Magacaantii Guddiga Anshaxa
doorashooyinka oo baaq ka soo saaray ..April,17,2008
Hargeysa (Saylac.com)- Guddida Anshax dhawrida ee
Komshanka doorashooyinka Qaranka, ayaa ugu baaqay
Xukuumada iyo Xisbiyada Qaranku in ay ka dhawrsadaan
waxyaabaha meel ka dhaca ku ah anshaxa suuban ee
bulshada reer Somaliland ku caano-maashay.
Guddiga oo shalay kulan la seeshay Madaxda
Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxay soo saareen
Warsaxaafadeed kooban oo ku wajahan dhinacyada
siyaasada. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa
sidan:
“Guddiga Anshaxa iyo kormeerka doorayshooyinku ka
dib marku maanta kulan la yeeshay Saxaafada
Madaxa-banaan iyo ta dawliga ah, kalana tashaday
arrimaha socda waxa u ku baaqaya:
1- Waxay dhamaan Axsaabta iyo Masuuliyiinta ku
wargelinayaa in aanu wali furmin ololahii
doorashooyinka sidaa darteedna ay ka reebanaadaan
arrimaha la xidhiiidha olalaha.
2- In masuuliyiinta Xukuumada, Axsaabta iyo
Golayaashu ay dhawraan ilaaliyaanna wixii dhaawac u
gaysanaya dhaqanka, xurmada, nabadgalyada iyo
deganaanshiiyaha dalka.
3- In warbaahinta dawladda iyo ta gaarka ahiba ay
illaaliyaan wixii wax yeelaynaya anshaxa Saxaafadda.
4- In shacbigu aanay ku dhex milmin aflagaadada iyo
cayda waayadan dambe soo ifbaxday.
5- In Saxaafaddu kalinteedii iyo xilkeedii dhex
dhexaadnimo ay xiligan xasaasiga ah ay ilaaliso.
6- In dib loo soo nooleeyo anshaxa Saxaafadda ee
xiliga doorashooyinka, abuuritaanka
Xaaladaha jaahaawareerka ku abuuraya shacbiga reer
Somaliland .
1- Aadax Baxnaan Xirsi, Guddoomiye,
2- Xuseen Cali Nuur,
3- Pr. Axmed Maxamed,
4- Yaasiin Maxamed Axmed,
5- Dr. Yaasiin Ibraahim Magan,
6- Dr Aadan Yuusuf Abokor,
7- Nuur Axmed Ibraahin,
8- Aadan Xirsi Suge,
9- Rashiid Sheekh Cabdillaahi,
10- Saado Xaashi Cawil,
11- Hodan Maxamed Jaamac,
12- Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Dheeg),
13- Maxamed Cabdi-raxmaan Qamariye,
14- Jaamac Maxamed Axmed iyo
15- Cabdi-qaadir Cali Xasan.
Cabdiqani X. Baynax
Saylac.com / Hargeysa/ Somaliland
|