| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 

Meydka Askari Ka tirsan ciidamada Burundi oo ku geeriyooday dagaalo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho oo maanta loo dhoofiyay Dalkiisa.+Sawirka maydka Dec,04,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Meydka Askari Ka tirsan ciidamada Burundi oo ku geeriyooday dagaalo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa maanta loo dhoofiyay Dalkiisa.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Ee magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta laga dhoofiyay Meydka Aaskari ka tirsan Ciidamada Nabad illalinta ee ka jooga dalka Soomaaliya Midowga Africa gaar ahaan Dalka Burundi oo dagaal habeen hore lagu qaaday Fariisin ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ku geeriyooday.

Diyaarada kuwa milateriga ah oo ka soo duushay dalka Burundi ayaa maanta meykaasi ka qaaday iyadoo ay Galbinayeen ciidamo ka tiran kuwa AMISOM halkasi oo salaan Sharaf meydka ay ugu gudoonsiiyeen.

Tan iyo markii ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Africa ay soo gaareen dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay la kulmayeen Weeraro kaga imaanayay xoogaga ka soo hor jeeda dowladaTFG-da iyo Ciidamada shisheeye,waxana inta la xasuusto ciidamada kaga geeriyooday magaalada Muqdisho ay gaarayaan illaa 15-askari iyo dhaawacyo intaasi ka badan

Dhaqaatiirtii ugu horeeysay oo ka qalin jabisa jaamacad Ku taala magaalada Muqdisho oo maanta Shahaado la gudoonsiiyay.Dec,04,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)- Munaasibad Qalin jabin ah oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ku dhawaad 100-arday oo ay ku jiraan Dhaqaatiir ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir ayaa maanta ka dhacaday hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho.
Kadib Xaflad Balaaran oo lagu qabtay hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Ardayd gaareeysay In ka badan 70-arday oo ka kala qalin Jabisay Jaamacada Banaadir kuliyadeheeda Dawada,Qaliinka iyo Culuunta kala duwan.

Munaasibada oo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin farabadan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Waalidiinta Ardayada Qalin Jabineeysay maanta ayaa waxaa ka hadlay ku simaha Ra'isul wasaaraha ahna wasiirka Maaliyada dowlada kmg Soomaaliya Max'ed Cali Xaamud,Taliyaha Ciidanka Booliiska dowlada TFG-da General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Max'ed Cusmaan Cali Dhagaxtuur waxana ay dhamaantooda ka hadleen qiimaha ay leedahay Wax barashada xiligan adag ee uu dalku marayo.

Gudoomiyaha Jaamacad Banaadir Pro Max'ed Macalin Muuse oo munaasibadasi ka hadlayay ayaa sheegay in waqti badan ay arintani ka shaqeeynayeen isla markana ay tahay markii ugu horeeysay ee dhaqaatiir Caafimaad ay ka qalin jabiyaan mudo 18-sano ah Jaamacad ku taala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacad Banaadir Pro Max'ed Macalin Muuse waxaa uu sheegay in munaasibadani Qaban qaabadeeda ay gacan weyn ka geeysteen shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom ayna dedaal weyn u galeen arinkani dhaqatiirta qalin jabisayna ay ka filayaan wax qabadna cilmigii ay Bareen Mudada dheer kuwasi oo laga sugayo in Bulshada ay wax u qabtaan.

Ardaydani maanta ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir ayaa waxaa ay gaarayeen ku dhawaad 70-arday waxana 20-ka mid ah ay ahaayeen Dhaqaatiir kuwasi oo sheegay in dalkooda ay ka dabooli doonaan Baahida Caafimaad.

Xuseen Cali Shiikh oo ka ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir oo hadalo koobah ka jeediyay munaasibadasi markii la gudoonsiiyay Shahadada ayaa waxaa uu sheegay in uu ummada Soomaaliyeed wax ugu tarayo Cilmiga uu u soo dhabar adeegay Barashadiisa,waxana uu Balan Qaaday in talaabada ugu horeeysay ee uu qaadi doono ay tahay in uu daboolo Baahida Caafimaad ee Shacabka Soomaaliyeed ay qabaan.

Waa markii ugu horeeysay ee Arday Gaareeysa Tiradani ay ka qalin Jabiyaan Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir xili Goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho iyo Cusbitaalada ay la liicayeen Baahi weyn oo dhanka Dhaqaatiirta ah xili shacabka Soomaaliyeed eek u nool magaalada Muqdisho intooda badan ay la daala dhacayeen Dagaalo aan joogsi leheyn.

Ardaydani maanta ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir ayaa waxaa ay gaarayeen ku dhawaad 70-arday waxana 20-ka mid ah ay ahaayeen Dhaqaatiir kuwasi oo sheegay in dalkooda ay ka dabooli doonaan Baahida Caafimaad.


