|
Madaxweyne
Rayaale oo U
khudbadeeyay
Shir-guddoonka
labada Gole,
Iyo Xubnaha
Goleyaasha
Qaranka
..April,2008
Hargeysa(Saylac.com)-Madaxweyne
Daahir
Riyaale Oo
Khudbad Aad
U dheer U
jeediyay
Xumnaha
Labada Gole
ee Wakiilada
Iyo Guurtida.
Qodobadii
ugu
waawaynee ee
Madaxweynuhu
soo
hadal-qaaday
;
1- In laga
guuro
siyaasad
beel ku
dhisan oo
loo guuro
Dawlad
Dastuur iyo
kala dambeyn
Xeer ku
dhisan;
2-
Baadi-doonista
iyo Raadinta
aqoonsiga
Qarannimo;
3- Xoojinta
Nabad-galyadda,
fidinta iyo
gaadhsiinta
Maamulka
Goob kasta
oo ka jirta
Xuduudaha
Dastuuriga
ah ee
Qaranka;
4-
Horumarinta
hab-dhaqan
dhaqaale iyo
awood
daadajinta
Maamulka
Xukuumadda;
5- Taaba
gelinta
Garsoorka
iyo
Cadaalada si
loo helo
garsoor tayo
leh oo
dhowra
Xuquuqda iyo
Xoriyaadka
muwaadinka.
Hargeysa (Saylac.com)-
Madaxweynaha
Somaliland
mudane
Daahir
Rayaale
Kaahin ayaa
maanta
khudbadaad u
dheer u
jeediyay
Shir-guddoonka
labada Gole
ee
Baarlamaaanka
Somaliland,
kaga waramay
xaalada
wadanku ku
sugan yahay,
xeelada la
rabo in lagu
taabo-geliyo
waxyaalaha
hadhsan, una
baahan in
loo
gogol-xaadho
meel
marintooda.
KHudabadaas
Madaxweynaha
oo aad u
dheerayd
waxay u
dhignayd
sidan: A
Assalaamu
Calaykum
Waraxmatullaahi
Wabarakaatuh
Shir-guddoonka
labada Gole,
Xubnaha
Goleyaasha
Qaranka,
waxaan
dhammaan
idiin soo
jeedinayaa
Salaan qiimo
iyo qaayo
badan.
Hor-dhac
(photo
courtesy by
qarannews)
Maanta oo ay
bishu tahay
29 April
2008, waxa
sharaf ii
ah, anigoo
gudanaaya
Xilkayga
Dastooriga
ah in aan
halkan
idiinka soo
jeediyo
fadhigan loo
dhan yahay
ee
Baarlamaanka,
warbixin
sanadeedkii
oo
taabanaysa
arrimo badan.
Guddoomiye,
ugu horeyn,
Hambalyo iyo
Bogaadin
gaar ah
waxaan u
dirayaa
Shacbiga
Somaliland
iyo inta
danaysa, “ha
joogo qurbe
iyo meel
baraf leh;
ha joogo
daafaha
aduunka meel
dab iyo olol
ka oogan
yahay; ha
ahaado
geesiga u
heegan
difaaca
Qaranka; ha
ahaado ma
daalaha u
soo jeeda
nab-doonaanta,
caafimaadka
Ubadka iyo
Dumarka; ha
ahaado ka
waxbrashada
iyo Aqoonta
bulshada aan
ka daalin;
ha ahaado ka
u xaytay in
uu reerka
iyo
Xoolaha-ba
nabad ku soo
hooyo; ka u
dibad
galoobay ee
ubad kiisi
dibedda u
dhigay; ka
ka-damqada
darxumada
iyo dibin
daabyada
dadkiisa iyo
dadkiisa; ha
ahaado
hooyada ama
aabaha
agoonta u
xaytay; ha
ahaado ka
Xoolaha
raaca ee
abaarta la
rafaadsan”
wax kale oo
aan
faataxada u
marayaa
Illaahayna u
baryayaa in
uu Janadiisa
ka waraabiyo
inta hoygii
lama
huraanka
ahaa inooga
horeeyey,”
Mujaahidkii
Naftiisa u
hurey
Xoreyntii
Dalkan iyo
difaaciisa
maanta; inta
iilka gashay
inta ay
sugayeen
midhaha
halganka
qarannimo ee
aynnu
hormoodka u
nahay”.
