| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Madaxweyne Rayaale oo U khudbadeeyay Shir-guddoonka labada Gole, Iyo Xubnaha Goleyaasha Qaranka ..April,2008

Hargeysa(Saylac.com)-Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Khudbad Aad U dheer U jeediyay Xumnaha Labada Gole ee Wakiilada Iyo Guurtida.

Qodobadii ugu waawaynee ee Madaxweynuhu soo hadal-qaaday
;
1- In laga guuro siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro Dawlad Dastuur iyo kala dambeyn Xeer ku dhisan;
2- Baadi-doonista iyo Raadinta aqoonsiga Qarannimo;
3- Xoojinta Nabad-galyadda, fidinta iyo gaadhsiinta Maamulka Goob kasta oo ka jirta Xuduudaha Dastuuriga ah ee Qaranka;
4- Horumarinta hab-dhaqan dhaqaale iyo awood daadajinta Maamulka Xukuumadda;
5- Taaba gelinta Garsoorka iyo Cadaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.
Hargeysa (Saylac.com)- Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta khudbadaad u dheer u jeediyay Shir-guddoonka labada Gole ee Baarlamaaanka Somaliland, kaga waramay xaalada wadanku ku sugan yahay, xeelada la rabo in lagu taabo-geliyo waxyaalaha hadhsan, una baahan in loo gogol-xaadho meel marintooda.
KHudabadaas Madaxweynaha oo aad u dheerayd waxay u dhignayd sidan: A Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh
Shir-guddoonka labada Gole, Xubnaha Goleyaasha Qaranka, waxaan dhammaan idiin soo jeedinayaa Salaan qiimo iyo qaayo badan.

Hor-dhac
Sample Image (photo courtesy by qarannews)
Maanta oo ay bishu tahay 29 April 2008, waxa sharaf ii ah, anigoo gudanaaya Xilkayga Dastooriga ah in aan halkan idiinka soo jeediyo fadhigan loo dhan yahay ee Baarlamaanka, warbixin sanadeedkii oo taabanaysa arrimo badan.
Guddoomiye, ugu horeyn, Hambalyo iyo Bogaadin gaar ah waxaan u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo inta danaysa, “ha joogo qurbe iyo meel baraf leh; ha joogo daafaha aduunka meel dab iyo olol ka oogan yahay; ha ahaado geesiga u heegan difaaca Qaranka; ha ahaado ma daalaha u soo jeeda nab-doonaanta, caafimaadka Ubadka iyo Dumarka; ha ahaado ka waxbrashada iyo Aqoonta bulshada aan ka daalin; ha ahaado ka u xaytay in uu reerka iyo Xoolaha-ba nabad ku soo hooyo; ka u dibad galoobay ee ubad kiisi dibedda u dhigay; ka ka-damqada darxumada iyo dibin daabyada dadkiisa iyo dadkiisa; ha ahaado hooyada ama aabaha agoonta u xaytay; ha ahaado ka Xoolaha raaca ee abaarta la rafaadsan” wax kale oo aan faataxada u marayaa Illaahayna u baryayaa in uu Janadiisa ka waraabiyo inta hoygii lama huraanka ahaa inooga horeeyey,” Mujaahidkii Naftiisa u hurey Xoreyntii Dalkan iyo difaaciisa maanta; inta iilka gashay inta ay sugayeen midhaha halganka qarannimo ee aynnu hormoodka u nahay”.

Sabirkii iyo Dulqaadkii wuu midho dhalay, Somaliland waa Dal aan cidina Iska indho tiri karin, lana yaraysan karin, waxaan idiinku Bushaaraynayaa in maanta aynnu awood u leenahay in aynnu Himiladeenii gaadhno oo ahayd:
Sample Image
(photo courtesy by qarannews)
In aynnu dhisno dalka ugu wanaagsan ee gobolkan illaahay inagu beeray ka jira ee lagu noolaado, “Jamhuuriyadda Somaliland” waa Dalkayga aynnu kor u nidhaahno;
Dhaxal uga tagno ubadkeena iyo kuwa dhuuxooda ku jira;
Guddoomiye iyo Mudanayaal, Caalamka meel kasta oo aanu tagno, waxa lana weydiiyaa, idinkoon la idin ictiraaf-sanayn, caawimo muuqata aydaan cidna ka helin, oo dhaqaale la taaban karo aan lahayn, sidee bay idiinku suurto gashay in aad qabataan waxa aad qabsateen?

