|
|
 |
|
| |
Buugta madaxweynayaasha
marfashyada iyo makhaayadaha lagama qoro, cid kuu
igmatayna ma jirto. Bye:Jaw Qalinle..Dec,07,2008
Waxan jeclaystay inaan wax ka idhaahdo ama u caqli
celiyo kadib markaan shabakadaha internetka ka
akhriyey ra'yi uu qabo nin la yidhaa Cabdilaahi
Axmed Caarshe oo sida uu sheegay ku nool
Hargeysa,ra'yigaas oo ahaa mid farastareyshan badani
ka muuqdo,isla markaana kasoo maaxday maskax
mirqaansan.Cabdilaahi wuxu ku riyoonayaa inuu buug
ka qoro madaxweynaha talada haya Daahir Rayaale
Kaahin,ma xuma inuu qofku bugaag qoro,laakiin buugta
madaxweynayaasha marfashyada iyo makhaayadaha lagama
qoro, cid kuu igmatayna ma jirto.
Buugtu way kala jiraan,Marxal iyo micnay kala
leeyihiin,Milgo iyo maqaam bay kala
leeyihiin,Malkooyin iyo meelo loo maraa jira.Waan
akhriyey fikirkaaga,laakiin talaabo si fudud loo
qaadi karo maaha sidaas darteed waxay ubaahantahay
ka fiirsi badan,Hadalkaaguna wuxu la midyahay uun
nin suuqa iska jooga oo xataa isagoon wasaarada
tacliintana u shaqayn hadana yidhaahda: "Natiijadii
imtixaanaadka dugsiyada sare ee somaliland baan soo
dhejinayaa".Mida kale hadiiba ay jirto cid
ogolaansho (permision) ka haysata shakhsiga wax laga
qorayo dal iyo dibad meeshuu doono ha joogee waxa
ila haboon in qofku marxal wanaagsan la eegto
taariikhda uu reebayo.
Laakiin hadii qofkii aad waxqabadkiisa qoraysay uu
wali hawshii badhtanka kaga jiro miyaanay la mid
ahayn uun ninkale oo isna yidhaahda : "imtixaankii
oo lagu guda jiro ayaan natiijadiisa
shaacinayaa"Waxan filayaa ninkan waxa isaga khaldan
"buugta suugaanta ah iyo buug cilmiyeedka daraasada
xambaarsan iyo buugga shakhsiga laga qoro"
Haddii aad wax qoreyso waxa ila haboon inaad
madaxweynayaashii Somaliland soomaray oo xilalkii
iyo xayaatadiiba dhamaystay aad buugaag ka
qorto,hadii ay eheladoodu kaa ogolaadaan,Laakiin
Madaxweyne Rayaale wali waa Xay xilkiina kama
dhamaan.
Ma xuma in qofku buug qoro,laakiin buugaagtu way
kala jiraan sidaan soo xusnay.Buugu marka uu yahay
buug qof ka hadlaya waa qofkii oo maktabad la
dhigay,markaa suuro-gal maaha inuu qof qalin iyo
waraaq iska qaato oo dhinacuu doonaba uu u
jiido-jiido,maaha talaabo si fudud loo qaado oo
aayar lagu labo-lixaadsado.
Talaabadaasi waa mid aan qof caadi ah ka suuro-gali
karin,dunidan aan joogno korkeedana kama jirto inaad
masuul aanad xogtiisa ruqsad u haysan maktabada soo
dhigto.Iska daa qof dhan oo waliba masuul ahe
suugaanta abwaanku leeyahay ma qori kartid hadii
aanad ogolaansho u haysan.
Waxa jira buug qoristiisu kuu banaantahay oo ku
xidhan kartidaada iyo xirfadaada oo qudha iyo mid u
baahan ogolaansho ama in ruqsad laguu siiyo
qoristiisa.Qofka aad wax ka qoreyso haduu noolyahay
waa inuu kuu fasaxo inaad waxqabadkiisii iyo
hab-nololeedkiisii wax ka qorto,haduu dhinto waxad
idan waydiisanaysaa xaaskii ka hadhay ama ubadkii uu
ka tegay haday qaan-gaadhyihiin si ay wixii
macluumaad ah ee aad u baahantahayna kaaga
caawiyaan,qoysba haduuna ka tegin walaalihii ama
qofka ugu dhaw ee ehelkiisa ah.Markaa Cabdilaahi
waxan odhan lahaa mar hadaanad ogolaansho u wadan
buuga aad ku riyoonayso,amaan iyo eedeyn midkuu
doono ha ahaadee kuuma suuro-galayso,fikirkaaguna
waa kalaamu leyl maa yamshii nahaar (hanshaashaqa
habeenkii maalintii ma shaqeeyo).Sidaas awgeed waxan
kugula talin lahaa macaan iyo qadhaadh waxay doonaan
ha ahaadeene inaad sidayada oo kale uun fikirkaaga (maqaalo)
soo qorto.Waayo kuuma suuro-galayso inaad buug Jaldi
adag leh oo sawirka madaxweynuhu saaranyahay aad
madbacadda ama makiinada ku xaradho.
Ugu danbeynta waxan ku xasuusin lahaa inuu
madaxweynuhu yahay masuul qaran xilkii loo doortayna
wali xambaarsan,Waxqabadkiisu wuxu istaahilaa in
boqolaal buug laga qoro,laakiin wiil yar oo
jaraa'idada Hargeysa kasoo baxa ku afdilaacsaday oo
raba inuu soo naqilo maqaaladii iyo macluumaadkii
siyaasadeysnaa ee mucaaradka iyo muxaafidku is
dhaafsanayeen dhawrkii sano soo jeedintiisa lama
aqbali karo.Waliba waxa suuro-gal ah masuulka uu
leeyahay buug baan ka qorayaa inuuna waligii
horfadhiisan,waxa intaa dheer isagoon aqoon hore u
lahayn,muuqiisana shaashada TV-ga uun ka arkay.
Cabdilaahow waxa jira boqolaal kaaga waayo-aragsan
wax qorista haday usoo bandhigaan inay buug ka
qoraana lasoo dhaweynayo, laakiin marxalkeedii inaan
la jooginbay arkayaan adiguna shaashadaha
internetkaad noogu sharaxaysaa fikir gaaban oo adiga
kula quman,hadal madhan iyo buugbaan madaxweynaha ka
qorayaa uun looma baahna ee bal soo bandhig xirfadda
iyo aqoonta aad wax qorista u leedahay iyo
qofnimadaada(haatuu burhaanakum) kadibna ogolaansho
soo weydiiso cidda aad wax ka qoreyso, markaa kadib
cidda aad isleedahay gacan bay arintan kaa siin
kartaa xidhiidh la samee adigoo u dhaqmaya si
masuuliyadi ku jirto ( waa hadii aad buuxiso
shuruudaha ku horyaal,uma ekide) (Waa hadii aad
noqoto qofkii qori lahaa buuga madaxweyne
Rayaale,maba noqoneyside).
Jaw Qalinle (korwaayeel@hotmail.com)
Saylac.com -Sweden
|
|
|