Sabirkii iyo
Dulqaadkii
wuu midho
dhalay,
Somaliland
waa Dal aan
cidina Iska
indho tiri
karin, lana
yaraysan
karin,
waxaan
idiinku
Bushaaraynayaa
in maanta
aynnu awood
u leenahay
in aynnu
Himiladeenii
gaadhno oo
ahayd:

(photo
courtesy by
qarannews)
In aynnu
dhisno dalka
ugu
wanaagsan ee
gobolkan
illaahay
inagu beeray
ka jira ee
lagu
noolaado,
“Jamhuuriyadda
Somaliland”
waa Dalkayga
aynnu kor u
nidhaahno;
Dhaxal uga
tagno
ubadkeena
iyo kuwa
dhuuxooda ku
jira;
Guddoomiye
iyo
Mudanayaal,
Caalamka
meel kasta
oo aanu
tagno, waxa
lana
weydiiyaa,
idinkoon la
idin
ictiraaf-sanayn,
caawimo
muuqata
aydaan cidna
ka helin, oo
dhaqaale la
taaban karo
aan lahayn,
sidee bay
idiinku
suurto
gashay in
aad qabataan
waxa aad
qabsateen?
Waxa aan ugu
jawaabaa.
“Sirtu waxa
ay ku jirtaa
talada
Shacbigayga,
go’aanka
Shacbigayga,”
waa iga run
oo waxaan
illaahay la
hor tagayo
oo aan
siyaasad iga
ahayn; Sirta
aynnu halkan
ku soo
gaadhnay waa
dhabar
adeygeena,
sabir-keena
iyo ku
adkaysiga
go’aan keena.
Waxa taa
saldhig u
ah, “Ummad
aan Go;aan
lahayn,
ummad jirta
ma aha”;
dawladdo,
hay’ado
badan ayaa
inoogu
sadburiya
waxa aan
qabsannay,
nacabkeenuna
way ka
naxaan.
Guddoomiye,
Shacbiga
Somaliland,
waxaan
maanta u
sheegayaa in
Dimuqraadiyadii
Somaliland
ee da’ada
yareyd,
cadow badan
yeelatay oo
raba in ay
curdin
dhadhiyaan,
waayo maanta
waa aynu isu
soo
dhammaanay
oo
maamulkeenii
Somaliland
oo dhan ayuu
wada gaadhay
dalkeena
xuduud-kiisii;
waxa aan
leeyahay,
waxa aynu
kaga gudbi
karnaa isku
duubnidda
bulshadeena,
wada jir iyo
wada tashi,
foojignaan
oo haddii
aynu is
dhalliilayno
aynu wax isu
reebno,
yeynaan meel
madow isku
gawricin.
Guddoomiye,
waxa inoo
abuurmay
dhaqan
siyaasadeed;
Maamulkii
Somaliland
oo gaadhay
Xuduudihii
qaranka ee
dastuuriga
ahaa;
Kaabayaashii
bulshada
sida
caafimaadka
iyo
tacliinta;
Xoojinta
nabadgelyadda;
Bulshadda
caalamka oo
maanta
tusaale iyo
Miqyaas
Caalamka soo
koraya
inooga
dhigta;
illaahay
waxa aan ka
baryayaa in
aynnu
dhaqaalaheena
gaadhsiino
halka aynnu
Dimuqraadiyadda
iyo
Nabadgalyadda
gaadhsiinay.
Guddoomiye
iyo
Mudanayaal,
warbixintayda
maanta
nuxurkeedu
wuxuu
xambaarsan
yahay
Dulucda
barnaamijkayga
siyaasadeed
ee aan ugu
talo galay
dawga loo
marayo
geediga dib
u dhiska
Qaranka oo
ka kooban
shan qodob
oo kala ah,
sidii aan
hore ugu
ballan
qaaday
maalintii
xilka
Madaxweyne
la ii
dhaariyey,
anigoo
illaahay la
kaashanaya,
wixii ka
qabsoomay
iyo waxa
dhiman:
1- In laga
guuro
siyaasad
beel ku
dhisan oo
loo guuro
Dawlad
Dastuur iyo
kala dambeyn
Xeer ku
dhisan;
2-
Baadi-doonista
iyo Raadinta
aqoonsiga
Qarannimo;
3- Xoojinta
Nabad-galyadda,
fidinta iyo
gaadhsiinta
Maamulka
Goob kasta
oo ka jirta
Xuduudaha
Dastuuriga
ah ee
Qaranka;
4-
Horumarinta
hab-dhaqan
dhaqaale iyo
awood
daadajinta
Maamulka
Xukuumadda;
5- Taaba
gelinta
Garsoorka
iyo
Cadaalada si
loo helo
garsoor tayo
leh oo
dhowra
Xuquuqda iyo
Xoriyaadka
muwaadinka.
