| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Gacansiga Internetka oo aad loogu baahan yahay magaalada Boorama
Dec,10,2008

Borama(Saylac.com) Magaalada Boorama ayaa hada ka hor waxa jiray goobo dhawra oo adeega internetka ku hawl gala, balse in dhawaydba adeegyadaasi badankoodu ay ka gaabiyeen hawlihii adeega internetka ee ay bulshadu uga baratey. Sida ay wararka boorama ka imanayi tibaaxayaa hada waxa kaliya ka jira magaalada sadex goobood oo internet Cafe ah tanina waxay cidhiidhi weyn galisey bulshada isticmaasha internetka oo u badan dhalinyarada oo aad arkaysid iyagoo safaf dheer ugu jira goobaha yaryar ee hada adeega internetka laga helo oo ay fuliso shirkada sida hufnaanta leh u wada adeega internetka ee African Online oo dadka badankiisu u bogeen adeega internetka ah ee ay u samayso umadda baaxada leh ee akhbaarta iyo isgaadhsin ahaanba u adeegsata internetka .


Marka laga reebo shirkada African online oo sida aan sheegney ka soo baxday hawshii adeega internetka ay bulshadda u haysay shirkadihii kale ayaad moodaa inay gabi ahaanba suuqa ka baxeen iyadoo dadka badankiisu u tirinayaan cilado ka soo gaadhay networka ay isticmaali jireen oo aanay turxaan bixin.

Shabakada saylac.com ayaa waxa ka weydiisey shirkadaha kale ee suuqa ka baxay sababta ay uga gaabiyeen adeega internetka looga bartey lakiin wax jawaab lagu qanco kamayna bixin sida ay hawada uga maqan yihiin.

Muwaadin ku dhaqan magaalada Boorama oo magaciisa la yidhaa Abdulkadir Rashid A Dugsiye oo la soo xidhiidhay saylac.com ayaa sheegay in dhalinyarta magaaaladu in dhawaydba aad u isticmaalaan internetka iyagoo siyaabo kala duwan u adeegsanaya sida : Isgaadhsiinta , Aqoonta , akhbaarta caalamka iyo kuwa maxaliga intaba.

Mudane Abdulkadir Dugsiye waxa uu intaa ku daray inay dhibweyn oo Internet la'aani soo foodsaartey dhamaanba dadweynaha macaamiisha u ahaa shirkadahan Internetka looga bartey, intaana waxa uu ku daray Mudane Dugsiye " Waxaan kula talin lahaa shirkadaha wadanka somaliland ee ka shaqeeya adeega internetku inayna u daymo la'aan inay xarumo ganacsi ka furtaan magaalada Boorama oo aad loogu baahi qabo adeega Internetka internet Cafe" Sidoo kale waxa uu muwaadinkani si gaar ah ugu dhiiri galiyey ganacsatada gobolka Awdal inay iyaga laftoodu il gaara siiyaan baahida Internetka oo sida uu sheegay ay macaash weyni ugu jiri lahaa.

Saylac.com
Borama- Somaliland


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com