|
|
 |
|
| |
Barakac xooggan oo maalintii
2-aad ka soconaya qeybo ka mid ah Muqdisho ka dib
markii ay sii kordheen duqeynta lala beegsanayo
xaafadahooda.Sept,23,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Barakac baahsan oo hor leh
ayaa maalintii labaad laga dareemayaa qeybo ka mid
ah Magaalada Muqdisho, taasi oo ka dambeysay duqeymo
iyo dagaalo saacadihii la soo dhaafay gil gishay
Xaalada dadka reer Muqdisho.
Waxaa maalintii labaad ka soconaya qeybo ka mid ah
magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka H/wadaag,
Hodan iyo Wardhiigley barakac aad u xoogan oo ay
sameynayaan mowjado dadweyne ah oo ka mid ah kuwii
xaafadahaasi ku noolaa, iyagoo ka cararaya duqeynta
joogtada u noqotay deegaanadooda ee ay geysanayaan
ciidamada Dowlada TFG-da iyo kuwa shisheeye ee jooga
magaaalada Muqdiso kuwaasoo 24-kii saac ee ugu
dambeeyey geysatay dhimashada iyo dhaawaca dad isu
geyntooda ay ka badan tahay illaa 150 ruux.
Dagaalada iyo duqeymaha ka dhacay Magaalada ayaa sii
kordhiyay barakaca dadka oo markii hore Muqdisho ay
ka qaxeen dad ku dhow Hal Malyan, kuwaasi oo ku dac
dareysan Duleedyada Muqdisho.
Xaafada Tookiyo iyo shanta geed oo ka tirsan Degmada
H/wadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu arkayay
dadweyne fara badan oo gawaari ku daabulanayay
alaabtooda, halka kuwa kale oo ahaa dad dan yar ah
ay alaabadooda ku raranayeen Gaari Dameero.
Barakacan maalintii labaad ka jira gudaha magaalada
Muqdisho ayaa ka dhashay duqeyn shalay ilaa habeen
hore ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho taasoo ay
ku dhinteen in ka badan ilaa 30-qof oo dad rayid ah
kuwaasi oo ay madaafiic ku haleeshay gurayahooda iyo
goobahooda ganacsi, waxaana dadka degan magaalada
Muqdisho ay u muuqdaan kuwa isku diyaar gareynaya
barakac labaad oo ay kaga cararaan guryahooda oo ay
dib ugu soo laabteen kadib markii ay u adkeeysan
waayeen hoos jiifka geedaha hoostooda.
Xoogagga Al-Shabaab oo saaka howlgalo burcad sifeyn
ah ka fuliyey wadada isku xirta degmooyinka Afgooye
iyo Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose..Sept,23,2008
(Afgooye:Saylac.Com)- Waaberigii saaka ayaa Xoogaga
Al-shabaab oo ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka
horjeeda Dowlada TFG-da iyo joogitaanka ciidamada
shisheeye ee dalka waxay howlgalo burcad sifeyn ah
ka sameeyeen wadada isku xirta degmooyinka Afgooye
iyo Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose.
Sida wararku ay sheegayaan xoogaga Al-shabaab ayaa
qaaday labo jidgooyo oo yiilay meelo isku dhow oo ka
wada tirsan deegaanka War maxan ee gobolka Sh/hoose,
iyadoo aysan halkaasi wax shaqaaqo ah ka dhicin,
waxaana ku sugnaa labada jidooyo maleeshiyooyin
beeleed deegaanka ah oo gaadiidka wadadaasi isaga
goosha kaga qaadan jiray lacago baad ah, iyagoo
digniina ku siiyey haddii ay mar kale ku arkaan
halkaasi iney talaabo aad u xooggan ka qaadi doonaan.
Howlagalkani ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay
dadka wadadasi ku safra iyo wadayaasha gaadidka
isaga kala goosha gobolada K/Soomaaliya waxana sakay
guud ahaan lagu arag wax jidgooyo ah oo halkasi
yaala marka laga reebo labo Jidgooyo oo maamulka
gobolka Sh/hoose ay u yaalan wadada isku xirta
Degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.
Suuqa
Bakaaraha oo saaka howlihiisa ganacsi hal lug ku
taagan yahay.
Sept,23,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa
ugu weyn ee ganacsiga Koonfurta iyo Bartamaha
Soomaaliya ayaa saakay howlihiisa uu yahay mid aan
caga badneyn, kadib markii duqeyn shalay suuqa loo
geystay ay dad badan ku le'deen
Barqanimadii maanta ayaa waxaa gabi ahaanba xirmay
Ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha iyadoo dadkii ku
sugnaa ay mar qura ka carareen kadib markii ay
maqleen in garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay
kusoo wajahan tahay diyaarad taasoo ay ka baqeen
haddii la duqeeyo Garoonka in ay dhacdo wixii shalay
dhacay oo kale.