Kala Guurka
Siyaasad
Beeleed iyo
Siyaasad
Dastuurku
hogaan u
yahay
Laga soo
bilaabo
1991, intii
aynu la soo
noqonay
Xorriyaddii
Somaliland,
waxa aynu
soo marnay
marxalado
badan oo
taariikhi
ah, waxa
aynu ka soo
gudubnay
caqabaddo
Buuraha ka
baaxad weyn;
waxa se
aynnu
dhamaan isla
garanay in
sida qudha
ee aynnu ku
xaqiijin
karno
himilada
Gooni isu
taageena iyo
madax
banaani
mujtamaca
Caalamku
aqoonsan
yahay ay
tahay in
aynnu
Guntiga
Dhiisha
iskaga
dhigno oo
aynnu
dhammaan u
xaydanno rag
iyo dumar-ba,
ku dalka
gudihiisa
jooga iyo
mid dibad
joogaba, in
la helo
Dawlad
Dastuuri ah
oo sharcigu
ka sareeyo
qof kasta,
iyo sidii
aynu u
yagleeli
lahayn qaran
ay taladiisa
shacbigu
leeyihiin oo
danahooda u
adeega.
Kadib,
Geeridii
Madaxweynaheenii,
Marxuum
Maxamed
Xaaji
Ibrahim Egal
iyo Aftidii
Dastuurka,
waxa aan
qayb u helay
in aan
Go’aanka
Ummadda
Somaliland
aan dhaqan
galiyo,
waxaanan
go’aansaday
anigoo
Illaahay iyo
Shacbiga la
kaashanaya
in aanan
beenayn
Go’aan-kaa
Ummadeed ee
ay igu
aamintay wax
kasta oo iga
hor
yimaada-ba.
Guddoomiye
iyo
Mudanayaal,
waxa aan
halkan uga
mahad
celinaya
Shacbiga
Somaliland
ee aan
la’aantood
aanay suurta
gasheen, ee
ka
qayb-qaatay
Doorashaddii
Golayaasha
Deegaanka
iyo u
tartankii
Xisbinimadda
ee sida
Nabadda ah
ku codeeyey;
iyo
Ururaddii
sida qaabka-san
inoogu
suurta
galiyay
dhaqan
galinta
Qodobka 9aad
ee Dastuurka,
muftaaxii
Hirgelinta
Dastuurka,
kuwii
tartankii
xisbinimadda
ku
guulaystay
iyo kuwii
kale
tartanka ka
qayb galay;
waxa kale oo
aan u
mahadcelinayaa
xubnihii
Guddiga
diiwaan
gelinta,
xubnihii
Komishanka
Qaranka,
Ciidamada
Qaranka iyo
Garsoorka oo
la’aantood
aynu dhaxli
lahayn fidmo
iyo burbur
cusub sida
dalal
Afrikaan ah
ka dhacda,
ugu dambeyn,
qurba jooga
Somaliland
iyo
hay’adaha
Caalamiga ah
ee
Dimuqraadiyada
taageera.
Guddoomiye,
waxa marag
ma doona,
iyadoo rag
badan oo
danaynaya
isku
duubnida
ummadda,
karaan-keena
dhaqaale,
iyo aragtiyo
kale oo
badan oo ka
soo
yeedhaaya,
waxay talo
iigu soo
jeediyeen in
dib loo
dhigo
Doorashooyinka
oo la ii
cusboonaysiiyo,
waxaanse
go’aansaday
in aan ka
diido oo
aanan
dariiqii
Ummadu
doonaysay ka
leexan
maalinna dib
loo dhigin,
sidii bay ku
dhamaatay
anigana la
iigu doortay,
Waxaanan u
mahad
celinayaa
cid kasta oo
u
hogaan-santay,
waa mid
Taariikhi ah
oo lama
illoobaan
ah,
Caalamkana
indhahooda
inoo soo
jeedisay,
waxa ay i
siisay
kalsooni iyo
jihayn in
aanan soo
jeedsan,
seexan oo
aan laba
jibaaro
dadaal iyo
dagaal-ba
sidii aan ku
xaqiijin
lahaa, aniga
oo la
kaashanaya,
xilka iyo
himilada
Ummadu igu
aamintay,
Guddoomiye
iyo
Mudanayaal,
waxa aad
goob joog ka
ahayd in aan
Maxkamadda u
gudbiyey, ka
dib markii
Labada Gole
ay cod
aqlabiyadda
ah 2/3 ku
soo
jeediyeen
Sharci aan
suurto
gelinayn in
Doorashada
Wakiilada ku
qabsoonto
wakhtigii
loogu tallo
galay, isla
markaana loo
cusboonaysiiyo
xubnihii
golaha
fadhiyey
waqtigaa,
ana waxaan u
arkay in ay
caqabad ku
noqonayso
himiladii
ummadda iyo
geedi
socodkii
dimuqraadiyada,
waana ta
suurta gal
ka dhigtay
Doorashadii
Golihiinan
maanta
fadhiya.
