Hay'ada Notary International
oo ururka Gurmad ku amaantey sida ay hantidii
qurbojooga reer Awdal uga ururiyeen dhismaha
garoonka ugu xafideen sanduuqa ururka Gurmad ee
Dahabshil Borama..Nov,05,2008
Vancouver (Saylac.com Kulan ay hay'adaha samafalka u
fidiya horumarinta ciyaaraha iyo Dhalinyarada ayaa
maalintii shalay ka dhacay magaalada Vanvouver ee
Gobolka British Colomia ee cariga Canada. Kulankan
oo lagaga hadlayey sidii loo horumarin lahaa
ciyaaraha iyo dhalinyarada geeska Africa iyo
Waqooyiga Afrika ayaa waxa ka soo qayb galay 8
Hay'adood oo sanad walba iskaga kala yimaad wadamo
kala duwan.
Kulankan ayaa waxa lagu marti qaaday ururka gurmad
ee horumarinta dhalinyarada iyo Ciyaaraha somaliland
oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka ururka
Maxamuud Cabdilahi Rooble. Forumkan ayaa waxa uu
ururka gurmad kusoo bandhigay waxqabadkii dhaqaalaha
uu ku ururiyey sanadkii inaga tagay iyo waliba
magacaantii qurbo joogii awdal ee deeqda bixiyey.
Waxa intaa dheer in Maxamuud Cabdilahi Rooble uu ka
waramay tariikhda ururka iyo wakhtigii la asaasay
iyo waliba hadafka ururka oo ah in gobol kasta oo
somaliland ka jiraba ururku ay ka dhisaan garoomo
fursad u siiya dhalinyarada Jamuuriyada Somaliland
inay ku loolamaan ciyaaraha kala duwan ee wadanka ka
dhaca.
>>>Halkan
ka eeg lacagta rasiidka lacagta dahabshiil taala
Dhinaca dhaqaalaha ilaa hada ururku
hayo isagoo ka hadlaya, waxa uu gudoomiye ku
xigeenku soo bandhigay qadarka lacageed ee ururka
gurmad uu ka ururiyey jaaliyadaha Awdal
18115 lacagta guud ee ururku ka ururiyey
jaaliyada
- 623 qadarkii ku baxay 25 lawd ee
dhagaxaanta ururku ku shubay garoonka
190 qadarkii ku baxay labada board ee garoonka lagu dhajiyey ee
loogu magac daray Abwaan Hasan Sheekh
Muumin
------------
$ 17302
qadarka lacagta ku hadhay
sanduuqa gurmad ee dahabshil Borama.
Ka dib markii uu gudoomiye ku xigeenka ururka gurmad
Abwaan maxamuud Cabdilahi Rooble usoo bandhigay
xisaab xidhkan cad iyo rasiidka qadarka ku hadhay
sanduuqa dahabshil ee Borama, ayaa mar kaliya
xubnihii ka soo qayb galay kulankani sacab iyo
sawaxan isku dareen iyagoo la yaaban urur yar oo
laba sano in ka yar jiray oo durba xisaab cad ku
haya lacagooyinkii ay dadweynaha ka ururiyeen.
David O'conor oo ka mid ahaa wakiil ka socday
hay'ada notary international oo ah hay'ad caalami ah
isla markaana samafalo badan u fidisa horumarinta
mashaariicda dhalinyrada geeska afkira sida :
cafimaadka, Waxbarashada iyo Ciyaaraha ayaa si gaara
amaan ugu soo jeediyey xubnaha ururka gurmad ee isku
hawlay ururinta lacagta garoonka borama iyo waliba
dadweynihii wadaninimada dheraadka ah muujiyey ee ka
qayb qaatey ku deeqida lacagta.
Waxa uu Mr. O'conor sheegay inay hay'ada Notary
international si gaara ula shaqayn doonto ururka
gurmad ayna ku xidhi doonto ururka gurmad hay'adaha
kale ee ku lugleh horumarinta ciyaaraha iyo
dhalinyarta si ay wax uga geystaan dhismayaasha
ururka gurmad ku talo jiro inuu garoono ugu dhiso
guud ahaan dhalinyarada ku dhaqan jamuuriyada
somaliland gaar ahaana uu u dhamays tiro garoonka
hada ay hawshiisa ku jiraan ee kubada cagta Borama.
Gagabadii kulankan ayaa waxa la isku arkay casho
sharaf balaadhan oo ay wada yeesheen xubnihii ka soo
qayb galay kulkan.
Waa markii ugu horeysay ee xibin ka tirsan ururka
gurmad lagu marti qaado kulan ay iskugu yimaadeen
hay'adaha caalamiga ah ee ku shaqo horumarinta
ciyaaraha iyo dhalinyarta.
Maxamuud Cabdilahi Rooble
Saylac.com
Vancouver, Canada
Qaar ka tirsan Hay'adihii ka
soo qayb galay kulanka
    |