Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo Ciidamada Ethiopia xalay ilaa saaka ka wadaan Degmada Afgooye ..Dec,03,2008
(Afgooye:Saylac.Com)-Ciidamada Ethiopian-ka ee ku haray Degmada Afgooye ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka waday halkaas xalay ilaa saakay, lamana sheegi karo ujeedka dhaq dhaqaaqyadaas waxa uu ku wajahan yahay.

Beerta C/raxmaan Jaamac Barre iyo agagaarka Buundada degmada Afgooye oo ay degan yihiin Ciidamadaas ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo aan horay loo arag, waxaana la soo sheegayaa in ciidamada ay suura gal tahay inay halkaas ka guuraan.

Ciidamada ayaa wada baaritaan goos goos ah oo ay ku sameynayaan gaadiidka, waxaana sidoo kale Ciidamada ay tuban yihiin afaafka hore ee fariisinkooda, kuwaasoo ku raran hubka kala duwan, halka qaarkood ay dusha ku wadaan alaabo culus oo loo maleynayo inay yihiin saadkooda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaar ay gudaha u galeen xaafadaha, inkastoo aan la ogeyn wax ay ka wadaan xaafadaha degmadaas.

Degmada Afgooye ayaa ah degmada kaliya ee ay ka degan yihiin Ciidamada Ethiopia Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana inta badan deegaanada Gobolkaas gacanta ku haaya Kooxo kacdoonka ee ka soo hor jeeda kuwaasi oo isku balaarinaya inta badan gobolada K/fureed ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay xalaada Degmada Guriceel ee gobolka Gedo oo shalay ay ku dagaalameen xoogaga Alshabaab iyo Ahlu Sunah Waljamaacah Dec,03,2008
(Guri Ceel:Saylac.Com)-Xaalada Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa saakay degan, waxana soconaya dadaalo nabadeed oo la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Labo urur diimeed oo shalay halkaas ku dagaalamay.

Sida ay sheegayaan wararka saakay halkaas laga helayo odayaal iyo waxgaradka deegaanka ayaa wada dadaalo ay ku baajinayaan in mar kale labada dhinac ay wada dagaalamaan.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa sheegay in xaalada deegaanka uu yahay mid degan, isla markaana labada dhinac aanay haatan xiisad u dhaxeyn, hase yeeshee waxaa uu muujiyay shaki ah in labada dhinac ay mar kale dagaalamaan hadii aanan xal loo helin.

Dagaalka oo ah kii u horeeyay ee dhex maray ururka Alshabaab iyo dabley taabacsan Culimada Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa noqday hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya, iyadoona culimada ahlu sunah aanan horay looga baran urur hubeysan ama dagaalama.

Urur Diimeedka Alshabaab oo ah urur hubeysan oo ka dagaalama K/Soomaaliya, isla markaana kacdoon ballaaran kaga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Shisheeye iyo jiritaanka Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay dagaalka.

Sidoo kale kooxda kale ee ay la dagaalameen shabaabka oo ah culumo dariiqada suufiyada ee loo yaqaan Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa iyagana aanay ka hadlin dagaalkii shalay dhex maray iyaga iyo Dhalinyar diimeedka Alshabaab.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in labada dhinac uu dagaal dhex maro, hase ahaatee maalmihii u dambeeyay ayaa labadaas urur diimeed waxaa ka dhex jiray muran xoogan.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex ruux, halka dhaawacana la xaqiijiyay inuu gaaray ilaa lix ruux, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in labada dhinac uu qasaare ka soo gaaray dagaalka.

Golaha Ammaanka ee Q.M oo kordhiyay qaraarkii quwadaha shisheeye u ogolaanayay la dagaalanka burcad badeedka .Dec,03,2008


(New York:Saylac.Com)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale cusbooneysay qaraarkii u ogolaanayay in quwadaha shisheeya ay la dagaalamaan Burcad badeedka Soomaalida.

