Daawo
:Goobaha diwaangalinta Burco
oo maalintii labaad gashay iyo muqaalka
caruur dadoodu tahay 10 oo diwaangalinta ka qayb
galaysa...Dec,15,2008
Burco(Saylac.com) Diwaangalinta magaalada Burco ayaa
sida uu gudoomiyaha komishanka qaranku sheegay
noqotey tiradii ugu badnaynd ee labadii casho ee
inaga tagtey ka dhacday jamuuriyada somaliland
Iyadoo
lagu jiro maalintii labaad ee gobolka Togdheer laga
wado diwaangalinta, ayaad arkaysaa goobaha
diwaangalinta loogu talo galay oo intooda badani la
ciirciirayaan tirada dadka safafka ugu jirta ee
diwaangalinta u diyaar ka ah. . Shaqaalaha
diwaangalinta ku hawlan gobolka Togdheer ayey
saylac.com wax ka weydiisay sababta u fudaydisay
inay hawshooda( Wiil dadiisu tahay 10 jir oo
diwaangalinta ka qayb galaya ) iyagoo awal
gobolada kale sida gobolka awdal ay jireen
cabashooyin in computers ku cadilmayeeen ?
waxayna noogu jawaabeen wacyi galinta dadka
ayaa( aad uu sareysay mida kale
qalabkan computeradu waa kuwo casri ah oo ka duwan
kuwii cilada looga bartey ee gobolka Awdal oo ay
sheegeen inuu u noqday duruus ay ku waayo qataan. "Waxa
jira comouters kayd ah oo aanu ugu talo galay hadii
goob diwaangalintu ka socoti u baahato comouters
dheraada " ayuu yidhi Maxamed Jamac oo ka tirsan
hawl wadeenada diwaangalinta magaalada Burco.
Guud ahaan dadweynaha reer
Burco ayaad arkaysaa inay u heelan yihiin is
diwaangalinta gobolkooda mar ay saylac.com wax ka
weydiisay dadweynaha sababta ugu weyn ee ay isku
diwaan galinayaan ? Waxay sheegeen (Waxaanu isku
diwaan galinaynaa si aanu u doorano Mudane Silaanyo
jagada madaxweyne nimo ee danbe.
Inkstoo goobaha diwaanglintu gobolka loogu talo
galay ay aad u badan yihiin hadana waxa ilaa hada
waxaanu socod gaaban ku tagnay ku
dhawaad 69 gobood oo aad ku arkaysid dadweyne
iskugu jira bulshada noocyadeeda kale duwan oo u
badan dumar, caruur iyo waliba wayeel oo safaf
dhaadheer ugu jira siday isku diwaan galin lahaayeen
Shabakada saylac.com ayaa
dadweynaha diwaangalinta galay weydiisay sida ay u
arkaan diwaangalinta ay galeen? boqolkiiba 80% ayaa
dadweynaha jecel inay gobolka Togdheer ay ka soo
baxdo tiro aad u badan sibay yidhaahdeen doorashada
sanadka danbe jagada madaxweynaha uu ugu guulayso
Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta Qaranka Mudane
Ismaaciil Muuse Nuur oo maanta saxaafada maxaliga
magaalada Burco uwaramay ayaa sheegay inay magaalada
Burco oo kali ah ay maalintii koowaad iyo labaad ee
diiwaangelintu socotay is diiwaangeliyeen dad
gaadhaya 34371 qof, taasina ay daah furayso
in magaalada Burco ka dad badan tahay magaalooyinkii
hore ay diiwaangelintu uga qabsoontay. Mar ay
saylac.com si gaar ah u weydiisay gudoomiyaha
sababta magaalada burco uga tiro badan tahay magaalo
madaxda Hargeysa inay tahay caruurta dadoodu 10 sano
tahay ee loo ogolaaday is diwaangalinta? gudoomiyuhu
waxa jawaab ah kama uusan bixin su'aashaas, waxase
uu sheegay inay burco ka dadbadan tahay
magaalooyinkii hore ee diwaangalintu ka dhacday sida
Hargeysa, Berber iyo Borama oo ay maalintii ugu
horeysay ka soo baxday tiro aad uga yar tan
magaalada Burco maalintii ugu horeysay kasoo baxday.

10% dadka intiisa kale waa dadka ku dhaqan magaalada
Burco ayaa waxay aaminsan yihiin arin tan gabi
ahaanba ka duwan oo ah soomaaliweyn, waxayna shegeen
inayna is diwaangalin diyaar u ahayn waayo bay
yidhaahdeen waa iska riwaayad uu Dahir Rayale dadka
ku waalayo inta soomaaliweyn isku imanayso. 80 %
tageersan xisbiga muwaaradka Kulmiye ee uu Silaanyo
madaxda ka yahay.
Dhinaca iskuulada gobolka iyo shaqooyinka dawladda
ayaa gabi ahaanba fasax galay diwaangalinta awgeed
waxaanad arkaysaa suuqyada burco oo dadweyne aad u
tiro badani dhooban yihiin waxase aan wali kala
cadaynsiday tidada gobolkani togdheer inta ay
noqon doonto marka la soo gabagabeeyo diwaangalinta
ka socota gobolka
Guleed Hasan Saylac.com Burco -
Somaliland
Email:Saylacnews@yahoo.com |