| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 


Axad: Wararka maanta Dec,21,2008

Allaha u naxariisto Dr. Xuseen Xaaji Bood oo waabarigii saaka ku geeriyooday Magaalada Nairobi. Dec,21,2008

(Nairobi:Saylac.Com)-Allaha u Naxariistee waxaa saakay Waaberigii ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Siyaasiga Soomaaliyed Dr Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta ku caan baxay dhinaca Nabadda Soomaaliya
Allaha u naxariisto Dr. Xuseen Xaaji Bood sawir laga qaaday intuu noolaa.
Siyaasiga Soomaaliyed Dr Xuseen Xaaji Bood oo in badan ka mid ahaa Siyaasiyiinta ka dhex muuqday Bulshada Soomaaliyed laguna xasuusto Kacdoonkii Shacabka ee looga soo horjeeday Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ayaa waabarigii saakay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isagoo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay.
Geerida marxuumka ayaa xaqiijisay Marwadii uu ka geeriyooday Marxuumka Xabiibo Xaaji Jimcaale,waxana ay sheegtay in Bood uu geeriyooday saaka Abaaro 3:50 ee waqtiga Nairobi xiligaasi oo ay sheegtay in uu ku laba lixaadsaday xanuun in mudo ah haayay.

Siyaasigii caanka ahaa Allaha u naxariistee Dr. Xusee Xaaji Bood ayaa xanuunka uu u geeriyooday waxaa u qabtay 23-kii bishii la soo dhaafay iyadoo 5-ta bishan loo qaaday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu saaka ku geeriyooday

Marxuumka oo ahaa nin aqoonyahan ah, waxaa uu siyaasadda ku soo dhex jiray muddo ka badan 30-sano waxana uu ku caan baxay geesinimo, waxaana dad badan ay ku xusuustaan markii Maxamed Siyaad Barre uu la kulmay odayaashii Bayaankii Manifesto oo uu Siyaad yiri YAAN KALA HADLAYAA KOOXAHA DAGAALKA WADA,uu Dr Bood kaligiisa yiri aniga ayaa la igala hadlayaa, ma jirin qof kale oo ku dhacday in ay xiligaasi ka jawaabto hadalka Siyaad.

Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa ku dhashay Deegaanka Mareeg ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1935, waxaa uu waxbarashadiisii Quraanka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe ku soo kala qaatay Mareeg iyo Ceeldheer, waxana uu sidoo kele waxbarashadiisii Dugsiga Sare ku soo qaatay Dalka Ethiopia, waxaa uu kaloo Jaamacada culuunta Siyaasada kaga baxay Dalka Talyaaniga.

Marxuumka oo ahaa siyaasi fir fircoon ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Dowladihii hore waxaana uu u soo shaqeeyay Wasaaradii Horumarinta, Wasaaradii Qorsheynta iyo howlo qaran oo uu u soo qabtay Dalka

Marxuumka allaha u Naxariistee Dowladdii Carte lagu soo dhisay waxaa uu ka noqday Ra'iisul Wasaare kuxigeen, waxaa u mar noqday Guddoomiyihii Golihii Wadatashiga Soomaaliyed, ka hor waxaa uu ahaa Xuseen Bood kuxigeenadii Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyihii USC/SSA.

Xuseen Bood Wax caruur ah ugama tagin ifka, hase yeeshe waxaa uu lahaa hal Xaas taas oo ay ahayd Drs Xabiibo Xaji Jimcaale, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah Qoyskiisa waxaa la filayaa Dr Bood in lagu aaso dalka oo meydkiisa laga soo qaado Magaalada Nairobi.


Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in 10-ka maalmood ee ka harsan bishan December ay kula bixi doonto Ciidamadeeda.Dec,21,2008

(Addis Ababa:Saylac.Com)-War laga soo saaray Wasaarada Arrimaha Dibeda Ethiopia ayaa lagu sheegay in 10-ka maalmood ee ka harsan Bishan December dhamaadka sanadkan ay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gudaha Soomaaliya ay la bixi doonto.

Sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee AFP oo soo xiganeysay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibeda Ethiopia ayaa lagu sheegay in ay diyaarisay Dowladda Ethiopia qorshihii ay Ciidamadeeda ugala bixi laheyd, waxaana ay tilmaantay in aanay ka laba labeyn doonin go'aankeeda ahaa inay kala baxeyso Ciidamadeeda.