Kalfadhi uu Goluhu yeeshay shalay, ayuu ku taageeray qoshe ay wadaan ciidamada badda ee Midowga Europe, kaas oo looga gol leeyahay in lagu cirib-tiro falalka burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya, kuna sii fideysa Xeebaha Geeska Africa.

Howl galka Midowga Europe, oo loogu magac daro Atalanta, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ugu yaraan shan markab o kuwa dagaalka ah, kuwaas oo ilaalin doona Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Golaha Ammaanka ee QM, ayaa sidoo kale soo jeediyey in dacwado lagu soo oogo burcad-badeedda, marka la qabto.

Dowladda Mareykanka oo qaraarkan soo agaasintay ayaa muujisay khatarta burcad badeedka oo haatan gacanta ugu jirta in ka badan 10-Markab oo labo ka mid ah ay yihiin kuwo ay caalamka isla gariireen markii ay qafaasheen, kuwaasoo ay kala ah Markabka Ukrain ee Hubka sida iyo mid Sacuudiga ee Shidaalka faraha badan wada.

Ugu yaraan 100-weerar oo burcad-badeed ah ayaa ka dhacay xeebaha Soomaaliya tan iyo billowgii sanadkan, waxaana kororka weeradaas uu haatan sii xoogeysanayo, marka loo eego xirfada kooxaha burcad badeedka oo ah mid aad u sareeya.

Kolonyo galbineysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ilaalada Madaxtooyada oo is rasaaseeyay. .Dec,03,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Is rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta duhuradii ka dhacday agagaarka Golihii Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre, halkaasoo fariisin u ah Ilaalada Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyntan ay dhex martay Ilaalada Madaxtooyada oo dhagxaan la dhacay Kolonyo galbineysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Dhagaxtuur oo ka soo laabtay Garoonka Diyaaradaha oo ka dhoofayay Ra'iisul Wasaaraha, waxaana mid ka mid ah Askarta Madaxtooyada oo tuuryeeyay Gaariga Dhagaxtuur loogu jawaabay rasaas, taasoo haleeshay askarigaas, waxaana ay Ilaalada Madaxtooyada ee halkasi ku sugnaa ay iyana rasaas ku fureen gaadiidka, markii la rasaaseeyay Askariga dhagaxa ku tuuray Gaariga Gudoomiyaha.

Is rasaaseynta ayaa sababtay dhimashada qaar ka mid ah Ilaalada Madaxtooyada iyo mid ka tirsan Ilaalada Afhayeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo ka mid ahaa Kolonyada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xaalada ayaa u muuqata mid kacsan, iyadoo la sheegayo in labada dhinac ay isku faruuryo qaniinayaan, waxaana la ogeyn ujeedada ka dambeysa bartilmaameedka Ilaalada Madaxtooyada ee Kolonyada galbineysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa soo kala dhex galay Labada dhinac oo laga cabsi qabo inuu dhex maro dagaal fool ka fool ah.

Ilaalada Madaxtooyada ayaa ah kuwo si gaar ah uga amar qaata Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo fariisin ku leh National Theatre iyo hareeraheeda.

Midowga maxkamadaha Islaamka ee degmada Buur hakaba oo awamiir diini ah ku soo rogay ganacsatada iyo dadka isticmaala Qaadka
Dec,03,2008
(Buur hakaba:Saylac.Com)-Mas'uuliyiinta midowga Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haya degmada Buur hakaba ee gobolka Bay ayaa awaamiir cusub oo diini ah ku soo rogay dadka ka ganacsatada iyo kuwa isticmaala Qaadka ee degmadaasi ku sugan.

Sheekh Cisman Cali Maxamed oo ka mid mas'uuliyiinta dhinaca amaanka ee degmada Buur hakaba u qaabilsan midowga maxaakiimta Islaamka ayaa sheegay in ganacsatada Qaadka ee degmadaasi iyo dadka isticmaalaba lagu war geliyey iney ka fogaadaan suuqyada magaalada Buur hakaba iyo goobaha lagu cibaadeysto ee masaajidada ah.