Waxa aan ugu jawaabaa. “Sirtu waxa ay ku jirtaa talada Shacbigayga, go’aanka Shacbigayga,” waa iga run oo waxaan illaahay la hor tagayo oo aan siyaasad iga ahayn; Sirta aynnu halkan ku soo gaadhnay waa dhabar adeygeena, sabir-keena iyo ku adkaysiga go’aan keena. Waxa taa saldhig u ah, “Ummad aan Go;aan lahayn, ummad jirta ma aha”; dawladdo, hay’ado badan ayaa inoogu sadburiya waxa aan qabsannay, nacabkeenuna way ka naxaan.

Guddoomiye, Shacbiga Somaliland, waxaan maanta u sheegayaa in Dimuqraadiyadii Somaliland ee da’ada yareyd, cadow badan yeelatay oo raba in ay curdin dhadhiyaan, waayo maanta waa aynu isu soo dhammaanay oo maamulkeenii Somaliland oo dhan ayuu wada gaadhay dalkeena xuduud-kiisii; waxa aan leeyahay, waxa aynu kaga gudbi karnaa isku duubnidda bulshadeena, wada jir iyo wada tashi, foojignaan oo haddii aynu is dhalliilayno aynu wax isu reebno, yeynaan meel madow isku gawricin.

Guddoomiye, waxa inoo abuurmay dhaqan siyaasadeed; Maamulkii Somaliland oo gaadhay Xuduudihii qaranka ee dastuuriga ahaa; Kaabayaashii bulshada sida caafimaadka iyo tacliinta; Xoojinta nabadgelyadda; Bulshadda caalamka oo maanta tusaale iyo Miqyaas Caalamka soo koraya inooga dhigta; illaahay waxa aan ka baryayaa in aynnu dhaqaalaheena gaadhsiino halka aynnu Dimuqraadiyadda iyo Nabadgalyadda gaadhsiinay.

Guddoomiye iyo Mudanayaal, warbixintayda maanta nuxurkeedu wuxuu xambaarsan yahay Dulucda barnaamijkayga siyaasadeed ee aan ugu talo galay dawga loo marayo geediga dib u dhiska Qaranka oo ka kooban shan qodob oo kala ah, sidii aan hore ugu ballan qaaday maalintii xilka Madaxweyne la ii dhaariyey, anigoo illaahay la kaashanaya, wixii ka qabsoomay iyo waxa dhiman:


1- In laga guuro siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro Dawlad Dastuur iyo kala dambeyn Xeer ku dhisan;
2- Baadi-doonista iyo Raadinta aqoonsiga Qarannimo;
3- Xoojinta Nabad-galyadda, fidinta iyo gaadhsiinta Maamulka Goob kasta oo ka jirta Xuduudaha Dastuuriga ah ee Qaranka;
4- Horumarinta hab-dhaqan dhaqaale iyo awood daadajinta Maamulka Xukuumadda;
5- Taaba gelinta Garsoorka iyo Cadaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.

Kala Guurka Siyaasad Beeleed iyo Siyaasad Dastuurku hogaan u yahay

Laga soo bilaabo 1991, intii aynu la soo noqonay Xorriyaddii Somaliland, waxa aynu soo marnay marxalado badan oo taariikhi ah, waxa aynu ka soo gudubnay caqabaddo Buuraha ka baaxad weyn; waxa se aynnu dhamaan isla garanay in sida qudha ee aynnu ku xaqiijin karno himilada Gooni isu taageena iyo madax banaani mujtamaca Caalamku aqoonsan yahay ay tahay in aynnu Guntiga Dhiisha iskaga dhigno oo aynnu dhammaan u xaydanno rag iyo dumar-ba, ku dalka gudihiisa jooga iyo mid dibad joogaba, in la helo Dawlad Dastuuri ah oo sharcigu ka sareeyo qof kasta, iyo sidii aynu u yagleeli lahayn qaran ay taladiisa shacbigu leeyihiin oo danahooda u adeega. Kadib, Geeridii Madaxweynaheenii, Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxa aan qayb u helay in aan Go’aanka Ummadda Somaliland aan dhaqan galiyo, waxaanan go’aansaday anigoo Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aanan beenayn Go’aan-kaa Ummadeed ee ay igu aamintay wax kasta oo iga hor yimaada-ba.

Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxa aan halkan uga mahad celinaya Shacbiga Somaliland ee aan la’aantood aanay suurta gasheen, ee ka qayb-qaatay Doorashaddii Golayaasha Deegaanka iyo u tartankii Xisbinimadda ee sida Nabadda ah ku codeeyey; iyo Ururaddii sida qaabka-san inoogu suurta galiyay dhaqan galinta Qodobka 9aad ee Dastuurka, muftaaxii Hirgelinta Dastuurka, kuwii tartankii xisbinimadda ku guulaystay iyo kuwii kale tartanka ka qayb galay; waxa kale oo aan u mahadcelinayaa xubnihii Guddiga diiwaan gelinta, xubnihii Komishanka Qaranka, Ciidamada Qaranka iyo Garsoorka oo la’aantood aynu dhaxli lahayn fidmo iyo burbur cusub sida dalal Afrikaan ah ka dhacda, ugu dambeyn, qurba jooga Somaliland iyo hay’adaha Caalamiga ah ee Dimuqraadiyada taageera.
Guddoomiye, waxa marag ma doona, iyadoo rag badan oo danaynaya isku duubnida ummadda, karaan-keena dhaqaale, iyo aragtiyo kale oo badan oo ka soo yeedhaaya, waxay talo iigu soo jeediyeen in dib loo dhigo Doorashooyinka oo la ii cusboonaysiiyo, waxaanse go’aansaday in aan ka diido oo aanan dariiqii Ummadu doonaysay ka leexan maalinna dib loo dhigin, sidii bay ku dhamaatay anigana la iigu doortay, Waxaanan u mahad celinayaa cid kasta oo u hogaan-santay, waa mid Taariikhi ah oo lama illoobaan ah, Caalamkana indhahooda inoo soo jeedisay, waxa ay i siisay kalsooni iyo jihayn in aanan soo jeedsan, seexan oo aan laba jibaaro dadaal iyo dagaal-ba sidii aan ku xaqiijin lahaa, aniga oo la kaashanaya, xilka iyo himilada Ummadu igu aamintay,

Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxa aad goob joog ka ahayd in aan Maxkamadda u gudbiyey, ka dib markii Labada Gole ay cod aqlabiyadda ah 2/3 ku soo jeediyeen Sharci aan suurto gelinayn in Doorashada Wakiilada ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay, isla markaana loo cusboonaysiiyo xubnihii golaha fadhiyey waqtigaa, ana waxaan u arkay in ay caqabad ku noqonayso himiladii ummadda iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, waana ta suurta gal ka dhigtay Doorashadii Golihiinan maanta fadhiya.

Guddoomiye, Geedi socodka Doorashooyin-ku wax ay dhammaanteen iyo Caalamka u caddeeyeen, Shacbiga Somaliland in uu yahay Shacbi Bisil xaga siyaasada, kana dhab tahay Gooni Isu taaga Madaxbanaanida iyo Qaranimadda ay doonayaan. Waxa kale oo ay beenaysay sheeka xumaddii ay Caalamka kula wareegayeen Somaliland diidku, isla markaana, waxa ay abuurtay hab dhaqan siyaasadeed oo ay Afrika dhamaanteed inagu milicsato, kaas oo ah Kalsoonida la isugu hambalyeeyo natiijadda Doorashada;

Waxa uu Caalamku gar waaqsaday in ay tahay ummad iyadu isku tashatay, garaad siyaasadeed oo Qaan-gaadh ah leh oo aan taariikhda dawladaha soo koraya hore loogu arag.

