| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Arbaca Dec,11,2008:Wararka intooda kale hoos u soco ..

Shiikh Shariif:"Hadii shirka Jabuuti ay hal beel ku heshiisay muxuu Masuul ku heyb ah u soo dirsan waayay Cabdullaahi Yuusuf"..Dec,11,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Kadib shir jaraa'id oo uu maanta hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho ku Qabtay Shiikh Shariif ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uusan awood u leheyn in uu is hor taago heshiiska ay dowlada TFG-da iyo Isbeheysiga kuwada gaareen dalka Jabuuti.
Gudoomiyaha isbeheysiga dib u xoreynta gabarka Jabuuti Sheikh shariif sheikh Axmed oo maanta shir jara'id ku qabtay hotel Lafweyn oo ay degan yihiin isaga iyo wafdigii uu horkacayay ayaa shirkiisa jaraa'id kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin imaanshiyihiisa magaalada Muqdisho iyo xaalada guud ee uu dalku marayo,waxana uu sheegay in imaatiinkiisa uu qeyb ka yahay heshiiskii dhawaan ku dhex maray garabkooda iyo dowlada uu garwadeenka ka yahay Cabdullaahi Yuusuf oo si weyn uga soo hor jeestay heshiiskaasi kuna tilmaamay mid hal beel dhex maray.

Shiikh shariif ayaa Waxaa daboolka ka qaaday in xiliga joogo magaalada Muqdisho uu kulamo la qaadan doono dhamaan xoogaga Muqaawamada ee ku sugan gudaha dalka,odayasha dhaqanka,ururda bulshada rayidka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed,waxana uu sheegay in uu kala hadli doono in la taageero waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii Jabuuti iyo in laga wada shaqeeyo Nabada.

Sheikh ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu bushaareeyay in uu hayo Qorshe cad oo ciidamada Xabashidu ay uga baxayaan gudaha dalka Soomaaliya isla markana loo baahan yahay in laga feejignado wax waliba oo keeni kara in dhiiga umadda Soomaaliyeed uu micno dari ku daadto xili waqti kale.
Mar wax laga weydiiyay sheikh shariif sida heshiiskaasi uu ku dhaqan gali karo mar hadii ay ku kala qeybsan yihiin iyaga oo ah xoogagii ka soo hor jeeday dowlada TFG-da ee heshiiskasi la gashay iyo dowladaba oo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu ka soo hor jeedsaday ayaa waxaa uu sheegay in uusan heshiiskaasi u bur bureyn hadal ka soo yeeray Cabdullaahi Yuusuf,waxana uu xusay in ismada Puntland ay la soo xiriireen ayna haatan la socdaan oo ay ka mid yihiin ergada uu hor kacayo.

"Waxaa habooneed in uu soo dirsado masuul isaga ku beyl ah hadii uu ku micneeyay in heshiiskii Dalka Jabuuti ay hal beel ku heshiiyeen" ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u muuqday mid ka jawaabayay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dowlada Embight oo ku aadana heshiiska Jabuuti.


Waxaa uu intaasi Raaciyay sheikh Shariif in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu xilka hayay ku dhawaad 4-sano ujeedka uu uga soo hor jeestayna shirkasi uusan aheeyn dano Shacabka Soomaaliyeed balse uu u dhaliilay dano isaga u gaar ah.

Gudoomiyaha isbeheysiga dib u xoreynta gabarka Jabuuti waxaa uu sidoo kale kaga hadlay Arimaha kooxaha burcad badeeda ay ka wadaan xeebaha Dalka Soomaaliya iyo weliba dilalka sida gaarka ah loola eeganayo shaqsiyaadka u adeega ummada Soomaaliyeed iyo Afduubka loo geysanayo ,waxana uu ku baaqay in laga waantoobo arimahasi oo laga shaqeeyo danta Ummada Soomaaliyeed loona guntado samata bixinta Shacabka ay diloodeen dagaalada aan dhamaadka leheyn.


