|
Dhegayso
C/raxman Xuseen u dhashay Somaliland si Sharci daro
ahna Booliska degmada Wajaale jidh dil ugu geysteen
oo dawlada somaliland ka codsanaya inay cadayso
sababta dhibta jidh dilka loogu geystey ..
Dec,19,2008.
Dhegayso Codkii
Maxbuuskii Lagu Gubay Sigaarka Maxbuus Farxaan Cabdi
Xadi
Wajaale(Saylac.com) Muwaadinkan ayaa hada ka kor
waxa si ula kaca sigaar qoorta ugu damiyey Taliyaha
Booliska degmada Wajaale oo aan haba yaraatee ku
haysan wax danbi ah oo uu galay muwaadinkani.
(Muwaadinka Jidh dilka iyo xabsiga loo geystey oo
saxaafada tusaya qoortii sigaarka lagaga bakhtiiyey)
Sida foosha xun ee loola dhaqmay muwaadinkan waxa
dareen cambaareyn ah horey uga soo jeediyey dadweyne
fara badan oo u dhashay somaliland oo dunida ku kala
baahsan waxayna dhamaan dadweynahaasi ku baaqayeen
in Talihaya Booliska Wajaale sharciga u degsan
Jamuuriyada Somaliland uu ku tuntey si ula kacna uu
jidh dil ugu sameeyey muwaadinkan dada yar ee aan
wax danbi ah oo uu galabsaday aanay jirin.

Sidoo kale Hay'da Amnest International oo sawirada
jidh dilka loo geystey ay shabakada saylac.com u
gudbisay ayaa sheegtey inay daba gali doonto jidh
dilkan ka baxsan bani aadaanimadu isla markaana ay
si toosa wax uga weydiin doonto xukumada somaliland.
Muwaadinkan oo maanta oo ay tariikhdu tahay
Dec,19,2008 laga siidaayey jeel ku yaala degmada
Gabiley oo uu in mudo ahba ku xidhnaa ayaa
saylac.com u sheegay maanta xaalada qalafsan ee
lagula dhaqmay iyo jidh dilka qaawan ee loo geystey
oo uu sheegay inuu wali la ildaran yahay .
Waxa uu sheegey in silsilado si isdhaaf ah lugaha
iyo gacmaha loogaga xidhay dabadeed sigaar qoorta la
gaga damiyey dhawr jeer waxa kale oo uu sheegay in
nudaha jidhka ee dahsoon laftooda jidh dil lagaga
sameeyey isla markaana uu aad u liito waxa dhakhtar
ahna uusan helin ilaa hada .
" Hadii uu jiro sharci dadka kala haga dalka
somaliland waxaan dawlada ugu baaqayaa in dacwadayda
la horkeeno maxakamada sare ee dalka si ninkii
Taliyaha ahaa ee jidh dilkan gacmihiisa iigu geysay
sharciga loo soo taago" ayuu yidhi Muwadin
Cabdirahman Huseein oo saylac.com u waramayey.
Ilaa hada dhanka xukumada somaliland wax war ah oo
ku saabsan fadeexadan jidh dilka loogu geystey
muwaadinkan u dhashay Jamuuriyada Somaliland lama
hayo waxase dadweynaha qurbojooga ee somaliland si
wada jira ugu soo jeedinayaan xukumada dalku inayna
dhayalsan jidh dilkan loo geystey muwaadin ka tirsan
umada ay metesho.
Dahir Axmed Jirde
Wajaale, Somaliland
|