Guddoomiye iyo Mudanayaal, guushaasi waa mid aynnu wada leenahay (Shacbiga Somaliland oo dhan rag iyo dumar ba, ku jooga dalka iyo ku qurbaha joogaba), kaligay maan dhalin, hadii aydaan isku kay barbar taagin. Waxaan si cad u xaqiijinay in aan ummad kasta Sooyaalkeeda taariikheed, horumarkeeda iyo himiladeeda ka abuuranto fikirka, isku duubnida, wada tashiga, is af garashadda ay leeyihiin raga u kaca.
Waxaan hubaa in ummadeenu sidii ay inoogu taageertay Doorashooyinkii hore ay tanna inoogu taageeri doonto, iyadoo Doorashadan ay kaga duwanaan doonto, sidii aan horeba halkan uga ballan qaaday inaan dadkeena diiwaangelino sida dastuurkeenu dhigayo, si aynu u helno doorasho xalaal ah oo nadiif ah, oo tirada dadka wax lagu qaybsado.
Doorashooyinkii hore ee aan qabanay, waa kuwa Qarankeenu garawshiiyo kaga helay Caalamka.

Tijaabaddii ugu danbeysay maanta ayaa la inagga eegayaa, in aynu walaalaheena afrikaanka ah la mid noqono oo kursigu ka qiima roonaado Qaranimada iyo in ay dimuqraadiyadu ina hogaamiso.

Mudanayaal, waxa lagama maarmaan ah in aan is xasuusino, mandaqaddan aan ku nool nahay ee cakiran ee ay ka oogan yihiin colaada iyo qalalaasuhu, waxaan kaga badbaadnay fadliga ilaahay ka sokow, hogaaminta iyo siyaasadda Xukuumadani ay ku hagayso Ummadeeda, kagana kasbatay Jaararkeeda iyo Caalamkaba qadarinta Xilkasnimo iyo Masuuliyadeed ee ay ka muujiyeen sidii loo waajihi lahaa, iyadoo dhaabato markasti ay u ahayd Xukuumaddu inay jaararkeeda kula noolaato saaxiibtinimo iyo sokeeyenimo, waana ta aan qadarinta maanta kaga helnay Caalamka, waanan sii wadi doonaa.

Waxaanu beesha Caalamka innagoo ka bilaabayna jaararkeena sii wadi doonaa qarnaqsigeena ah, in aanu helno, xaqqa aanu u leenahay in aan ka mid noqono Beesha Caalamka.

Waxaan maalmahan maqlayaa iyadoon Doorashaba la gaadhin, Rag Mas’uuliyiin Xisbiyo ah oo leh beesha Caalamkaay, na soo kala gaadha, waxaan leeyahay belaayo beesha Caalamka aan ugu yeedhno oo dalkan ka taagan ma jirto.
Bilawgii lix urur ayaan ugu tartannay si ay uga soo baxaan Saddex Xisbi Qaran, waxa nasiib u helay saddexdaa Xisbi qaran in ay noqdaan Xisbiyadii Qaranka, sharci baana xaq inoo siinaya in aan u tartanno Manaasiibta kala duwan ee dalkan.

Hadaba, waxa la yaab leh, Rag masuuliyiin ah oo Sharcigu siiyay in ay u tartamaan kursiga ugu qiimaha badan ee Dalkan, in uu u dhaqmo sidii Qawmkii Reer Bani Israa’iil ee Quraanka badhna akhriyi jirey badhna ka tagi jirey, taas oo la mida, Shuruucdu xaqa ay ku siisay badhna in aad akhrido, kuwa kalena aad ka indho qarsato.
Shuruuc baa inoo qoran si cad u qeexaysa tubta loo marayo Madaxtinimada, ka baaqsada in aad noqotaan Ashkhaas, hadba wixii afkooda ka soo baxa iskaga hadla oo aan ixtiraamin sharciga iyo Ummada midnaba.

Beesha Caalamku illaa 1991, Koonfurta Somaliya ayey u gurmaneysay, xaaladda ay ku sugan tahayna waad ogtihiin, yeesha kasmadeeda, Somaliland waxa ay kaga duwan tahay iyo horumarka ay maanta gaadhay in ay tahay; in ay tashato, degsato Xeerar kala haga oo gaadhsiiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay maanta ku naaloonayso, laguna majiiranayo.

