|
|
 |
|
| |
Col. Cumar Xaashi "Marka ay
ciidamada Ethiopia ka baxaan dalka waa in shacabka
Soomaaliyed uusan ogolaan xabad dambe oo sii socota"Dec,01,2008
(Jabuuti:Saylac.Com)-Xoghayaha arimaha gudaha ee
isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ahna Madaxii
Gudiga Ammaanka ee Shirkii Jabuuti Col. Cumar Xaashi
Aadan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada
Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegay inay socdaan
dhaq dhaqaaqyo ay ku baxayaan Ciidamada Ethiopia eek
u sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Col. Cumar Xaashi ayaa sheegay iney beenowday
waxyaabo dadka qaar oo iyaga ka soo horjeeday ay
isla dhex mari jireen oo ahaa in heshiiska ay galeen
uu yahay mid been ah ciidamada Ethiopiana aysan ka
baxeynin dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in haatan
ay u cadahay shacabka Soomaaliyeed in ciidamada
Ethiopia ay ka baxayaan dalkooda taana ay iyada
afkeeda ka qiratay, wuxuuna sheegay in arintaasi ay
tahay guul u soo hoyatay shacabka oo uu horseed ka
ahaa isbaheysiga dib ub xoreynta Soomaaliya
"Guul kasta oo shacabka Soomaalida u soo hoyata waxa
ay leedahay cadow dano gaar ah leh oo aan waxba ka
gelin shacabka Somaaliyeed danahiisa, sidaa awgeed
waxaan ugu baaqeynaa shacabka inuusan ogolaan dagaal
iyo xabad dambe oo dhiigiiisa lagu daadiyo oo ka
dhacda dalka Soomaaliya marka ay ciidamada Ethiopia
ka baxaan Waayo? dhibaato waxaaa ugu filan inta ay
ciidamada Ethiopia u geysteen, dagaal sokeeyana
muddo 18-sano ah ayaa waxba lagu kala qaadi waayey"
ayuu yiri Cumar Xaashi oo sheegay iney nasiib daro
noqon doonto in ay dagaalo sii socdaan Marka ay
ciidamada Ethiopia ka baxaan wadanka Soomaaliya.
Col. Cumar Xaashi ayaa sheegay oo kale in shacabka
Soomaaliyeed ay marar badan ku guuleysteen iney meel
mariyaan rabitaankooda sida dagaalkii ay isku barbar
taageen maxaakiimta Islaamka ee lagula dagaalamayey
hogaamiye kooxeedyadii, isagoo ka codsaday in miraha
ka soo baxay heshiiskii Jabuutina ay sidaa oo kale u
difaacdaan maadaama uu danahooda ka shaqeynayo sida
uu yiri.
Ugu dambeyntii Cumar Xaashi ayaa ugu baaqay Xoogaga
Hubeysan inay hubka iska dhigaan marka ay baxaan
Ciidamada Ethiopia, isagoona faray inay ka qeyb
qaataan soo celinta dadkii ka barakacay Magaalada
Muqdisho ee daadsan daafaha Magaalada Muqdisho
Hadalka Xoghaya arimaha gudaha ee isbeheysiga Dib u
xoreeynta Garbka Jabuuti ayaa ku soo aadaya xili
shacabka Soomaaliyeed ay rajo xumo ka muujinayaan
sida uu u dhaqan gali karo wadahadalada dalka
Jabuuti ay kuwada gaareen dowlada kmg Soomaaliya iyo
isbeheysiga Dib u xoreynta garbka Jabuuti ee uu
hogaamiyo sheikh shariif Shiikh Axmed.
Mid
ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda
Puntland oo ka hor yimid hadalkii Madaxweynaha. ..Dec,01,2008
(Jabuuti:Saylac.Com)-Mid ka mid ah Xildhibaannada
Baarlamaanka ee Gobol ahaan ka soo jeeda Puntland
ayaa ka hor yimid hadal maalintii shalay ka soo
yeeray Madaxweynaha Dowladda Embight C/llaahi Yuusuf
Axmed, kaasoo ahaa in heshiiskii Jabuuti lagu gaaray
uu quseeyay hal beelood.
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ku
sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegay in hadalka
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu yahay mid aan waxba ka
jirin isla markaana heshiiskii Jabuuti ay u dhan
yihiin beelaha Soomaaliyeed maadaama dowlada ay ku
dhisan tahay 4.5 waa sida uu hadalka u dhigay.
"Marka aad eegto xaaladda Soomaaliya halka ay ka
degi weysan tahay waa Magaalada Muqdisho oo ah
Caasimaddii dalka, marka waxaa haboon in wax laga
qabto dhibaatadaas"ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor
oo badanaa looga bartay wax ka sheegida Madaxweynaha
Dowladda TFG-da.
Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in hadalka
Madaxweynaha aan waxba laga soo qaadi doonin maadama
buu yiri wax aan loo baahneyn.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa shalay Magaalada
Garoowe ka sheegay in heshiiskii Jabuuti dhawaan
lagu gaaray uu ahaa mid quseeya hal beel oo aan ku
jirin beelaha kale ee Soomaalida.
Xaalada Deegaanka
Daynuunaay oo saaka degan kadib dagaal Xoogaga
Maxkamadaha kula wareegeen oo gelinkii dambe shalay
ka dhacay...Dec,01,2008
(Daynuunaay:Saylac.Com)-Xaalada Deegaanka Daynuunaay
ayaa saakay degan, kadib dagaal xalay habeen barkii
halkaas ku dhex maray Xoogaga Maxkamadaha iyo
Ciidamo ka tirsan Dowladda TFG-da, waxana
Ciidamadaasi ay ahaayeen kuwo jidgooyo u tiil
deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.
Xoogaga Maxkamadaha oo weerar ku soo qaaday
jidgooyada u tiil Maleeshiyaadka ayaa la tilmaamay
in halkaas ay kala wareegeen, iyagoona kala eryay
maleeshiyaadkii isbaarada u tiil.
Iska hor imaadkaan uu mudo 30-daqiiqo socday ayaa
waxaa ku geeriyooday hal ruux oo ka tirsanaa
mileeshiyaadka deegaanka Daynuunay halka ciidamada
maxkamadaha islaamiga ay gacanta ku dhigeen 2-ruux
oo ay isbaaro u tiilay Jidgooyo ku taalay
deegaankaasi.
Afhayeenka dhanka howlgalada ciidamada maxkamadaha
islaamiga Sheekh C/raxiin Ciise Cadow ayaa sheegay
in ciidamada maxkamadaha islaamiga ay deegaanka
Daynuunay kula hadleen boqolaal dad ah kadib markii
ay halkaasi gacanta ku dhigeen, kuwaasoo wacyi gelin
diineed u jeediyay, iyagoona ka codsaday in ay ku
soo wargeliyaan hadii ay dhibaato la kulmaan.
Deegaanka Daynuunaay oo 22-Km u jirta Magaalada
Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa hore waxaa
xarun ciidan ugu lahaa Ciidamada Dowladda Embight,
kuwaasoo bilo ka hor halkaas ay ka eryeen Xoogaga
kacdoonka, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen.
Dhimasho iyo dhaawac
farabadan oo ka dhashasy Shil gaari oo maanta ka
dhacay tuulo ka tirsan gobolka Sh/hoose.Dec,01,2008
(Afgooye:Saylac.Com)-Illaa shan ruux oo uu ku jiray
canug 2-sano jir ah oo madaxu uu ka go'ay ayaa ku
geeriyootay 14- kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo
gaaray ka dib markii gaarigii ay la socdeen uu kula
qalibmay deegaanka Dacaaraha oo ku yaala duleedka
degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Shilgaani gaari ayaa ka dambeeyay kadib markii ay
gaari dad fara badan locdeen uu ku rogmaday
deegaankaasi taasi oo ay sabab u hayeed darawalka
gaariga oo si xowli ah u waday iyo Wadada uu marayay
oo ay dhawaan bur buriyeen Roobab xoogan oo ka da'ay
gobolka Sh/hoose.
Gaariga galay shilka ee sababay dhimashada iyo
dhaawaca faraha badan ayaa waxaa uu ahaa Nuuca Ay
Soomaalida u taqaan Janta Diyeeshaha oo Miyiga ka
keenay Caano waxaana xiliga uu shilka galayay uu ku
soo jeeday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Dadka ku dhaawacmay shilkaasi gaari ee gaaraya illaa
14-ruux ayaa waxa la geeyay cusbitaalka degmada
Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo haatan lagu
dabiibayo xaaladooda Caafimaad,waxaana dhaqaatiirta
cusbitaalkaasi ay idaacada Shabelle u sheegeen in
dhaawacyada dadkaani ay yihiin kuwaa aad u liita oo
ay ku jiraan kuwa dhabarka ka wada jabay.
Inta badan shilalka Gaadiidka ee ka dhaca dalka
Soomaaliya ayaa waxaa loo aaneeyaa wadayaasha
gaadiidka oo ana aqoon duruqsan u leheeyn iyo
wadooyinka ay ku socdaalaan oo aad u bur bursan isla
markaana aan helin wax dayactir ah tan iyo markii ay
meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka ka arimi
jirtay.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|
|
|