| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs


Wakiillada: Doodii wax-ka-bedelka xeerka doorashada Dawladaha Hoose ee Somaliland.
April,07,2008

Hargeysa(Saylac.com)Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigii shalay ka dooday mooshin 27- mudane soo dhigeen Golaha oo nuxurkiisu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo xeerka Doorashooyinka dawlada hoose oo Guurtidu dib ugu soo celisay Wakiilada, Islamarkaana lagu meel mariyay lagu in liis lagu xulo xubnaha golayaasha deegaanka u ordaya.

Doodan oo ay ka qaybgaleen ilaa toban Mudane, Islamarkaana maanta ka sii socon doonta Golaha waxa mudanayaashii ka qaybgalay ka mid ahaa. Xildhibaan Xaashi Xuseen Cabbi oo ku dooday “Innagu (Gole Wakiilo ahaan) dariiq baynu jeexnay iminka oo ah doorasho, Guurtidu way innagu soo celisay. Guurtidu waxay inoogu soo celisay inay dib inoo celiso ayay doonaysaa. Waayo, Guurtida xageeda doorasho waa ka xaaraan. Waxay doonayaan inay gurigii aynu ka soo guurnay dib inoogu celiyaan. Dood badan uma baahna caqli bay u baahan tahay, waa inaynu mooshinkan iyo qaar la mid ahba ku badbaadinaa dalka iyo dadka.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka qayb qaatay doodan ayaa isagana waxa hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi. “Dadku meel ay u raacaan codkoodii waa inay helaan. Waxay ku tahay xisbiyada mudaro, waxay ugu tahay waxa weeye waa inuu qofku xuquuqdiisa toos u helaa, waa inuu raadsado codkiisa, oo uu ku soo baxo awood dhab ah, cod dhab ah oo uu helay oo uu dadku siiyay. Laakiin, liiska markay noqoto xisbiyada waxay ku tahay mudaro, xuquuqda muwaadinkana dhib wayn bay ku tahay,” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan ayaa isaguna ku dooday “Hadii uu liisku sidii hore nqodo intaan doorashaba la gaadhin, ayaa waxa soo baxaya natiijadii 90% marka nin lagu qoro liiska. Kow ama Laba subaxaa waxa weeye Xildhibaan markaa doorashada sabab loo qabanayaaba ma jirto, marka liisku soo baxo ayay doorashada Golaha Deegaanku dhamaanaysaa. Markaa, hadii liisba laga dhigayo hala yidhaahdo xisbiyadow soo magacaaba, oo kharashkan diiwaan-gelinta waxaas oo dhan ha layska daayo, hadiise doorasho la samaynayo waa inay doorashadu toos noqotaa. Sideenaas oo kale waa in la qaanabaa qof la soo doortay, qof aan la qaandhabayn oo aan cidi daba socon waa inaynu waayo-aragnimadii hore aynu ku tashanaa. Axsaabtu waxay xaq u leeyihiin inay wax sharaxaan. Laakiin, xaq uma laha inay wax doortaan, dadka ayaa xaq u leh inay doortaan dadka xukumaya. Waxaan leeyahay waa in aan doorashada deegaanka liis dambe lagu celin, waana qayra dastuuri, haddii liis la sameeyana ay dulmi tahay.”

Inta badan mudanayaasha ka qaybgalay doodani isku mawqif ayay iska taageen arrintan,

Xildhibaan Axmed Ducaale Daahir ayaana ka mid ahaa mudanayaasha ka qaybgalay dooda oo aan wax badan kaga duwanayn xildhibaada ka horeeyay waxana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi. “Liisku doorasho maaha. Markii hore ee liiskan la samaynayay waxaan qabaa in loogu talo-galay in xisbiyadu ku kala baxaan, ee dad looma dooranayn, xisbiyo ayaa loo dooranayay.

Maanta xisbiyadii way jiraan, waxaana loo baahan yahay qofka la dooranayaa inuu cid metelo oo uu cid wakiil ka yahay. Ninka liisku yuu wakiil ka yahay? cid ama xisbi uu wakiilka ka yahay midna ma jiro. Markaa, waxaynu u baahanahay nin la soo doorto oo cid ka wakiil ah.”



Cabdiqani X. Baynax
Saylac.com / Hargeysa/ Somaliland

 



 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com