Beesha Caalamku waxa ay inoo ballan qaaddey in ay ina siiso taageero dhaqaale oon ku maamulano geedi socodka hannaankeena dimuqraadiyadeed, sharcina innooma sameynayso, innamana maamulayso, horena saddex doorasho ayeynu u soo qabsanay oo beesha Caalamku gacan ka geysatay, iyadoo aaney innagu faragelin shuruucdeena iyo nidaamka aynu u maamulanayno.

Qaylo taagan maanta ma jirto oo idin dhaafsiisan idinka, si xalaal ah isugu diyaariya in aad tartanka uga qaybgashaan oo aad kasbataan kalsoonida shacbiga idinkoon, qalalaase galin, markastina waxaan idin xasuusinayaa in uu Sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono, qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, wuu siqiiri doonaa, Ummadda dhexdeedana maqaam kuma yeelan doono.

Kursigan Ummadda Hogaankeeda cidduu u hunguri ka hayo, waxa looga baahan yahay, in uu yeesho dhawrsanaan, dulqaad ixtiraamidda shuruucda iyo inuu odhaahdiisa ka baajo erayo naxli iyo turxaan shacbiga ku noqda oo ay ka naxaan, ilaahay ha idin garansiiyo talladaas.

Waxa ayaan darro aheyd, laba Xubnood oo deeq bixiyayaasha ka socotay in mid ka midi shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha markuu uu dalka ka sii baxayey, arrinkaasi oo ku ah ceeb deeq bixiyayaasha uu ka socda, innagana gef innagu ah, waliba isagoo u sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, in uu la tashi ugu noqon doono Deeq bixiyeyaasha, arrinkaa waxaan u sheegnay Deeq-bixiyeyaasha, go’aankii aanu ka qaadan lahayna Deeq bixiyeyaasha ayaanu u dhaafnay inay ka abaal mariyaan gefkaa uu ku kacay. Hadalkiisuna mid na khuseeya oo lagu dhaqmayo maaha, balse shuruucda dalkani dejistay baa lagu dhaqmi doonaa, diyaarna marnaba uma nihin in Dalkan lagu maamulo wax aan ka ahayn Shuruucda iyo Dastuurka Qaranka JSL, Diiwaangelinta iyo Doorashooyinkana, waxa lagu maamulayaa Shuruucda ay soo gudbiyeen Golaha Sharci dejintu iyo Dastuurka Qaranka JSL.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka anoo marar badan oo hore idiin sheegay, waxaan idin leeyahay si mug leh u barta Xeerarka tilmaamaya xil-gudashadiina oo kala ah Xeerka Doorashada Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada Xeer Lam, 20/2001 & Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lam, 37/2007, la idiinkama fadhiyo in aad la timaadaan aaraa iyo talooyin aan Xeerarka ku aroorin, ka baaqsashada aad ka baaqsataan waajibaadka ku cad labadaa Xeer, waxay idin geyeysiin doonaan xil gudasho la’aan. Waxana waajib idinku ah in aad u raacdaan Xeerarkaas siday u kala horreeyaan, ogaadana in aad tihiin Hay’ad Xeer fullineed ee aydaan aheyn Hay’ad Xeer Dejineed.

Waxaan Shacbiga Somaliland leeyahay iyo dhammaan Hay’adaha dawliga ah oo ay goleyaasha Qaranku hormood ka yihiin, waxa waajib muqaddas ah innagu ah ku dhaqanka, Dastuurka iyo Xeerarka ka farcamay, taas uun baa ah ta aan ku gaadhayno himilladeena aan taabo gelinayno, waxa nagga reeban innagoo arkayna Xeerarkii oo ay cad yihiin meesha aan u marayno xil-gudashadeena in aan maalin kastiba warbaahinta aan ka sii dayno, “ Waa Wareey, hala tashadooy, ha la isku yimaadooy, iyadoo la iska indha tirayo Shuruucda aan dhiganay oo waajib ka dhigaya in aan ku dhaqanno”.
Waa gar wixii sharciga aan inoogu qorneyn in aan ka tashano, balse suura gal noqon mayso in Sharcigii oo yaala la iska indho tiro oo la yidhaahdo Maslaxadda Shakhsigayga ah kama arko ee aan tallo galno, taasi oo aan u arko in ay cay iyo gef ku tahay Ummadani sharciga iyo Dastuurka ay samaysatay.