Warbixinta Wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in iyadoo la tixgelinayo Heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen Dowladda Embigti iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta ay Dowladda Ethiopia ka go'an tahay inay Ciidamadeeda la baxdo.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in aysan cadeyn karin in ay sii joogayaan Ciidamada AMISOM iyo in kale hadii ay baxaan, waxaana ay tilmaantay in la soo buuxiyo tirada Ciidamada AMISOM ee horay loogu balan qaaday 8-kun balse haatan ay ka joogaan wax ka yar 2-kun oo askari.

Inkastoo ay dhamaatay 120-kii Maalmood ee dhigayay Heshiiskii Jabuuti oo aheyd in Ciidamada Ethiopia uga baxaan gudaha Soomaaliya ayaa saan saanta arrinkaas aysan muuqan.

Wariyeyaasha ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in aysan wali muuqan tallaabo dhab ah oo Dowladda Ethiopia Ciidamadeeda ugla baxeyso, marka laga reebo hadalada ka soo yeeraya Mas'uuliyiinta Ethiopian-ku oo ah inay kala baxayaan Ciidamadooda.

Ethiopia waxay la daalaa dhaceysaa kacdoonada iyo dagaalada xoogan ee kaga imaanya xoogaga ka soo hor jeeda ee aan dhamaadka aheyn ee ka soconaya Soomaaliya, kaasoo ay kala hor imaanayaan xoogagaasi oo diidan joogitaankoda Soomaaliya, waxaana Ciidamada Ethiopia ay si rasmi ah ugu riiqmeen colaada ka aloosan Soomaaliya, gaar ahaan Caasimada Muqdisho.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo saaka lagu weeraray inta u dhaxeysa KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha. Dec,21,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)-Qaraxyo iyo tacshiirad ayaa saaka lagu weeraray Kolonyo Ciidamada AMISOM la socdeen xilli ay marayeen inta u dhaxeysa isgooska KM-4 iyo Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo marin u ah Ciidamada, isla markaana aroor walba ka sameeya howlo miino baaris ah.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxyada oo ahaa Bam gacmeed lagu weeraray Kolonyada Ciidamadaas ay sidoo kale xigtay is rasaaseyn dhex martay Kooxaha Hubeysan ee weerarka ku soo qaaday Kolonyada Ciidamada AMISOM.

Inkastoo aan la xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaas iyo qaraxyada xiriirka ah ee bam gacmeedka ka dhashay ayaa warar qaar sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay ku faafeen Xaafadaha u dhow Garoonka Diyaaradaha.

Ciidamada AMISOM ee ku faafay Xaafadaha ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dad rayid ah, taasoo keentay dhaawaca 3-ruux, waxaana la ogeyn qasaaraha kale ee ay geysatay rasaas kale oo ay furayaan Ciidamada.

Isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga ee inta u dhaxeysa KM-4 iyo Garoonka Diyaaradaha ayaa hakad galay, markii ay halkaas ku soo faafeen Ciidamada, sidoo kale dadka deegaanka ayaa iyana bilaabay inay kala firxadaan, qaarna ay guryahooda ku nagaadaan.

Ma jirto ilaa iyo hada afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkii saakay lagu qaaday Kolonyada Ciidamadooda, waxaana sidoo kale la ogeyn hadii uu qasaare ka soo gaaray weerarka isugu jiray bam gacmeedka iyo iska hor imaadka xigay.


Maxay ka wada hadleen Senator-ka Mareykanka, Sheekh Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Daahir Riyaale.Dec,21,2008


(Jabuuti:Saylac.Com)-Iyadoo shalay safaaradda Maraykanka ee magaalada Jabuuti ay ka dhaceen kulamo gooni gooni ah oo uu Senator-ka aqalka cad ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa Russ Feingold la qaatay madax ka tirsan Soomaalida ayaa waxaa ka soo baxaya faah faahin dheeri ah.