Inkastoo Jawiga suuqa yahay mid degan, hadana dadka
ayaa wali ah kuwo usoo sawirmaya xaaladihii murugada
lahaa ee shalay ka dhacday Suuqa, taasoo uu suuqu
isku bedelay mid dhiiga ay wadooyinka qul qulayaan.
Madaafiicdii shalay lagu asqeysiiyay Suuqa Bakaaraha
ayaa waxaa ay geysteen dhimashadii ugu faraha badnaa,
waxaana suuqa ku dhintay dad ka badan 30-ruux oo
isugu jiray ganacsato iyo dad iyagu suuqa usoo
dukaameysi tagay.
Ganacsatada ku ganacsata Suuqa Weyn ee Bakaaraha
ayaa waxa ay sheegayaan in caqabad hor leh ay
kunoqotay Ganacsigooda duqeymaha ay u geystaan Suuqa
Bakaaraha Ciidamada AMISOM kolka la weeraro
fariisimahooda.
Ganacsatada ayaa sheegtay in xittaa hadii la duqeeyo
Fariisimaha AMISOM aysan jawaabtooda noqon mid ku
habsata shacabka maadaama ay ku yimaadeen dalka
dariiq Nabad ilaalin ah.
Xilliyadan oo kale waxaa uu Suuqu ahaa mid aad u
camiran, mana ka muuqan u diyaar garowga ciida oo
xilliyadii hore aad looga dareemayay, isla markaana
dad aad u fara badan ay ka dukaameysanayeen, waxaana
dadka ay ahaayeen kuwo wali dhagahooda ku soo
dhacaya dhacdadii xanuunka Badneeyd ee loo geeytay
suuqa iyo dadka ku sugnaa in ay maanta ku soo
laabato..
Si kastaba ha ahaatee Suuqa Bakaaraha ayaa
bartilmaameedka 1-aad u noqday dagaalada iyo
duqeymaha ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana tan
iyo markii Ciidamada Ethiopia ay Taangiyad la soo
galeen Magaalada Muqdisho sanadkii hore caado
noqotay duqeymaha loo geysto Suuqa.
Dadka
Muqdisho oo Maalintii 3-aad ku waabariistay daryanka
madaafiicada iyo dagaalo xoogan...Sept,23,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Xoogaga Maxkamada Islaamiga
Soomaaliyeed ayaa waabarigii saakay ku qaaday dagaal
xoogan Ciidamada Dowladda TFG-da iyo saaxibadood
Ethiopia oo fariisimo adag ku leh qeybo ka mid ah
Degmada Yaaqshiid, halkaasoo ay saacado ka dhacayeen
Dagaal toos ah.
Dagaalkan ayaa ku bilowday Madaafiic ay Xoogaga
Maxkamada Islaamiga la abaarayeen Xarumaha ay
Ciidamada degan yihiin, waxaana Ciidamada
isbaheysanaya ay dhankooda ku jawaabayeen Madaafiic
dhawaqooda laga maqlayay Magaalada inteeda kale.
Afhayeenka Maxkamadaha dhanka Howlgalada Sheekh C/raxiin
Ciise Caddow ayaa saxaafada uga warbixiyay
Dagaaladaas, waxana uu sheegay in Maxkamadaha
Islaamka ay ka dambeeyeen Dagaaladaas, waxaana uu
qeexay in dagaalka ay ku qaadeen goobo ay degan
yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo ay ka
dileen ciidamo farabadan isla markaana dhankooda
usan wax qasaare ah soo gaarin.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka in dagaalada ay saf
ballaaran ahaayeen, wuxuuna carabaabay in dagaaladu
ka socdeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid waxana
fariisimaha ay ku qaadeen weerarka ka mid ah
Isgooyska Towfiiq, Miisaanka Dhuxusha, Labaajada
Mahad Alle iyo Cisbitaalka Carafaad oo dhamaan
fariisin u ah ciidamada Dowlada TFG-da iyo kuwa
Ethiopia.
Sheekh C/raxiin ayaa intaa ku daray in dagaalka ku
bilowaday madaafiic ay ku garaaceen xarumaha
ciidamada ay ku suganaayeen isla markaana u isku
badalay dagaala fool ka fool ah sida uu yiri.
"Waxaan dagaalka ku dilnay tiro askar ah oo ka mid
ahaa cadawga iyo daba dhilifyadooda, anaguna wax
dhibaato ah nama soo gaarin"ayuu yiri sheikh C/raxiin
Ciise Cadoow
Xaalada halka ay dagaalada ka dheceen saakay ee
degmada Yaaqshiid ayaa dagan waloow Cabsi ay la soo
dersitay dadka Farakutiriska ah ee ku haray
xaafadahaasi ee uu waqtiga u saamixi waayay in ay
isaga barakacaan Deegaanadooda.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia |
|
|