Guddoomiye,
Geedi
socodka
Doorashooyin-ku
wax ay
dhammaanteen
iyo Caalamka
u caddeeyeen,
Shacbiga
Somaliland
in uu yahay
Shacbi Bisil
xaga
siyaasada,
kana dhab
tahay Gooni
Isu taaga
Madaxbanaanida
iyo
Qaranimadda
ay doonayaan.
Waxa kale oo
ay beenaysay
sheeka
xumaddii ay
Caalamka
kula
wareegayeen
Somaliland
diidku, isla
markaana,
waxa ay
abuurtay hab
dhaqan
siyaasadeed
oo ay Afrika
dhamaanteed
inagu
milicsato,
kaas oo ah
Kalsoonida
la isugu
hambalyeeyo
natiijadda
Doorashada;
Waxa uu
Caalamku gar
waaqsaday in
ay tahay
ummad iyadu
isku
tashatay,
garaad
siyaasadeed
oo
Qaan-gaadh
ah leh oo
aan
taariikhda
dawladaha
soo koraya
hore loogu
arag.
Guddoomiye
iyo
Mudanayaal,
guushaasi
waa mid
aynnu wada
leenahay (Shacbiga
Somaliland
oo dhan rag
iyo dumar ba,
ku jooga
dalka iyo ku
qurbaha
joogaba),
kaligay maan
dhalin,
hadii aydaan
isku kay
barbar
taagin.
Waxaan si
cad u
xaqiijinay
in aan ummad
kasta
Sooyaalkeeda
taariikheed,
horumarkeeda
iyo
himiladeeda
ka abuuranto
fikirka,
isku
duubnida,
wada tashiga,
is af
garashadda
ay leeyihiin
raga u kaca.
Waxaan hubaa
in ummadeenu
sidii ay
inoogu
taageertay
Doorashooyinkii
hore ay
tanna inoogu
taageeri
doonto,
iyadoo
Doorashadan
ay kaga
duwanaan
doonto,
sidii aan
horeba
halkan uga
ballan
qaaday inaan
dadkeena
diiwaangelino
sida
dastuurkeenu
dhigayo, si
aynu u helno
doorasho
xalaal ah oo
nadiif ah,
oo tirada
dadka wax
lagu
qaybsado.
Doorashooyinkii
hore ee aan
qabanay, waa
kuwa
Qarankeenu
garawshiiyo
kaga helay
Caalamka.
Tijaabaddii
ugu
danbeysay
maanta ayaa
la inagga
eegayaa, in
aynu
walaalaheena
afrikaanka
ah la mid
noqono oo
kursigu ka
qiima
roonaado
Qaranimada
iyo in ay
dimuqraadiyadu
ina
hogaamiso.
Mudanayaal,
waxa lagama
maarmaan ah
in aan is
xasuusino,
mandaqaddan
aan ku nool
nahay ee
cakiran ee
ay ka oogan
yihiin
colaada iyo
qalalaasuhu,
waxaan kaga
badbaadnay
fadliga
ilaahay ka
sokow,
hogaaminta
iyo
siyaasadda
Xukuumadani
ay ku
hagayso
Ummadeeda,
kagana
kasbatay
Jaararkeeda
iyo
Caalamkaba
qadarinta
Xilkasnimo
iyo
Masuuliyadeed
ee ay ka
muujiyeen
sidii loo
waajihi
lahaa,
iyadoo
dhaabato
markasti ay
u ahayd
Xukuumaddu
inay
jaararkeeda
kula
noolaato
saaxiibtinimo
iyo
sokeeyenimo,
waana ta aan
qadarinta
maanta kaga
helnay
Caalamka,
waanan sii
wadi doonaa.
Waxaanu
beesha
Caalamka
innagoo ka
bilaabayna
jaararkeena
sii wadi
doonaa
qarnaqsigeena
ah, in aanu
helno, xaqqa
aanu u
leenahay in
aan ka mid
noqono
Beesha
Caalamka.