Hadlak gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta dalka ee garabka Jabuuti ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili hadal dhawaan ka soo yeeray madaxwene Yuusuf uu ku sheegay in heshiiskii Jabuuti uu ahaa mid ay wada gaareen halbeel islamarkaana aan dan u aheeyn shacbiga Soomaaliya,tasi oo inta badan wax garadka iyo weliba qaar ka mid ah masuuliyiinta dowlada TFG-da ay ka soo hor jeesteen hadaladasi oo ay ku tilmaameen kuwa qalafsan oo sii kala fogeeynaya shacabka Soomaaliyeed.


Sheekh Xasan Dahir "Ma aheyn in xilligan labo sano kadib uu Sheekh Shariif tago Muqdisho, iyadoo cadawga wali dalka".Dec,11,2008
(Asmara:Saylac.Com)-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hogaamiya garabka Isbaheysiga Dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ee xarunta wadanka Eritrea ayaa ka soo horjeestay socdaalka layaabka leh ee uu shalay Sheekh Shariif ku yimid Magaalada Muqdisho muddo labo sano kadib,waxana uu ku tilmaamay safarkiisa mid lagu kala jebinayo Kooxaha Muqaawamada.

Sheekh Aweys oo wareysi siinayay xalay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in xilligan oo dalka ay joogaan Cadawga umadda Soomaaliyeed in aysan munaasib aheyn in uu yimaado Muqdisho,waxana uu taa bedelkeed ku sheegay inay u wanaagsaneyd in muddo labo sano kadib uu tago Muqdisho, iyadoo la guuleystay oo cadawga dalka laga saaray.

"Ma aheyn in xilligan labo sano kadib uu Sheekh Shariif tago Muqdisho, iyadoo cadawga wali dalka joogo, waxaa u wanaagsaneyd inuu tago isagoo guuleystay, hadee wuxuu ku dhacay dabinkii loo laadlaadinayay, taasna waxaa lagu kala jebinayaa muqaawamada"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Shariifka ay maanta soo dhoweeyaan dad uu sheegay inay colaad kala dhaxeysay, isla markaana uu ku biiro waxa uu ugu yeeray cadawga dalka heysto, waxaan uu Xasan Daahir Aweeys ugu baaqay Muqaawamada in aan lakala jiidan oo aanay kala jebin.

Hadalka Wadaadkan la rumeysan yahay inuu aabe u ahaa Islaamiyiinta Soomaaliya ka hana qaaday ayaa ku soo beegmaya xilli safar lagu tilmaamay inuu ahaa mid geesinimo uu shalay Magaalada Muqdisho ku soo gaaray mudo labo sano kadib Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo si toos uga soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan cadde Air Port.



Salaad C. Jeelle "Imaanshaha Sheekh Shariif waa tallaabo geesinimo ah oo bog cusub u furtay Dib u heshiisiinta. Dec,11,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga dowlada TFG-da Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa Mas'uuliyiintii shalay ka qeyb qaadatay soo dhoweynta Wafdiga uu hogaaminayay Sheekh Shariif ayaa imaanshihiisa Muqdisho wuxuu ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh.

Salaad Jeelle oo ku beel ah Sheekh Shariif ayaa sheegay in imaanshaha Magaalada Muqdisho ee shariifka ay tahay mid bog cusub u furtay dadaalada dib u heshiisiinta ee socda.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in Sheekh Shariif yimaado Muqdisho, waana tallaabo geesinimo leh oo uu dhinaca Nabada u qaaday"ayuu yiri Salaad Cali Jeelle iyo rag kale oo beel ahaan ka soo wada jeeda oo si weyn Shariifka iyo wafdigiisa ugu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyay soo dhoweynta Sheekh Shariif inay tahay mid beel kaliya ka qeyb qaadatay ayuu taas kaga jawaabay in Soomaali oo dhan ay ka qeyb qaadatay, isla markaana umadda ay taageersan yihiin dadaalada nabada ee la wado.

Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa ku tilmaamay socdaalka Sheekh Shariif mid keenaya in is faham iyo nabad la gaaro, taasoo soo dedejin karta buu yiri in umadda Soomaaliyed ay nabad ka wada qeyb qaataan.