Ummadan inta aan xilka u hayo, waxa aan u ballan qaaday in aan ku hago Dastuurka iyo Shuruucda ka farcantay, taas oo qudha ayaa u noqonaysa dhaxal kuwa nool iyo kuwa dhuuxeena ku jira ee dhalan doona ay u aayaan.

Waa ta aan kaga duwannahay, Walaalaheena Koonfureed, oo sharci ay sameysteen oo ay ku dhaqmaan maalin qudha la waayey, taladooduna waxay noqotay tayda haddii la yeeli waayo waxba jiri maayaan, oo ay Asaagood kaga hadheen.

Somaliland shacbi iyo Goleyaasha Qaranka, waxa innagu waajiba in aan ka feejignaano meelna uga soo wada jeedsanno, ashkhaasta damacoodu uu ka sarreeyo Sharciga ay ummadani dhigatay, kalsooni baan ku qabaa in aan shacbiga cidda noocaasi u dhaqmaysa aanu gacan siin doonin.

Badbaadadeenu waa inaan ku adkaano Dastuurkeena iyo Shuruucda ka farcantay.
Tartankeenu sidii caadada inoo ahayd Nabad iyo kalsooni halagu galo, si aan u xaqiijinno midhaha u dambeeya ee guusheena.





Adkeynta Midnimadda Qaranka Somaliland, Fidinta iyo Gaadhsiinta Maamulka Goob kasta

Guddoomiye qorshaha siyaasadeed ee lagu ilaalin karo laguna xoojin-ayo midnimadda Qaranka Somaliland iyo Nabadgalyadda Muwaadinka, waxa hagaya saddex tiir oo lagama maarmaan ah sida:

1- Muqadasnimadda Xuduudaha iyo madax banaanida Qaranka Somaliland;
2- Maamul fidinta iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo ka mid ah xuduudaha Somaliland;
3- Xoojin-ta Nab-doonaanta Bulshada iyo wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, iyo Dawlad-nimadiisa waxyeelo u keeni kara;

Muqadasnimadda Xuduudaha iyo Madaxbanaanida Qaranka Somaliland

Guddoomiye, Dal kasta oo Caalamka maanta ka jira, waxa ugu horeeya ee lagu qiimeeyo laguna qadariyaa sida maamulkiisu Xuduudihiisa u gaadh-siisan yahay, wada jirka bulshadiisa iyo is neef ogolaanshihiisa, iyo heerka Nab-doonaanta, inagana waxa ay noqotay mudnaanta kowaad, ka dib markii Xuduudaheenii lagu soo xad gudbay. Aniga iyo Shacbiweynaha Somalilandn-a si gaar ah noo taabatay, ka dib markii aan u arkay shacbigaygii oo badhkii aanu adeegii bulshaddu gaadhin, lana gaadhsiin karin, haddii si dhakhso ah aan wax looga qaban. Sidaa darteed, waxaan go’aansady in wax kastaba aan ka horeysiiyo sidii taa loo heli lahaa, wax kasta oo dhacaba, Illaahayna wuu nala grab galay wuuna noo suurto galiyay, waxa aan halkan uga mahad celinayaa raggii hawsha illa galay oo qadarin gaara ah inaga mudan, Qof kasta ha ahaado, qof reer miyi ah oo neef-kiisi xoolaha u haneeyay, qof kasta oo lacag kaga qayb galay, qof kasta oo eray wanaagsan kaga qayb qaatay, “ Waxaan idin weydiisanayaa, Ciidamadii Qaranka guud ahaan iyo Shacbiweynaha Deegaanka ee ku naf waayey, in aad u istaagtaan oo faataxada u martaan”.


Maamul fidinta iyo gaadhsiinta Adeega Bulshada goob kasta ku nool

Guddoomiye, waxa aynu sanadkii ina dhaafay maamul-keenu gaadhay dalka Xuduudihiisa, shacbigii Somaliland ee lixdankii xorriyaddiisa marin habowday wuu dhan yahay, waanu wada joogaa, waxaanu inaga sugayaa in aynu nabad ku gaadhsiino himilada ay inagu aamineen, raga aan la hadlayaa waa, Xubnaha Goleyaasha Qaranka, hogaamiya-yaasha Xisbiyada Qaranka iyo raga leh damac siyaasadeed.