Waxaan
maalmahan
maqlayaa
iyadoon
Doorashaba
la gaadhin,
Rag
Mas’uuliyiin
Xisbiyo ah
oo leh
beesha
Caalamkaay,
na soo kala
gaadha,
waxaan
leeyahay
belaayo
beesha
Caalamka aan
ugu yeedhno
oo dalkan ka
taagan ma
jirto.
Bilawgii lix
urur ayaan
ugu
tartannay si
ay uga soo
baxaan
Saddex Xisbi
Qaran, waxa
nasiib u
helay
saddexdaa
Xisbi qaran
in ay
noqdaan
Xisbiyadii
Qaranka,
sharci baana
xaq inoo
siinaya in
aan u
tartanno
Manaasiibta
kala duwan
ee dalkan.
Hadaba, waxa
la yaab leh,
Rag
masuuliyiin
ah oo
Sharcigu
siiyay in ay
u tartamaan
kursiga ugu
qiimaha
badan ee
Dalkan, in
uu u dhaqmo
sidii
Qawmkii Reer
Bani
Israa’iil ee
Quraanka
badhna
akhriyi
jirey badhna
ka tagi
jirey, taas
oo la mida,
Shuruucdu
xaqa ay ku
siisay
badhna in
aad akhrido,
kuwa kalena
aad ka indho
qarsato.
Shuruuc baa
inoo qoran
si cad u
qeexaysa
tubta loo
marayo
Madaxtinimada,
ka baaqsada
in aad
noqotaan
Ashkhaas,
hadba wixii
afkooda ka
soo baxa
iskaga hadla
oo aan
ixtiraamin
sharciga iyo
Ummada
midnaba.
Beesha
Caalamku
illaa 1991,
Koonfurta
Somaliya
ayey u
gurmaneysay,
xaaladda ay
ku sugan
tahayna waad
ogtihiin,
yeesha
kasmadeeda,
Somaliland
waxa ay kaga
duwan tahay
iyo
horumarka ay
maanta
gaadhay in
ay tahay; in
ay tashato,
degsato
Xeerar kala
haga oo
gaadhsiiyey
hannaanka
dimuqraadiyadeed
ee ay maanta
ku
naaloonayso,
laguna
majiiranayo.
Beesha
Caalamku
waxa ay inoo
ballan
qaaddey in
ay ina siiso
taageero
dhaqaale oon
ku maamulano
geedi
socodka
hannaankeena
dimuqraadiyadeed,
sharcina
innooma
sameynayso,
innamana
maamulayso,
horena
saddex
doorasho
ayeynu u soo
qabsanay oo
beesha
Caalamku
gacan ka
geysatay,
iyadoo aaney
innagu
faragelin
shuruucdeena
iyo nidaamka
aynu u
maamulanayno.
Qaylo taagan
maanta ma
jirto oo
idin
dhaafsiisan
idinka, si
xalaal ah
isugu
diyaariya in
aad tartanka
uga
qaybgashaan
oo aad
kasbataan
kalsoonida
shacbiga
idinkoon,
qalalaase
galin,
markastina
waxaan idin
xasuusinayaa
in uu
Sharcigu
yahay ka ugu
sarreeya ee
dalkan lagu
maamuli
doono, qofka
diida inuu
ku dhaqmo
shuruucda
dalka u
taala, wuu
siqiiri
doonaa,
Ummadda
dhexdeedana
maqaam kuma
yeelan doono.
Kursigan
Ummadda
Hogaankeeda
cidduu u
hunguri ka
hayo, waxa
looga baahan
yahay, in uu
yeesho
dhawrsanaan,
dulqaad
ixtiraamidda
shuruucda
iyo inuu
odhaahdiisa
ka baajo
erayo naxli
iyo turxaan
shacbiga ku
noqda oo ay
ka naxaan,
ilaahay ha
idin
garansiiyo
talladaas.
Waxa ayaan
darro aheyd,
laba Xubnood
oo deeq
bixiyayaasha
ka socotay
in mid ka
midi shir
Jaraa’id ku
qabtay
Garoonka
diyaaradaha
markuu uu
dalka ka sii
baxayey,
arrinkaasi
oo ku ah
ceeb deeq
bixiyayaasha
uu ka socda,
innagana gef
innagu ah,
waliba
isagoo u
sheegay
Wasiirka
Arrimaha
Debedda ee
Somaliland,
in uu la
tashi ugu
noqon doono
Deeq
bixiyeyaasha,
arrinkaa
waxaan u
sheegnay
Deeq-bixiyeyaasha,
go’aankii
aanu ka
qaadan
lahayna Deeq
bixiyeyaasha
ayaanu u
dhaafnay
inay ka
abaal
mariyaan
gefkaa uu ku
kacay.
