| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dagaalo xoogan oo qasaare Dhimasho iyo Dhawac dhalisay oo Ciidamada Dowlada TFG-da iyo Kuwa Tirgeega oo isku dhan ah iyo Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga...0ct,06,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Waxaa gebi ahaanba maanta uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Suuqa Degmada Huriwaa, halkaasoo barqanimadii maanta ay is rasaaseyn ku dhex martay Ciidamada Dowladda TFG-da iyo kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah iyo xoogaga Maxkamadaha Islaamiga.

Is rasaaseynta oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ayaa la sheegay inay timid markii ay gudaha usoo galeen Suuqa Huriwaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia waxaana iska caabin kala hortagay xoogaga Maxkamadaha islaamiga.

Ciidamada Dowladda TFG-da ayaa la sheegay inay dhac iyo boob u geysteen Goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Huriwaa xiliga uu dhamaaday iska hor imaadka, waxaana Ciidamada ay jabsadeen Dukaamo kala duwan kuwaasi oo alaabo ganacsi ay kala soo baxeen.

Dagaalkani oo socday qadar Daqiiqado ah ayaa waxaa uu dhaliyay Geerida 1-qof oo haween ah iyo dhawaca 5-ruux oo rayid ah kuwaasi oo rasaasta ay ugu tagtay gobo ka baxsan halka lagu dagalamayay.
Afhayeenka dhanka howlagalada xoogaga Maxkamadaha Islaamiga ee dhanka Howlagalada Shiikh C/raxiin Ciise Cadoow oo shabelle uu waramayay ayaa sheegay in dagalkaasi ay iyagu ka danbeeyeen isla markana ay illaa 8-madfac ay ku rideen goobta ay ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ay ku sugnaayeen isla markana u ka soo gaaray qasaare ayna awoodi waayeen in ay iska caabiyaan xoogaga Maxkamadaha.

Shiikha ayaa sheegay in wax dhibaato ah uusan ka soo gaarin wax dhibaato ah waxana uu faray dadka ay dhibaatada u geysteen ciidamada iskaashanaya in ay sabirka kaashadaan


Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in sidoo kale uu iska hor imaad xoogan uu goor dhoweyd ka dhacay Warshadii Xeyla Bariise oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, waxaana halkaas Kooxaha Hubeysan ku weerareen Gantaalada garabka laga rido iyo qoryaha fud fudud.



Wafdi Caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobey oo maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar. .0ct,06,2008
(Jowharo:Saylac.Com)-Wafdi ballaaran oo ka socda Qaramada Midoobey ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar, waxaana wafdigan ay kulamo kula qaateen Magaalada Jowhar Maamulka Midowga Maxkamadaha ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdigan oo ka kooban Lix Xubnood ayaa waxaa horkacayay Christian Balslev oo ah Madaxa UNICEF Soomaaliya, waxaana ay kulamo kula yeesheen Magaalada Jowhar Saraakiil ka socotay Hey'adaha Sama Falka iyo Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha.
Madaxa UNICEF ee Soomaaliya Mr Christian Balslev ayaa ugu mahadceliyay Maamulka Maxkamadaha sida wanaagsan ee ay u sugeen amaanka Magaalada iyo guud ahaan Gobolka, isagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan Qaramada Midoobey.

Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Magaalada Jowhar Sheekh Daahir Caddow Calasow ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Hey'adaha Qaramada Midoobey, isagoona ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarinta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shiikh Daahir Cadoow Calsoow waxaa sidoo kale uu sheegay in ay ka wada hadleen labo arimood oo ay ugu muhiimsan tahay sugida ammaanka Shaqaalaha QM iyo sidii shaqaalahaasi ay adeegyada u hayaan Bulshada ay halkasi uga fulin lahaayeen halkaasi.

Wafdigan ayaa ah kii u horeeyay ee ugu sareeya ee soo gaara Magaalada Jowhar tan iyo markii horaantii sanadkan ay Magaaladaas la wareegeen Kooxaha Maxkamadaha islaamka, waxaana Wafdigan uu isla maanta dib uu ugu laabtay Magaalada Nairobi oo markii hore ay ka yimaadeen


Wafdigan ayaa noqonaya kii labaad oo Magaalada soo gaaray, waxaana muddo labo bilood ka hor Magaalada soo gaaray Wafdi ka socda Laamaha Ammaanka Qaramada Midoobey, kuwaasoo u kuur galayay xaaladaha amaan ee gobolka.



Hay'ada Xuquuqul Aadan Human Rights Watch oo sheegtay in dagaaladii ugu dembeeyay ay ku barakaceen dad rayid ah isla markana lagu burburiyay Magaalada Muqdisho. .0ct,06,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Hay'ada Xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxa ay sheegtay in dagaaladii ugu dembeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho lagu bur buriyay magaalada islamar ahaantaana lagu barakiciyay dad rayid ah.

Hay'adda Human Rights Watch ayaa war bixinta ay soo saarty waxa ay ku sheegtay in dagaaladii ugu dembeeyay ee ka dhacay gudaha magalada Muqdisho ay wax yeeleen dad rayid ah balse hay'ada ma sheegin tirada dadka ee ku wax yeeloobay dagaaladii ugu dembeeyay ee ka dhacay Gudaha Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in caalamka uu la yaaban yahay xaalada Muqdisho oo maalinba maalinka ka dembeya ay ka sii darteyso xaalada Muqdisho islamarkaana dhinacyada isku haaya Muqdisho looga baahan yahay in ay ilaaliyaan dadka shacabka ah ee wax yeelada ay soo gaareyso hardanka u dhexeeya garabyada isku haya Siyaasada Soomaaliya.