Sheekh Shariif oo maalmaha soo socda ku soo fool leh Magaalada Jowhar. Dec,04,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)- Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo garabka uu hogaamiyo ee Isbaheysiga Dib u xoreynta ay kala saxiixdeen Heshiis awood qeybsi ah Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Sheekh Shariif oo horaantii bishii la soo dhaafay markii u horeysay labo sano kadib soo gaaray gudaha Soomaaliya, markii la wiiqay awoodii Midowgii Maxkamadaha ayaa qorsheynaya inuu xarun rasmi ah ka dhigto Magaalada Jowhar.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Magaalada Jowhar laga dareemayo qaban qaabo loogu jiro imaanshaha Sheekh Shariif, waxaana la isku dubariday hanaanka Maamulka kan Gobolka iyo midka Degmada.

Sidoo kale dayactir ayaa ku bilowday Guriga Gobolka oo bur bur xoogan soo gaaray markii meesha laga saaray Maamulkii Dowladda KMG halkaas usoo magacowday, iyadoona dhismaha Guriga gebi ahaanba la bililaqeystay, waxaana haatan la sheegayaa in loo dayactirayo Shariifka oo si toos ah ugu soo guuraya gudaha Soomaaliya.
Mas'uuliyiinta cusub ee dhinaca amaanka loo magacaabay Magaalada Jowhar ayaa laga soo xigtay in uu socda tallaabooyin loogu sii gogol xaarayo soo guuritaanka Shariifka oo ka soo jeeda Gobolka, waxaana xilliyada habeenkii ka bilowday Magaalada howlo roondeyn kaas oo amaanka lagu xaqiijiyay.


Cadde Muuse oo ku mowqif noqday C/llaahi Yuusuf, qaadacayna Heshiiskii Jabuuti. Dec,04,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)- Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo ee Maamulka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa ku mowqif noqday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,waxana uu ka soo horjeestay Heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen Dowladda iyo Mucaaradka.

Gen Cadde Muuse oo shir jaraa'id ku qabtay xalay Xaruntiisa ayaa sheegay inuusan taageersaneyn heshiiska Jabuuti, isla markaana waxyaabaha ka soo baxay aanay ka muuqan danta Puntland sida uu hadalka u dhigay.

"Hadii 275 xildhibaan soo gaaray Mucaaradka, meeshaas Puntland boos ugama banaan, Heshiiskana waan qaadacnay"ayuu yiri Cadde Muuse.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Heshiiska Jabuuti aanay aheyn wax loo dhan yahay, isla markaana aanay ka mira dhalin karin xaaladaha murugsan ee dalka ka jira.

Maamulka Puntland oo albaabka koowaad u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf marka laga soo tago madaxtinimadiisa Soomaaliya ayaa sida muuqata ka doonaya Puntland inay la safato oo ay qaadacdo Heshiiska Jabuuti.

Col. C/llaahi Yusuf oo ku sugan Garowe ayaa hore u sheegay in Heshiiska Jabuuti ay yihiin kuwo ay gaareen Beelo, isla markaana aanay Soomaali u dhameyn, taasoo uu ugala jeeday horjoogayaasha Labada Gudi ee Dowladda iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta sida Axmed Cabdisalaan iyo C/raxmaan C/shakuur oo hal beel ka soo wada jeeda.

Ciidamada Ethiopia oo saakay faarujiyay fariisimo muddo sanad ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dec,04,2008

(Muqdisho:Saylac.Com)- Ciidamada Tigreega ee dalka Soomaaliya ku soo duulay ayaa saakay faarujiyay fariisimo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, halkaasoo ay muddo sanad ah saldhigyo u aheyd.

Ciidamada ayaa saakay isaga guuray fariisimo ay ka mid yihiin Hotelkii Towfiiq, Somali Post, wadada gasha Suuq Bacaad iyo Baar Ayaan oo Ciidamada ay degenaayeen.

Fariisimahan ay degenaayeen Ciidamada Ethiopia ayay saakay dadka deegaanka ku soo tooseen, iyadoo aysan joogin wax ciidan ah, waxaana durba bilowday isu soo bax dadka deegaanka ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin guuritaanka Ciidamada Ethiopia.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Ethiopia ugu guurayaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan la dareemay, waxaana uu ka dambeeyay heshiis Dowladda Embighat iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif ay ku kala saxiixdeen Dalka Jabuuti.

Inkastoo fariisimaha ay saakay ay baneeyeen Ciidamada Xabshida aanu ka mid aheyn goobihii cayimnaa ee lagu balamay inay ka baxaan 21-kii Bishii hore, hadana Ciidamada waxaa looga fadhiyaa inay ka guuraan Meelo lagu heshiiyay sida Warshadii Baastada, Isbartiibada, Gaashaandhiga, Xisbiga iyo goobo ku dhirirsan Wadada Warshadaha.

Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa horay u sheegay inay socdaan dhaq dhaqaaqyo ay Ciidamada Ethiopia uga guurayaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan sheegtay inay Ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya oo aanay u dul qaadan doonin inay askarigeeda uu ku dhinto dagaalada aan dhamaadka laheyn ee lagala soo horjeedo, waxaana ay qorsheysay Dowladda Ethiopia in dhamaadka sanadkan ay gebi ahaanba Ciidamadeeda ka daadgureyneyso gudaha dalka Soomaaliya.

Max'ed ibraahin Raage

Saylac.Com Muqdisho Somalia.

 

 

 

 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com