Hadalkiisuna
mid na
khuseeya oo
lagu
dhaqmayo
maaha, balse
shuruucda
dalkani
dejistay baa
lagu dhaqmi
doonaa,
diyaarna
marnaba uma
nihin in
Dalkan lagu
maamulo wax
aan ka ahayn
Shuruucda
iyo
Dastuurka
Qaranka JSL,
Diiwaangelinta
iyo
Doorashooyinkana,
waxa lagu
maamulayaa
Shuruucda ay
soo
gudbiyeen
Golaha
Sharci
dejintu iyo
Dastuurka
Qaranka JSL.
Komiishanka
Doorashooyinka
Qaranka anoo
marar badan
oo hore
idiin
sheegay,
waxaan idin
leeyahay si
mug leh u
barta
Xeerarka
tilmaamaya
xil-gudashadiina
oo kala ah
Xeerka
Doorashada
Dawladaha
Hoose iyo
Madaxtooyada
Xeer Lam,
20/2001 &
Xeerka
Diiwaan-gelinta
Cod-bixiyayaasha
ee Xeer Lam,
37/2007, la
idiinkama
fadhiyo in
aad la
timaadaan
aaraa iyo
talooyin aan
Xeerarka ku
aroorin, ka
baaqsashada
aad ka
baaqsataan
waajibaadka
ku cad
labadaa Xeer,
waxay idin
geyeysiin
doonaan xil
gudasho
la’aan.
Waxana
waajib
idinku ah in
aad u
raacdaan
Xeerarkaas
siday u kala
horreeyaan,
ogaadana in
aad tihiin
Hay’ad Xeer
fullineed ee
aydaan aheyn
Hay’ad Xeer
Dejineed.
Waxaan
Shacbiga
Somaliland
leeyahay iyo
dhammaan
Hay’adaha
dawliga ah
oo ay
goleyaasha
Qaranku
hormood ka
yihiin, waxa
waajib
muqaddas ah
innagu ah ku
dhaqanka,
Dastuurka
iyo Xeerarka
ka farcamay,
taas uun baa
ah ta aan ku
gaadhayno
himilladeena
aan taabo
gelinayno,
waxa nagga
reeban
innagoo
arkayna
Xeerarkii oo
ay cad
yihiin
meesha aan u
marayno
xil-gudashadeena
in aan
maalin
kastiba
warbaahinta
aan ka sii
dayno, “ Waa
Wareey, hala
tashadooy,
ha la isku
yimaadooy,
iyadoo la
iska indha
tirayo
Shuruucda
aan dhiganay
oo waajib ka
dhigaya in
aan ku
dhaqanno”.
Waa gar
wixii
sharciga aan
inoogu
qorneyn in
aan ka
tashano,
balse suura
gal noqon
mayso in
Sharcigii oo
yaala la
iska indho
tiro oo la
yidhaahdo
Maslaxadda
Shakhsigayga
ah kama arko
ee aan tallo
galno, taasi
oo aan u
arko in ay
cay iyo gef
ku tahay
Ummadani
sharciga iyo
Dastuurka ay
samaysatay.
Ummadan inta
aan xilka u
hayo, waxa
aan u ballan
qaaday in
aan ku hago
Dastuurka
iyo
Shuruucda ka
farcantay,
taas oo
qudha ayaa u
noqonaysa
dhaxal kuwa
nool iyo
kuwa
dhuuxeena ku
jira ee
dhalan doona
ay u aayaan.
Waa ta aan
kaga
duwannahay,
Walaalaheena
Koonfureed,
oo sharci ay
sameysteen
oo ay ku
dhaqmaan
maalin qudha
la waayey,
taladooduna
waxay
noqotay
tayda haddii
la yeeli
waayo waxba
jiri maayaan,
oo ay
Asaagood
kaga hadheen.
Somaliland
shacbi iyo
Goleyaasha
Qaranka,
waxa innagu
waajiba in
aan ka
feejignaano
meelna uga
soo wada
jeedsanno,
ashkhaasta
damacoodu uu
ka sarreeyo
Sharciga ay
ummadani
dhigatay,
kalsooni
baan ku
qabaa in aan
shacbiga
cidda
noocaasi u
dhaqmaysa
aanu gacan
siin doonin.
Badbaadadeenu
waa inaan ku
adkaano
Dastuurkeena
iyo
Shuruucda ka
farcantay.
Tartankeenu
sidii
caadada inoo
ahayd Nabad
iyo kalsooni
halagu galo,
si aan u
xaqiijinno
midhaha u
dambeeya ee
guusheena.
