|
|
 |
|
| |
Waxaa dagan Xaalada Degmada
Dharkeenley, kadib dagaal daba socotay Duqeyn oo
saakay halkaas ka dhacay.
.0ct,05,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Xaalada Degmada Dharkeenley
ayaa degan kadib dagaal iyo duqemo saakay halkaas ku
dhex maray Ciidamada Dowladda oo ay taageerayaan
kuwa AMISOM iyo Xoogaga Al-shabaab, kadib markii ay
Diyaarad soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha la
weeraray.
Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka, Xaalada
qeybo ka mid ah Degmadaas ayaa ah mid dagan,
inkastoo ay ka jiraan dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog
leh, oo ay wadaan Ciidamada Dowladda TFG-da oo soo
gaaray halkaasi.
Mid ka mid ah Dadka deegaanka oo codsaday inaan la
magac dhabin ayaa sheegay in dagaalka halkaas ka
dhacay uu ka dambeeyay Madaafiic laga tuuray Degmada
Dharkeenley, taasoo lala eegtay Garoonka Diyaaradaha,
xilli ay fadhiday Diyaarad u socotay Ciidamada
AMISOM, waxaana markaas kadib si toos ah u bilowday
dagaalo iyo duqeymo la is weydaarsanayay.
Afhayeenka Ciidamada Booliska C/llaahi Xasan Bariise
ayaa nasiib daro ku tilmaamay in goobo shacab degan
yihiin Madaafiic laga tuuro, hase ahaatee waxaa uu u
mahad celiyay dadka deegaanka oo uu sheegay inay ku
soo wargeliyeen in Kooxo ay halkaas Madaafiic ka
tuuri rabeen.
"Ciidamada Booliska waxaa lagu soo wargeliyay Kooxo
damacsanaa inay Madaafiic ka tuuraan Dharkeenley,
Booliskana waa uu ka hortagay"ayuu yiri Afhayeenka
Booliska C/llaahi Xasan Bariise.
Dagaalkii saakay iyo duqeyntii daba socotay ayaan la
ogeyn ilaa iyo hada qasaaraha ka dhashay, hase
ahaatee xiriir aanu la sameynay Cusbitaalka Madiina
waxaa la dhigay dhaawacyada ilaa 2-ruux oo ku soo
dhaawacantay Madaafiic ay Ciidamada AMISOM kaga
jawaabayeen kuwa lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha
Qeybo ka mid ah Degmooyinka wada jir iyo
Dharkeynleey oo dadkii deganaa ay saakay ka
barakacayaan. .0ct,05,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Dadkii deganaa qeybo ka mid ah
degmada Dharkenleey ayaa waxa ay bilabeen in ay ka
barakacaan xaafadaha ay degananyeen kadib markii
ciidamada AMISOM shalay iyo saakay ay ku garaaceen
madaafiic aan loo meel dayin.
Goobaha ay sida aadka ah dadku ugu barakacayaana
ayaa ah degmada Dharkeynleey iyo xaafadaha kuteedsan
Degmada Wada jir oo saakay madaafiic lagu garaacay
xili garoonka Diyaaradaha ay soo caga dhigatay
diyaarad yar oo la sheegay in ay u socotay Ciidamad
AMISOM.
Qaar ka mid ah dadkani ayaa sheegay in ay u
barakacayaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo
ay sheegeen in ay uga roontahay duqeymaha ciidamada
AMISOM ay ku garaacayaan xaafadaha ay degan yihiin
dadka rayidka ah oo ay soo noq noqotay.
Degmada Dharkeynleey ayaa waxa ay ka mid tahay
goobaha ay sida aadka ah ugu barakaceen xili qeybo
ka mid ah magaalada Muqdisho ay ku garaaceen
ciidamada Tigreega madaafiic aan loo meel dayin
taasina ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo garay
dadka rayidka ah.
Ciidamada AMISOM ayaa iyagu waxa ay caado kadhigteen
in ay duqeeyaan goobaha ay degan yihiin dadka rayid
ka ah iyo meelaha ay ku badan yihiin dadka sida
Suuqyada Magalada Muqdisho marka garoonka
Diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada lagu garaacyo
madaafiicda nuucyadeeda kala duwan.
Shiikh Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamaanka
dowlada TFG-da oo Saxaafada Gudaha iyo Dibeda ku
eedeeyay inay u xagliso Kooxaha Dowladda ka
horjeeda. 0ct,05,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-Gudoomiyaha Baarlamaanka
dowlada Embighati Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
ayaa ku eedeeyay saxaafada gudaha iyo Dibeda ee afka
Soomaaliga ku hadashay ay yihiin kuwo u xagliya
Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda TFG-da.
Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraa'id ku qabtay
shalay Hoygiisa Magaalada Baydhabo, kadib weerar
Hoygiisa ay ku qaadeen Xoogaga Al-shabaab Habeen
hore ayaa sheegay in Saxaafada ay buun buuniso
wararka Kooxaha ka soo horjeeda.
Waxaa uu sheegay in Saxaafada ay yihiin kuwo aan xur
aheyn, isla markaana ka been sheegaya xaqiiqda,
wuxuuna tibaaxay in saxaafada ay yihiin kuwo niyada
ka dilaya shacabka Soomaaliyed sida uu hadalka u
dhigay.