Hay'ada Xuquuqul aadan ayaa sheegtay in habeen kasta caasimada Muqdisho lagu arko iftiinka madaafiicda nuucyadeeda kala duwan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Shisheeye iyo ciidamada Dowlada TFG-da oo dhinaca ah iyo xoogaga kacdoonka Muqdisho.



Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ugu baaqay Kooxaha Islaamiyiinta ee u kala baxay dhowrka firqo inay midoobaan 0ct,06,2008
(Riyadh:Saylac.Com)-Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ahaa maalgeliyihii Maxkamadihii Islaamiga ee ka hana qaaday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka Baaxada leh ee soo kala dhex galay Maxkamadaha Islaamka, taas oo keentay inay u kala baxaan dhowr firqo oo kala duwan.

Ganacsade Xaaji Abuukar oo ku sugan Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in Kooxaha Islaamiyiinta ee u dagaalamaya dalka sidii looga saari lahaa Cadawga inay xilligan dhowr firqo kala noqdaan,

"Waxaan ka codasanaayaa qolyaha Islaamiyiinta ah ee u dagaalamaya sidii dalka looga saari lahaa cadawga inay joojiyaan firqooyinka faraha badan ee ay u kala baxeen, waxaana u jeedinayaa inay midoobaan si aan cadowgooda ugu farxin kala jabkeena"ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo u waramayay Mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Xaajiga ayaa sheegay in xilligii Maxkamaduhu ay heysteen dalka ayna wanaagstahay xaaladda, balse haatan uu yahay xaalku mid laga naxo, isagoo soo qaatay dhibaatooyinka faraha badan ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayay arrimaha Shirka Dib u Heshiisiinta Dowladda iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa wuxuu sheegay inuu taageerayo hadii wanaag lagu helayo.

Xaaji Abuukar ayaa sidoo kale ku tilmaamay dagaalada ka socda Muqdisho iyo Gobolada Dalka inay xaq tahay, isagoo xusay in qaran kasta haddii la soo weeraro ay waajib tahay inuu is difaaco.

Sidoo kale Xaaji Abuukar Cumar Cadaan waxa uu sheegay in loo baahan yahay in mar kastaba laga fekero danta shacabka, wuxuuna sheegay in xirnaanshaha garoonka diyaaradaha aysan wax dan ah ugu jirin shacabka.

"Waxaan ka codsanayaa kooxihii xiray garoonka diyaaradaha inay dib u furan, maadaama ay ku jirto danaha shacabka" ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo sheegay in loo baahan yahay mar kastaba in laga shaqeeyo danaha shacabka iyo sidii loo ilaalin lahaa midnimada.

Hadalka Xaajiga oo udub dheexaad u ahaa Nidaamkii Maxkamadaha Islaamka ee ka hana qaaday dalka ayaa ku soo beegmaya xilli Gudaha Dalka Soomaaliya ay ka jiraan Kooxo Islaamiyiin ah oo firqooyin kala duwan u kala baxay, kuwaasi oo mad madow u dhaxeeya, hase ahaatee ay isaga mid yihiin dagaalada ay kaga soo horjeedaan Ciidamada Shisheeye iyo Dowladda TFG-da



Sheekh Shariif oo sheegay in xabad joojinta lagu gaari karo oo kaliya marka ay ciidamada Ethiopia ka baxaan dalka Soomaaliya...0ct,06,2008
(Makka:Saylac.Com)-Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal ku jooga Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay halka uu marayo Wada hadalada Dowladda iyo Isbaheysigiisa u socda, waxaana uu sheikha cadeeyay inaan wali la gaarin xabad joojin buuxda.

Sheekh Shariif oo Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u jooga gudashada Waajibaadka Cumrada ayaa tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo wada hadalada Jabuuti ee ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey.

"Aragtida Isbaheysiga Markii hore wuxuu ahaa Xoog iyo Wada hadalba, hada wada hadalba baa socda, laakiin wali Xabad joojin buuxda lama gaarin"ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa ku daray in markii hore ay ahaayeen awood maquunin, haatanse markii ay dhibaatadu sii daba dheeraatay ay doonayaan in wada hadal la bilaabo.

Waxaa uu sheegay Shariifka in Xabad joojinta lagu gaari karo is faham dhex mara Gudiyada Ammaanka ee Isbaheysiga iyo Dowladda, waxaana uu tibaaxay in xabad joojinta ay suura geli karto markii ay iyana baxaan Ciidamada Ethiopia eek u sugan guda dalka Soomaaliya.


Sheekh Shariif oo hadaladiisa laga dheehanayay is bedel dhinaca mowqifka kadib markii uu horay u sheegi jiray in xabad joojin la gaaray, waxaana uu hadalkiisa u muuqdaa mid cadeynaya in heshiisyadii ay horay u kala saxiixdeen Dowladda TFG-da iyo Isbaheysigiisa uu yahay mid aan dhameystirneyn.





Max'ed Ibraahin Raage



Saylac.com Muqdisho Somalia
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com