|
|
 |
|
| |
Ciidamada Bada ee wadamada
Jaban, China, India, Germany, USA, France oo dhoola
tus aan horey loo arag ku samaynaya xeebaha
Soomaaliyeed si ay uga hortagaan budhcad badeedka..Dec,26,2008
Garowe(Saylac.com) Ciidamada wadamada kor ku xusan
ayaad moodaa inay cududa milateri ee dhinaca bada ay
iskugu faanayaan iyagoo sabab dahsoon ka dhiganaya
inay wadaan ka hortaga budhcad badeedka soomaaliyeed
oo maraakiibta aduunku khaatiyaan ka joogto.
Adhmeral u dhashay dalka Shiinaha oo magaciisa la
yidhaa Yin Dunpin ayaa saxaafada u sheegay in dhawr
casho gudahood ay maraakiibta bada ee dalka shiinuhu
ay gaadhi doonaan xeebaha soomaaliya. Isagoo ka
hadlaya socdaalka ay ciidamada Bada shiinuhu ku
tagayaan xeebaha dalka soomaaliya, waxa uu sheegay
sarkaankani inay tahay markii ugu horeysay ee
ciidanka bada ee dalka shiinahu ay ka hawl galaan
xeebo ku yaala qaarada Afrika.
Dhinaca kale Dayuurad nuuca qumaatiga u kaca oo laga
leeyahay dalka Jarmalka ayaa saakay subaxii dhawr
jeer cabsi galisey doonyo ay leeyihiin dad
soomaaliyeed oo ka kaluumaysanayey xeebaha Eyl iyo
Xaraardheere oo inta badan lagu tuhmo saldhig inay u
yihiin Budhcad badeedka Soomaaliyeed oo laga cabsi
qabay inay gacanta ku dhigaan markab laga leeyahay
dalka Masar oo magaciisa la yidhaa Wadi Al Carab oo
maraayey xeebaha soomaaliyeed.
Ciidamada Jarmalka ayaa sheegay inay baacsadeen
dooni ay wateen rag budhcadbadeed ah oo halis
galiyey markabka Masar laga leeyahay isla markaana
ay haatan dawooyin iyo gargaar degdega siinayaan
dadkii markabkaa saarnaa oo dhaawacyo kasoo gadheen
rasaas kaga timi dhanka budhcad badeedka.
Budhcad badeedka soomaaliyeed ayaa sanadkan oo
kaliya waxay weeraree in ka badan 110 markab iyagoo
gacanta ku dhigay 42 markab qaar kalena lacagooyin
madax furasho oo qadarkooda lagu qiyaasay $30 milyan
oo doolarka maraykanka ah ku siidaayey.
Siciid Axmed ( siciid ingineere)
Saylac.com- Garowe Puntland Email:Saylacnews@yahoo.com
|
|
|