"Waxaa moodaa in Saxaafada ay buun buuniso kooxaha
muqaawamada, marka taas waxaa meesha ka cad inay
cabsaneyso oo aanay xor aheyn"ayuu yiri Sheekh Aadan
Madoobe oo intaa ku daray in Saxaafada kaliya ay
sheegto in Dowladda ay leyso caruur iyo Haween Uur
leh, halka Al-shabaab ay leyso Saraakiil iyo wixii
la mid ah sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Gudoomiyaha
Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli habeenkii ugu
horeeyay uu Xabsiga ku xiran yahay Wariye lagu
magacaabo Cali Ilyaas oo ka mid ah wariyeyaasha ka
howl gala Magaalada Baydhabo, kaasoo maalinimadii
shalay xabsiga loo taxaabay.
0ct,05,2008
Axemd Diiriye: "hadii la idilo xaalka sida waa uu ka
weynaanayaa oo dagalka waa uu isbadalayaa"...
(Muqdisho:Saylac.Com)-Afhayeenka golaha dhaqanka iyo
midnimada beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa
sheegay in ay hanjabaad uga timid xoogaga ka soo
horjeweda dowlada FFG-da iyo ciidamada shisheeye
gaar ahaan dagaalyahanada Al-shabaab.
Axmed Diiriye Cali oo xalay u waramay warbaahinta
gudaha aya sheegay in xoogaga Al-shabaab ay uga
timid hanjabaad islamarkaana laga soo wacay telefan
kadibna lagu war galiyay in la dili doono,waaxaana
nabaadoonka uu sheegay hadii al-shabaab ay i dilaan
aan layskaga hari doonin arinta sidaasi ay ka xoog
badnaan doonto.
Afhayeenka golaha dhaqanka ayaa sidoo kale tilmaamay
in gobolada Bay iyo Bakool ay joogaan ciidamada
Ethiopia hadana laga mamnuucay hay'adaha gar gaarka
taasina ay tahay mid qaldan sida uu hadalka u dhigay.
Axmed Diiriye Cali Afhayeenka golaha dhaqanka iyo
midnimada beelaha Hawiye waxa uu sheegay in isaga ay
soo waceen dhaliyaro uu sheegay in ay ka tirsan
yihiin xoogaga Al-shabaab islamarakaan si qaldan wax
loogu sheegay,waxaan nabadoonka uu sheegay in
arimahasi looga baahan yahay in ay ka waantoobaan
iyadoo uu sheegay in ay sii wadayaan howlaha looga
soo horjeedo ciidamada shisheeye.
Waa markii ugu hireysay oo xoogaga Al-shabaab ay u
hanjabaan xubin ka tirsan golaha dhaqanka iyo
midnimada beelaha Hawiye iyadoo hadalka ugu
dembeeyay ee Afhayeenka goalaha dhaqanka uu ahaa mid
uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la
dagaalamayaan Ciidamada Uganda, Ethiopia, iyo
ciidamada Dowlada TFG-da.
Majiro war ka soo baxay xoogaga Al-shabaab oo ku
aadan eedeenta uu Afhayeenka golaha dhaqanka iyo
midnimada beelaha uu soo jeediyay xoogaga Al-shabaab
oo ah in ay hanjabaad uga timid xoogag Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab oo Labo ka mid ah Hey'adaha Sama
Falka ka mamnuucay inay ka shaqeeyaan Gobolada ay
gacanta ku hayaan.
0ct,05,2008
(Baydhabo:Saylac.Com)-Dhaq dhaqaaqa Islaamiga ee Al-shabaab
ayaa amar uu soo saaray waxaa uu ku mamnuucay sii
howl gelida Hey'adaha Care International iyo INC,
kuwaasoo ah hey'ado ka howl gala dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa hadal uu soo saaray oo
goor dhoweyd lagu daabacay Shabakada Ururka dhinaca
Internet-ka wararka ku baahisa ee Ururka Al-shabaab
waxaa uu ku sheegay in Hey'adaha Care iyo INC ay ku
kaceen falal halis oo ka baxsan shaqadooda, sidaa
darteed ay ka mamnuuceen labadan Hey'adood in ay ka
shaqo galaan goobaha ay gacanta ku hayaan
Mujaahidiintu Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay sheekhu in ay la
wereegayaan dhamaan xarumaha ay degan yihiin labadan
Hey'adood oo ay ku caddaatay in ay faraha kula
jireen arimo halis ku ah Mujaahidiinta iyo dhammaan
muslimiintaba, arimahaas oo sheekhu uu ballan qaaday
in uu dib ka sheegi doono.
Abuu Mansuur ayaa digniin u jeediyay Hey'adaha kale
ee ka howl gala Gudaha Soomaaliya, kuwaasoo uu uga
digay inay faraha la galaan waxaan shaqadooda aheyn,
isagoona tilmaamay hadii lagu arko wax ka baxsan
shaqadooda laga joojin doono howshooda.
Ilaa iyo hada wax faah faahin lagama haayo eedeymaha
ay usoo jeediyeen Labadan Hey'adooda Ururka Al-shabaab,
wali wax war ah kama soo bixin Saraakiisha
Hey'adahaas oo ku aadan mamnuucista Howlahooda ee
ururka Al-shabaab uu ku soo rogay.
Max'ed ibraahin Raage
Saylac.com Muqdisho Somalia
|
|
|