Adkeynta
Midnimadda
Qaranka
Somaliland,
Fidinta iyo
Gaadhsiinta
Maamulka
Goob kasta
Guddoomiye
qorshaha
siyaasadeed
ee lagu
ilaalin karo
laguna
xoojin-ayo
midnimadda
Qaranka
Somaliland
iyo
Nabadgalyadda
Muwaadinka,
waxa hagaya
saddex tiir
oo lagama
maarmaan ah
sida:
1-
Muqadasnimadda
Xuduudaha
iyo madax
banaanida
Qaranka
Somaliland;
2- Maamul
fidinta iyo
gaadhsiinta
adeega
bulshada
goob kasta
oo ka mid ah
xuduudaha
Somaliland;
3- Xoojin-ta
Nab-doonaanta
Bulshada iyo
wixii
Qaranka
diintiisa,
dhaqankiisa,
iyo
Dawlad-nimadiisa
waxyeelo u
keeni kara;
Muqadasnimadda
Xuduudaha
iyo
Madaxbanaanida
Qaranka
Somaliland
Guddoomiye,
Dal kasta oo
Caalamka
maanta ka
jira, waxa
ugu horeeya
ee lagu
qiimeeyo
laguna
qadariyaa
sida
maamulkiisu
Xuduudihiisa
u
gaadh-siisan
yahay, wada
jirka
bulshadiisa
iyo is neef
ogolaanshihiisa,
iyo heerka
Nab-doonaanta,
inagana waxa
ay noqotay
mudnaanta
kowaad, ka
dib markii
Xuduudaheenii
lagu soo xad
gudbay.
Aniga iyo
Shacbiweynaha
Somalilandn-a
si gaar ah
noo taabatay,
ka dib
markii aan u
arkay
shacbigaygii
oo badhkii
aanu adeegii
bulshaddu
gaadhin,
lana
gaadhsiin
karin,
haddii si
dhakhso ah
aan wax
looga qaban.
Sidaa
darteed,
waxaan
go’aansady
in wax
kastaba aan
ka
horeysiiyo
sidii taa
loo heli
lahaa, wax
kasta oo
dhacaba,
Illaahayna
wuu nala
grab galay
wuuna noo
suurto
galiyay,
waxa aan
halkan uga
mahad
celinayaa
raggii
hawsha illa
galay oo
qadarin
gaara ah
inaga mudan,
Qof kasta ha
ahaado, qof
reer miyi ah
oo
neef-kiisi
xoolaha u
haneeyay,
qof kasta oo
lacag kaga
qayb galay,
qof kasta oo
eray
wanaagsan
kaga qayb
qaatay, “
Waxaan idin
weydiisanayaa,
Ciidamadii
Qaranka guud
ahaan iyo
Shacbiweynaha
Deegaanka ee
ku naf
waayey, in
aad u
istaagtaan
oo faataxada
u martaan”.
Maamul
fidinta iyo
gaadhsiinta
Adeega
Bulshada
goob kasta
ku nool
Guddoomiye,
waxa aynu
sanadkii ina
dhaafay
maamul-keenu
gaadhay
dalka
Xuduudihiisa,
shacbigii
Somaliland
ee lixdankii
xorriyaddiisa
marin
habowday wuu
dhan yahay,
waanu wada
joogaa,
waxaanu
inaga
sugayaa in
aynu nabad
ku
gaadhsiino
himilada ay
inagu
aamineen,
raga aan la
hadlayaa waa,
Xubnaha
Goleyaasha
Qaranka,
hogaamiya-yaasha
Xisbiyada
Qaranka iyo
raga leh
damac
siyaasadeed.
Bulshada ku
nool
Gobollada
Sool iyo
Sanaag Barri,
wax la
sheegi karo
oo buuran
uma aanu
fidin, balse,
waxa aan
qaraar ku
gaadhay in
aan mudnaan
gaar ah
Miisaaniyadda
Sanadkan ka
siiyo, sidaa
darteed,
waxa aan
idinka
codsanayaa
in la igu
taageero
sidii aynu u
soo
gaadhsiin
karno
heerarka
Gobollada
kale ee
Qaranku
gaadhsiisan
yihiin,
xagga
tacliinta,
caafimaadka,
iyo adeega
bulshada ee
kale oo ay
ugu horeyso
biyaha
macaan ee
dadku cabo,
iyadoo
dhawaan aan
Caasimadda
Gobolka Sool
ee
Laascaabood
gaadhsiinay
5 (Shan)
Mishiin oo
biyaha
qadhaadh
sifeeya una
badela kuwa
macaan, inta
biyo macaan
laga soo
saarayo,
iyada oo
mashruucaas
ay fulinayso
Hay’adda DRC
iyo
Wasaaradda
Macdanta iyo
Biyaha ee
Dalku.
