| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
 Silaanyo waxa uu noqday jiirkii intuu ku qaniino hadana farta kaa afuufayey.0ct,03,2008

London(Saylac.com) Ma isweydiisay waxa ka cadhaysiiyey garabka xisbiga kulmiye ee qaadacay shirkii Burco? Waxa laga yabaa inaad is weydiisay lakiin aanad helin jawaabta dhabta ah ee khilaafkaa sababtey oo ah khaladaad aan loo aabo yeelin oo si idaba jooga a uu ugu kacay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mudadii lagu gudo jiray shirweynaha xisbiga ee magaalada Burco.

Khaladaadkan ayaa sida la wada ogsoon yahay waxa uu bilawday waxyar ka hor shirweynihii kobaad ee xisbiga kulmiye ku yeeshay magaalada Hargeysa oo runtii dadka badankiisu ay islahaayeen qabsoomi maayo lakiin xaga Eebe iyo Siyaasiinta culculus ee hada Axmed Siilaanyo uu eedaynayo ay badbaadiyeen iyagoo waxwalba ka doorbiday in shirkaasi qabsoomo cadawda xisbiga kulmiyena ku quusto.

Cadawgaasi runtii muu quusan waayo marka horeba ma ahayn cadaw dibada uga yimid xisbiga kulmiye ee waxa uu ahaa mid hogaamiyaha xisbiga kulmiye Axmed Maxamed M Silaanyo uu jeebka ku sitey isla markaana kolba intuu doono uu kala soo baxaayey kuna dhex tuuraayey Siyaasiinta culculus ee xisbiga dadaalka dheeraadka ah u soo qabtey .

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu is door biday inuu sidii madaxweyne oo kale uu yahay waxanu bilaabay inuu kala doorto xubnaha sarsare ee xisbiga kulmiye isagoo sida la sheegay ku balan qaaday inuu dhamaanba silsilada hogaanka xisbiga kulmiye bedeli doono rag isaga ka amar qaatana u magacaabi doono. Taa waxa markhaati cad ka ah sidii uu afkiisa uga sheegay shirarkaa labada ah mudadii ay socdeen oo ah hadalk uu ku celceliyey ahaana inaan cidina isaga kula tartami karin jagada madaxweynenimada xisbiga kulmiye.

Intaa waxa u dheerayd inuu gooni gooni ula shiro masuuliyiinta xisbiga kulmiye kula jira isagoo kala xadaaya qaarba wax gaar ahna ugu sheekaynaaya sidii ninkii afarta naagood lahaa ee sii jeeska ku yidhi midaan jecelahay anigaa dhabarka taabane dabadeedna dhamaantoodba dhabarka wada taabtey ee waliba u raaciyey midayna inaan adiga dhabarka ku taabtay inta kale ha u sheegin.

Hadaba dhabartaabadkaa raga qaarkii weydiideen waana sababta keentay inay shirkii Burco isaga dareeraan cadaalad daro uu laaqday Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aawadeed.

Waxa intaa ka wada daran dadka beenta cad loo dhoodhoobo maalinwalba in doorasho xalaal ahi ka dhacday Burco iyo waliba in jagada Madaxweyne ee xisbiga kulmiye lagu loolamay oo labaduna ah been aan geed iyo yacaytoona loogu soo gaban oo dadka lagu marin habaabinayo -- waayo waa kuma ninka la tartamay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo? Waa ayase raga kale ee la tartamay Cabdiraxman Saylaci mar hadii ay shirka ka baxeen ragii la loolami lahaa? Maxaase ergo looga daba diri waayey siyaasiinta cadhootey si looga wadahadlo khilaafka loona xaliyo intey fartu gaadhayso? waa khidad lagu waday in marka shirka ay ka baxaan codayn cimaamadan loo saar Cabdiraxman Saylaci oo uu Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka cunay lacag lagu qiyaasay $100,000 oo qurbo jooga reer Awdal ee tageersan Cabdiraxman Saylaci ay ka soo ururiyeen dibadaha waana marag ma doonto cidwaliba ogtahay in Siilaanyo lacagtaa jeebka ku shubtey cidwalba oo degan gobolka Awdalna sabi iyo ciroole way la socotaa kharashkaa buuran ee jeebka Siilaanyo ku dhacay!

Hadaba dadka beenta qaawan marwalna ku eedaynaya Cabdiraxman Aw-Cali iyo mujaahidiinta kale ee sida raganimada leh ugu gacan saydhay khaladka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo farahiisa iyo lugahiisaba ku laaqayo si uu xisbiga kulmiye ikhtiyaarkii ugu tagri falo, miyeyna inaba garanayn inaan umada soomaliland ka iibsanayn fikirkooda khaldan ee ay ku taageerayaan hogaamiyaha daalay ee siyaasada iyo danaysiga shaqsigu igaga laaqmay ee kulmiye.


Runtii ree Burco dariiqay socdaani waa mid awalba lagu yiqiin inayna is qaban khalad iyo saxba waana dabeecad khaldan inaad qabiil ku taageertid walaalkaa oo khaldan meela idin gaadhsiin mayso. Bal waxaad isweydiisaa ninkan Siilaanyo ee hada boqolka khalad iyo khilaaf ka dhex abuuray xisbiga kulmiye haduu wadanka hogaankiisa qabto sideebuu ka yeeli doonaa umadan somaliland ee walaalaha ah ? waa arin iska cad inuu odhan doono sii wada jeesta intaan jecelahay anigaa dhabarka taabane lakiin Ilaahayba inooma dhiibo taladiisa. Amiin.


Waxaan ku soo gaabinayanayaa qormadan faalada ah khaladka khilaaf kasta oo xisbiga kulmiye ku dhacay waxa aabo iyo hooyo labada ka ah Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo ilaa isagu ka fadhiisto hogaanka xisbigana laba shay oo iskugu hagaagaya xisbigu ma jiro mana jiri doono.

Cabdiraxman Aw Cali iyo Mujaahid Dhegaweyne labaduna waxay mudan yihiin amaan sida raganimada leh ee ay gashaanka ugu dhufteen rayiga diciifka ah ee siilaanyo wato oo ah in daba dhilif loo noqdo isla markaana diiday in rayi ama talo kale lagu darsado habsami u socodka xisbiga kulmiye.
Hadaba waxaan eegi doonaa halaka ay gaadhsiiso Axmed Maxamed M. Silaanyo kaligii taliyanimada iyo macangagnimada uu la soo shaac baxay intuba.

Maxamaed Haji
Saylac.com
London, UK


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com