Imaanshaha Sheekh Shariif ayaa ku soo beegantay xilli Magaalada Muqdisho ay ka maqan yihiin madaxda ugu sareysa Dowladda embigti sida Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, kuwaasoo is jiid jiid siyaasadeed u dhaxeeya oo iminka kuwada sugan Xarunta Baarlamaanka dowlada TFG-da ee Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaalo saakay ka dhacay nawaaxiga Aqalka Madaxtooyada iyo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo qasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray oo sii kordhaya.Dec,11,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Dagaalo xoogan ayaa waabarigii marka ay saacada xiliga Muqdisho ku beegneeyd 5-tii Aroornimo ee saakay ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kaasoo u muuqday kuwo qorsheysnaa oo lagu soo beegay maalin kadib markii uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta.

Dagaalkan ayaa galaaftay dad lagu qiyaasay ilaa 15-ruux, kuwaasoo u badnaa dad rayid ah oo rasaasta habowga ah iyo madaafiicda ugu tagtay aqaladooda, xilli dagaalo saf ballaaran ah ay ka socdeen agagaarka Aqalka Madaxtooyada iyo gobo ku dhow dhow oo fariisin u ah ciidamada dowlada TFG-da.

Sida ay sheegayan wararka Kooxaha Muqaawanada ayaa weerar culus ku qaaday fariisan Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen Isgoyska Wardhiigley halkaas oo dagaalka awoodiisa badan uu ka dhacay.

Mararka qaar waxaa labada dhinaca ee dagaalamayay ay adeegsanayeen hubka culus sida xarunta Madaxtooyada oo laga soo riday dhawr Madfac oo ka soo dheceeysay qorga loo Yaqaan BM, kaasoo ku hoobanaya nawaaxiga Suuqa Bakaaraha oo ay degan yihiin dad rayid ah.

Sidoo kale dagaalka ayaa isna ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin oo fariisin u ah Ciidamo Ethiopian, waxaana dagaalka oo bilowday salaadii subax kadib sheegtay Xoogaga Maxkamadaha Islaamka.

Afhayeenka Maxkamadaha C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in dagaalka ay ka dambeeyeen, isla markaana ay aad ugu dhowaadeen aqalka Madaxtooyada sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xilli muddo todobaad ay xaalada magaalada Muqdisho aheyd mid degan oo aaneey wax dagaalo ah ka dhicin, waxaase la ogeyn in dagaalkan uu yahay mid lagu soo beegay imaanshaha Sheekh Shariif ee shalay ku yimid Magaalada Muqdisho muddo labo sano kadib.

Dad kor u dhaafaya 60-ruux oo ay ku jireen caruur ayaa waxaa ay la gaarsiiyay cusbitaalada magaalada Muqdisho kuwasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalada saakay ka dhacayay xaafado ka mid ah degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa imanka degan, iyadoo gaadiidka dadweynaha ka imaan jiray dhinaca Xaafadaha Towfiiq,Suuq Bacaad, Boondheere ilaa iyo Kaaraan ee soo gali jiray Suuqa Bakaaraha ay dib u bilaabeen shaqooyinkooda.

Inta badan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay waxyeelada ugu badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah iyadoo aysan jirin cid wax iska weydiisay dhibaatada ku habsata umadda Soomaaliyeed ee Dulman.

Ciidamo Ethiopian oo qabsaday Degmadii labaad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud iyo Deegaanka Kala Beyr oo xalay ay faarujiyeen.
Dec,11,2008

(Cabudwaaq:Saylac.Com)-Dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Ethiopia ay ka wadaan Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa isa soo taraya, waxana ay ciidadaada Xabashida ay soo galeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka G/gaduud, waxaana ay ka baxeen Ciidamadaasi deegaanka Kala Beyr ee gobolka Hiiraan oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Tigreega oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa gudaha usoo galay Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya halkaasoo dhaq dhaqaaq guud ee degmadaas ay hakiyeen,waxana ay difaacyo adag ka sameystay daafaha Degmadaasi.

