayo gantaal
kale oo meel halis ah ka gaadhay.
Ma
jiro dunida ama waa naadir dad sida kuwa Somaliland
uga shaqeeya nabadda iyo horumarinta noloshooda
muddo ka badan 17 sannadood iyaga oo aan dunida ka
helin taageerada iyo aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin.
Sidaa darted Xukuumadda iyo Shicibka Somaliland
waxay u qalmaan abaal marinta caalamaiga ah ee loo
yaqaan: “Nobel Peace Prize’’. Maadaama ay ku
guulaysteen kana hirgaliyeen dalkooda Nabad iyo
Xasilooni laga hirgalin kari waayey dalal badan oo
dunida ka mid ah oo dhaqaale ama lacag balaayiin US
doolar ah lagu bixiyey.
Abaal marinta caalamaiga ah ee loo yaqaan Nobel
Peace Prize waxaa hindisay Nin caan ah oo la odhan
jiray Alfred Nobel oo dhintay 1896 waxaana la
gudoonsiiyaa Shakhsiyaadka iyo Ururada hawl weyn ka
qabtay nabad gelyada iyo horumarinta nolosha
Aadamaha, waxaana la bixinayey sannadkasta laga soo
bilaabo 1901.

Haddii aad u fiirsato ama aad daraasad ku samayso
dadyowga iyo ururada la gudoonsiiyey Abaal marintan
waxaa kuu soo ifbaxaysa in qaar badan oo ka mid ah
Xubnahaas iyo ururadaas hawsha nabadda ee lagu abaal
mariyey ay noqonayso mid aad u yar marka la
barbardhigo hawsha iyo waxqabadka ku saabsan nabad
gelyada iyo horumarinta nolosha Aadamiga ee ay
hirgaliyeen xubno ka mida bulshada iyo Hay’adaha kor
ku xusan ee Somaliland.
Haddii aad is weydiiso Intee ayey leeg tahay
baaxadda ama qiimaha ay ku fadhido hawsha Nabad
galyada iyo horumarinta nolosha Aadamaha ee
Xukuumadda JSL iyo Shicibkeedu hirgaliyeen?
Jawaabta waxa aad kala soo bixi kartaa marka aad
qiyaasto dhibaatada iyo qasaaraha xad dhaafka ah ee
gaadhay dadkii, Maalkii, Moodkii, Deegaankii iyo
Makhluuqaadkii kale ee ay keentay Nabad galyo darada
iyo dagaalada ka taagan Soomaaliya 17 kii sanno ee
la soo dhaafay ilaa hadana ka holcaya.

Dhinac kale haddii aynu ka raadino jawaabta isla
su’aashan waxa ay ka muuqan kartaa dhaqaalaha ama
lacagta balaayiinta US doolarka ah ee lagu qarash
gareeyey Soomaaliya iyo quwadda lagu isticmaalay
sida ciidamadii qaaradaha adduunyada isaga yimi ee
wax ka qaban kari waayey oo ay ku jiraan quwaddii
adduunka ugu xoogga badnaa sida kuwii Maraykanka,
UNISOM1, UNISOM2 iyo UNITAF etc. Qiimayn degdeg ah
waxaa kuugu filan qaasaraha iyo dhibaatada kala
duwan ee gaadhay dadkii iyo dalka Soomaaliya intii
uu dagaal ooge Cabdillahi Yuusuf iyo kooxdiisa TFG
Mpaghati taajka u qaateen.

Sidii ay marar horeba u sheegeen dad kala duwan oo
shisheeye ah oo wax ka qoray Somaliland, Nabadda iyo
Xasiloonida ay hirgaliyeen xukuumadda iyo shicibka
Somaliland iyo waxa ay qabsadeen maaha oo kaliya
guul qaranka JSL u soo hoyatay ee waa guul Qaarada
Afrika u soo hoyatay.

Somaliland iyo Somaliyana waa laba Muraayadood oo
laga daawado UN ta ama laba meelood oo laga qiyaasi
karo waxqabadka dadka Somaliland iyo waxqabad
la’aanta iyo waxyeelada Qaramada Midoobay oo wali
kusii socota qorshe xumaantii iyo qaladkii
taarikhiiga ahaa ee UN tu gashay.
Waxa aan ku soo gunaanadayaa qoraalkan in ilaahay
loogu mahad naqo guushan iyo nabad galyada uu inna
siiyey iyo in lagu fara adaygo. Waxa kale oo loo
baahan yahay in halkaa laga sii wado oo niyad
wanaagaa iyo wada shaqaynta Axsaabtu muujisay ay
tusaale u noqoto golayaasha kale ee qaranka sida
Wakiilada iyo Guurtida. Waxaa iyaduna dad badan
farax galisay wada shaqaynta ka muuqatay Golaha
Wakiilada iyo Xukuumadda JSL gaar ahaan Ansixintii
Odoroska Miisaaniyadda JSL ee 2008.
Aakhirkiina waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa
Xukuumadda JSL iyo Xisbiga talada haya ee UDUB
heshiiskan guusha leh iyo talaabadii geesinimada
lahayd ee ay ku dhaqaaqeen 14/5/08, taas oo keentay
heshiiskan iyo tanaasulaadkii ay sameeyeen kulamadii
kala dambeeyey ee ay la yeesheen hogaanka Axsaabta
Mucaaridka ah.
Axmed Naasir Xirsi Maxamed +Saylac.com Staff
Gudoomiyaha UDUB UK
|
|
   
|