Guddoomiye,
Bishii
lixaad ee
Sanadkan,
waxa aynnu
ansixinay
Xeerkii is
Maamulka
Goboladda
iyo
Degmooyinka
oo aan idiin
soo gudbiyay
19/12/06,
anigoo
tixgelinaya
qaab
dhismeedka
dastuuriga
oo inagu
waajibiyay
awood
daadajinta
maamulka
Xukuumadda,
baahida loo
qabo fidinta
maamulka iyo
gaadhsiinta
adeega
bulshada
goob kasta
oo qaranka
ka mid ah;
Anigoo
dhaqan
galinaya
Qodobodda
Xeerkaa,
waxa aan
Go’aan
Madaxweyne
ku soo
saaray, lix
gobol oo
kale sida
Salal,
Gabilay,
Oodweyne,
Buuhoodle,
Saraar,
Badhan, iyo
16 degmo oo
cusub.
Waxa aan
maqlaa
hadalo badan
oo ka soo
yeedhay
siyaasiyiinta
qaarkood,
waxa aan
leeyahay waa
waajib
Dastuuri ah
oo uu
Madaxweynaha
u xil saaray
in uu
Maamulka la
daadajiyo,
qof kasta oo
Muwaadin
ahna
hal-kiisa ku
gaadhsiiyo.
Hadaba,
Su’aasha
waqtiga,
waxaan idiin
sheegayaa in
haddii
bulshadu
aaney isu
dhammeyn,
lama fulin
karo; ka dib
markii aynu
gaadhnay
xadkii
Qaranka,
waxa waajib
noqotay in
la fuliyo
codsiyadii
shacbiga;
walaalayaal,
Dalka
Somaliland
waa dal
ballaadhan,
sida qudha
ee adeega
bulshada
muwaadin
kasta lagu
gaadhsiin
karaana waa
maamul fidin
si uu qofku
haddii uu
Maxkamad,
dhakhtar,
tacliin iwm,
u baahdo,
waa in uu
meel u dhow
ka heli karo,
waxa aan ka
codsanayaa
bulshada
degan
Gobollada
iyo
degmooyinka
Cusub inay
ku dadaalaan
sidii ay u
taabo gelin
lahaayeen
maamula-dooda,
iyagoo
tixgalinaya
qodobada
Xeerka
Gobollada
iyo
Degmooyinka.
Xoojinta
Nab-doonaanta
Bulshadda
iyo wixii
Qaranka
Diintiisa,
Dhaqankiisa
iyo Dawlad-
nimadiisa
waxyeelo u
keeni Kara;
Haddii aan
si kooban
uga hadlo
arrimaha
Nabadgelyada
dalku waa
aasaaska
nolosha
aadamaha,
Dalna wax
horumara
kuma
talaabsan
karo haddii
aanay nabadi
jirin. Waa
wax Ilaahay
loogu mahad
naqo inuu
dalkeenu
maanta ku
sugan yahay
nabadgelyo
aad u heer
saraysa oo
aynu ka mid
nahay
dalalka
Africa ugu
nabad
gelyada
fiican.
Africa iyo
Adduunka
kale ma
jirto meel
ay Lacagta
iyo Dahabku
suuqyada
wadhan
yihiin,
taasi waxay
ku timid
dedaal badan
oo ay
Xukuumadda,
Hay’adaha
nabadgelyada
u xilsaaran
ee Ciidamada
Qaranku kow
ka yihiin,
madax
dhaqameedyada
iyo
dadweynaha
Somaliland
ee nabadda
jecel ay
ammaanteeda
leeyihiin.
Sannadkii
ina dhaafey
ee 2007,
waxa aanu
dhamaystirnay
Siyaasadda
Nabadgelyada
ee Qaranka
oo aanu
mudnaanta
siinay
dhaqan
gelinta :
1. Dhismaha
Ciidamada
Nabadgelyada,
sida
Ciidamada
Xeebaha;
Tababarka
iyo Tayeynta
Hawlgal-kooda,
2. La
dagaalanka
falal-ka
Argagaxa leh
iyo
Argagixisada.
Baadi-doonista
iyo Raadinta
Aqoonsiga
Qarannimo"
Ayuu
khudbadiisa
ku soo
gebo-gabeeyay
Madaxweynaha
Qaranku.
Cabdiqani X.
Baynax
Saylac
Office/Hargeysa
Somaliland
|