Ciidamada Xabashida ee dalka Soomaaliya ku soo duulay ayaa ah degmadii labaad oo ay soo galaan, waxana ay maalmo ka hor soo galeen Degmada Balanbal oo ay qadka isgaarsiinta hawada ka saareen.

Lama oga waxa uu ku wajahan yahay goobaha cusub ee ay la wareegayaan Ciidamada Tigreega, hase ahaatee waxaa calaamado aan fiicneyn laga sheegayaa dhaq dhaqaaqyadooda, taas oo keeni karta in dagaalo lagu riiqmo ay ka dhacaan meelaha cusub ee ay soo galeen, halkaasoo ay ku sugan yihiin Xoogag Muqaawamada ee dagaalada xoogan kala soo hor jeeda ciidamada shisheeye iyo dowlada kmg Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamada Gumeysi doonka Xabashida ayaa xalay baneeyay Deegaanka Kala Beyrka ee gobolka Hiiraan oo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen, waxaana Ciidamada la tilmaamay inay u jiheysteen dhanka iyo xadka Feer Feer oo ay markii hore ka soo kicitimeen.

Intii ay ku sugnaayeen Deegaanka Kala Beyr oo 20-Km dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa cabsi xoog leh laga muujinayay dagaalo dhex mara Ciidamada Ethiopia iyo Xoogaga Maxkamadaha oo isku hor fadhiyay agagaarka isgooyska Kala Beyrka.

Soo gelitaanka goobaha cusub ee Ciidamada Tigreega ayaa ku soo aadaya, xilli maalinimadii shalay safar taariikhi ah oo muddo labo sano kadib ku soo gaaray Magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hogaamiya garab ka mid ah Kooxaha Islaamiyiinta ee heshiiska Dhigayay in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan gudaha dalka la galay dowlada uu hor kacay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Sheekh Xasan Dahir oo ka digay in Kooxaha Muqawamada ay qabsadaan deegaano Maamulo islaami horay u lahaa ..Dec,11,2008
(Asmara:Saylac.Com)-Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya garab ka mid ah islaamiyiinta ayaa ka digay tallaabooyinka qaar ka mid ah Kooxaha Islaamiyiinta ay kula wareegayaan deegaano uu sheegay in Maamulo islaami ah uu horay uga dhisnaa.

Sheekh Xasan Dahir ayaa ku sheegay wax aan habooneyn in qaar ka mid ah Kooxaha muqaawamada ay qaadaan tallaabo aan wanaagsaneyn oo lagula wareego deegaano markii hore maamul islaami horay u lahaa oo dadkii deegaanka ay sameysteen, isla markaana aanay ciidamo cadaw ah aanay ku sugneyn.

"Runtii waa arrin aan habooneyn in deegaano markii hore Maamul islaami ka dhisnaa in lala wareego, taasna waxay keeni kartaa inay iska hor yimaadaan Bulshada iyo Muqaawamada"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.

Hadalka Sheekh Xasan Dahir ayaa ka dambeeyay kadib kolkii habeen hore uu iska hor imaad ku dhex maray Deegaanka Ceel Garas ee Gobolka Galgaduud Maleeshiyaad taabacsan Sheekh Xasan Dahir iyo Xoogag ka mid ah kuwa islaamiyiinta ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Iska hor imaadkaas ayaa sababay dhaawac mid ka mid ah xoogaga dagaalamay, waxana durbadiiba lagu guuleystay in la kala dhex galo labada dhinac ee iska hor imaadka dhex maray.

Sidoo kale Gudiga Culumaa'udiinka ayaa iyana sheegay in aanay sharci aheyn goobaha cusub ee Xoogaga Muqaawamada ay la wareegayaan, xilli ay sheegeen in dalka uu ku sugan yahay Cadawgii ku soo duulay sida ay ku yiraahdeen bayaan ay Muqdisho ka soo saareen dhawaan.

Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.com Muqdisho Somalia.


 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com