Senator-kan Mareykanka ayaa la kulmay Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif, Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG Nuur Cadde iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in waxyaabihii ay kulankaasi kaga wada hadleen Senator Russ Feingold ay ka mid ahaayeen barnaamijka dib-u-heshiisiinta, sida suurto gal u tahay in loo dhaqan geliyo, lana samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan iyo arrimaha burcad badeedda, wuxuuna intaasi ku daray in dhinacooda ay faah faahin ka bixiyeen dadaalada nabadeed oo ay wadaan, waxana uu hoosta ka xarriiqay in senator-ku u ballan qaaday inuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay barnaamijyada nabadda loogu raadinayo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo isna saxaafada uga warbixiyay Kulanka gooniga ah ee uu la qaatay Senator Russ Feingold ayuu sheegay in kulankoodu uu ku saabsanaa intiisa badan barnaamijka dib u heshiisiinta maadaama la gaaray waqtigii ay ciidamada Ethiopia ka bixi lahaayeen dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in senator-ku aad uu ugu baaqay dhinacyada kale ee Soomaalida ee aan qayb ka ahayn wada hadallada nabadda inay ku soo biiraan.

Xubin ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo ka mid ahaa Xubnaha la kulmay Senator-ka oo lagu magacaabo Tarzan ayaa isna sheegay inay su'aalo iyo jawaabo kala qaateen, wuxuuna senator-ka sheegay sida ay u arkaan hadii wada hadalada lagu soo biiriyo Garabka Xasan Dahir uu hogaamiyo.

Senator-ka ayaa walaac ka muujiyay is ballaarinta Kooxda Alshabaab ka wado gudaha Soomaaliya,waxana uu sheegay inay muhiim tahay in Alshabaab laga soo qeyb geliyo wada hadalka.

Qodobada kulamadaasi gooni gooniga ah looga hadlay ayaa waxaa ay yihiin sidii uu maraykanku u badeli lahaa siyaasadiisa ku aadan dalka Maraykanka maadaama uu haatan maraykanku galayo wajji cusub iyo madax cusub iyo sidii uu Soomaaliya ula shaqeyn lahaa.



Jendayi Frazer oo dhex dhexaadineysa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde
Dec,21,2008


(Nairobi:Saylac.Com)-Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Hogaamiyeyaasha Dowladda uu hor kacayo Cabdullaahi Yuusuf ee labada garab u kala jabtay lagu wado inay halkaas ku dhex dhexaadiso haweeney Mareykanka u qaabilsan Afrika oo shalay gelinkii dambe halkaasi gaartay.

Jendayi Frazer waa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Africa, sidaas darteed waxay dooneysaa inay meesha ka saarto kala aragti duwananaashaha u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarahiisa.

Wada xaajoodkan cusub ee ay Jendayi Frazer ka dhex bilowday Madaxda Dowladda ayaa imaanaya iyadoona iskaba daayee salaan uusan wada shaqeyn toos ah dhex marin Labadan Mas'uul tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay isku maandhaafeen Siyaasada
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda tago Magaalada Nairobi, halka uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku sugan yahay halkaas oo uu shalay gelinkii hore gaaray.

Madaxweyne Yusuf ayaa jeebka ku wata Ra'iisul Wasaare kale oo uu magacaabay, kaasoo la yiraahdo Gacma Dheere, halka Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde uu isna jeebka ku wato Go'aanka Baarlamaanka ee uu kalsoonida ku siiyay Xukuumadiinsa, iyadoona ay sii u dheer in mowqifyadooda ah oo ah kuwo aad u kala fog.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo la hadlayay Idaacada BBC-da Laanteeda afka Soomaaliga ayaa xaqiijiyay inuu jiro kulan guud oo ay wada yeelanayaan isaga iyo Kaaliyaha Xogahayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka ee dhinaca Africa, laakiin waxaa uu xusay in aanu jirin kulan ay isugu imaanayaan saddexdooda, laakiin wuxuu xusay in mid kasta uu goonigiisa ula kulmayo.

Dowladda Mareykanka waxay doonayaan inay arrinta dejiyaan oo Labada nin khilaafkooda lagu dhameeyo xeer jajab ama in mid walba tanaasul sameeyo, taasoo aan la ogeyn sida labada nin ay ku aqbali karaan inay ka tanaasulaan mowqifyadooda adag.

Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.Com Muqdisho Somalia

 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com