Bulshada ku nool Gobollada Sool iyo Sanaag Barri, wax la sheegi karo oo buuran uma aanu fidin, balse, waxa aan qaraar ku gaadhay in aan mudnaan gaar ah Miisaaniyadda Sanadkan ka siiyo, sidaa darteed, waxa aan idinka codsanayaa in la igu taageero sidii aynu u soo gaadhsiin karno heerarka Gobollada kale ee Qaranku gaadhsiisan yihiin, xagga tacliinta, caafimaadka, iyo adeega bulshada ee kale oo ay ugu horeyso biyaha macaan ee dadku cabo, iyadoo dhawaan aan Caasimadda Gobolka Sool ee Laascaabood gaadhsiinay 5 (Shan) Mishiin oo biyaha qadhaadh sifeeya una badela kuwa macaan, inta biyo macaan laga soo saarayo, iyada oo mashruucaas ay fulinayso Hay’adda DRC iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Dalku.

Guddoomiye, Bishii lixaad ee Sanadkan, waxa aynnu ansixinay Xeerkii is Maamulka Goboladda iyo Degmooyinka oo aan idiin soo gudbiyay 19/12/06, anigoo tixgelinaya qaab dhismeedka dastuuriga oo inagu waajibiyay awood daadajinta maamulka Xukuumadda, baahida loo qabo fidinta maamulka iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo qaranka ka mid ah; Anigoo dhaqan galinaya Qodobodda Xeerkaa, waxa aan Go’aan Madaxweyne ku soo saaray, lix gobol oo kale sida Salal, Gabilay, Oodweyne, Buuhoodle, Saraar, Badhan, iyo 16 degmo oo cusub.

Waxa aan maqlaa hadalo badan oo ka soo yeedhay siyaasiyiinta qaarkood, waxa aan leeyahay waa waajib Dastuuri ah oo uu Madaxweynaha u xil saaray in uu Maamulka la daadajiyo, qof kasta oo Muwaadin ahna hal-kiisa ku gaadhsiiyo. Hadaba, Su’aasha waqtiga, waxaan idiin sheegayaa in haddii bulshadu aaney isu dhammeyn, lama fulin karo; ka dib markii aynu gaadhnay xadkii Qaranka, waxa waajib noqotay in la fuliyo codsiyadii shacbiga; walaalayaal, Dalka Somaliland waa dal ballaadhan, sida qudha ee adeega bulshada muwaadin kasta lagu gaadhsiin karaana waa maamul fidin si uu qofku haddii uu Maxkamad, dhakhtar, tacliin iwm, u baahdo, waa in uu meel u dhow ka heli karo, waxa aan ka codsanayaa bulshada degan Gobollada iyo degmooyinka Cusub inay ku dadaalaan sidii ay u taabo gelin lahaayeen maamula-dooda, iyagoo tixgalinaya qodobada Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka.

Xoojinta Nab-doonaanta Bulshadda iyo wixii Qaranka Diintiisa, Dhaqankiisa iyo Dawlad- nimadiisa waxyeelo u keeni Kara;

Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa aasaaska nolosha aadamaha, Dalna wax horumara kuma talaabsan karo haddii aanay nabadi jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin, taasi waxay ku timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay’adaha nabadgelyada u xilsaaran ee Ciidamada Qaranku kow ka yihiin, madax dhaqameedyada iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin. Sannadkii ina dhaafey ee 2007, waxa aanu dhamaystirnay Siyaasadda Nabadgelyada ee Qaranka oo aanu mudnaanta siinay dhaqan gelinta :

1. Dhismaha Ciidamada Nabadgelyada, sida Ciidamada Xeebaha; Tababarka iyo Tayeynta Hawlgal-kooda,
2. La dagaalanka falal-ka Argagaxa leh iyo Argagixisada.

Baadi-doonista iyo Raadinta Aqoonsiga Qarannimo" Ayuu khudbadiisa ku soo gebo-gabeeyay Madaxweynaha Qaranku.

Cabdiqani X. Baynax
Saylac Office/Hargeysa Somaliland

 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com