Waxaa uu intaa ku daray Sheekhu in talaabadaasi ay u qaadeen sidii loo ilaalin lahaa nadaafada degmada iyo ansahaxa dadka fadhiista hareeraha wadooyinka iyo masaajiidada intaba,wuxuuna sheegay in qaadka meelaha lagu cuno iyo meelaha kale ee lagu iibiyo uu ku reebo qashin aad u fara badan oo caafimaad ahaan aan wanaagsaneyn, wuxuuna sheegay in cidii jebisa amarkaasi ay ka qaadi doonaan talaabo adag oo shareecada Islaamka waafaqsan.

Dowlada Uganda oo sheegtay in ciidamadeedu sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya xitaa haddii ay meesha ka baxaan ciidamada Ethiopia ..Dec,03,2008

(Kambala:Saylac.Com)-Xukuumada dalka Uganda oo ciidamo nabad ilaalin ah oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ay ka joogaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaaladan Muqdisho, kuwaasoo tiradoodu ay gaareyso ku dhowaad 2000-kun oo askari ayaa sheegtay in askarteedu ay sii joogi doonaan Soomaaliya xitaa haddii ay Ethiopia ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkan sida la filayo.

Major Panddy Ankunda Afhayeenka ciidamada militariga Uganda oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in dawladda Uganda aysan qorshaha ugu jirin inay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya ka hor inta aysan dhamaanin muddada ay Midowga Afrika u igmadeen oo ku eg horaanta sannadka soo socda ee 2009-ka.

Akunda Waxa uu intaa ku daray in uu weli jiro door u bannaan oo ay ku kaalmayn karaan dadka Soomaalida ah, si ay qaranimadooda iyo xorriyaddooda u soo ceshadaan, isla markaana ay dhinac isaga dhigaan rabshadaha iyo dagaallada ay muddada dheer ku soo dhex jireen.

Saraakiisha ciidamada ee dalalka Uganda iyo Burundi oo ay ciidamadooda ku sugan yihiin dalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay toddobaadka dambe yeesheen kulan ay uga hadlayaan saamaynta ay ku yeelan karto ciidamadooda bixitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya.


Burcad badeed Soomaalida ah oo markii ugu horeysay madax furasho la'aan sii daayey mid ka mid ah maraakiib ay heysteen ka dib markii..Dec,03,2008


(Ayl:Saylac.Com)-Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo degmada xeebta ku taalla ee lagu magacaabo Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in kooxihii afduubka ku haystay markabkii laga lahaa dalka Yemen oo qeyb ka ahaa maraakiib lagu haystay xeebaha Eyl ay sii daayeen markabkaasi isagoo aan laga qaadin lacago madax furasho ah.

Cali Cabdi Awaare oo ah Wasiiru dawlaha Dekedaha iyo gaadiidka Badda oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in markabka laga lahaa dalka Yemen ay sii daayeen kooxihii afduubka ku haystay kaddib wada hadallo ay la galeen odayaasha iyo madaxda maamul goboleedka Puntland, wuxuuna intaasi ku daray in dalka Yemen iyo maamul goboleedka Puntland uu u dhexeeyo xiriir caalami ah oo wanaagsan, loona baahan yahay in maraakiibtooda la badbaadiyo.

Arrimaha la xiriira furdaaminta sii daynta markabkaasi laga leeyahay dalka Yemen waxaa magaalada Garowe toddobaadkan gaaray madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo safiirka dalka Yemen u fadhiya Soomaaliya kuwaasoo ka codsaday maamul goboleedka Puntland inay gacan ka siiyaan sidii markabkaasi si shuruud ahaan loogu sii deyn lahaa.

Waa markii ugu horeeysay ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ay sii daayaan markab ay soo qafasheen iyagoo aan wax madax furasho ah ka qaadan.


Max'ed Ibraahin Raage

Saylac.com Muqdisho Somalia




 

- To Submit Information Click Here -

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com