| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Magacaanta  Madaxtooyada  xukumada Somaliland kaga dhintey qaraxii Maanta..Oct,29,2008

Dhimashada tirada xukumada kaga dhimatey qaraxa maanta
1)xog-hayaha Madaxtooyada Somaliland Daahir Cali Iid
2) la taliyihii sharciga ee M/weynaha Xuseen Afgaab,
3) Xildhibaan Libaaxo oo ka tirsanaa golaha guurtida,
4)iyo Maxamed Yare oo ahaa xoghayihii golaha wasiirad

Dhaawaca

1) Taliyihii Askarta ciidanka madaxtooyada Abokor Sulub,
2) Ibrahim Huutu oo ah madax sare oo ka tirsan sirdoonka qaranka,
3) Maxamed Ismail oo ka tirsan xafiiska xisaabaadka ee madaxtooyada

 

Cida lagu tuhunsan yahay Qaraxa ka dhacay somaliland?+Sawirada qaraxa.. Oct,29,2008

London(saylac.com) Shabakada saylac.com ayaa waxay khadka telefoon kula xidhiidhay saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland oo sida ay sheegeen hawlgalo balaadhan ka wata guud ahaan magaalada Hargeysa. Saraakiishan ayaa waxa ay noo shegeen in hawgaladu wali socdaan cid si toosa loogu farta loogu fiiqi karaana ayna ilaa hada cadayn marka laga reebo inay ahaayeen argagixo caalami ah oo u badheedhay isqarxis halaag naftooda iyo ta dadweynaha aan waxba geysan ee ay layeen.
People rush from the scene of a bombing in Hargeisa

Hadaba qaraxan oo ahaa mid si weyn loo qorsheeyey markaad eegtid sida uu hal mar uga wada dhacay Jamuuriyada Somaliland iyo Ismaamulka Puntland ayaa waxa cad inuu qaraxani la mid yahay qaraxyada ay horey u samayn jirtey argagixisada caalamiga ah oo isla mar la islawada eegto qaraxyo inay ka samayso goobo kala duwan.

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ilaa afar gaadhi hada gacanta lagu hayo gawaadhidaa oo looga shikisan yahay inay iyaguna wadeen qaraxyo is midaamin ah oo kale inay ka sameeyaan gudaha Jamuuriyada Somaliland. Xafiiska UN iyo Safaarada Itoobiya oo iyaguna ku jiray goobaha saaka qaraxa lagala beegsaday ayaa waxay tuhun dheraada galiyeen in kooxaha Islaamiga ah ee koonfurta somaliya ka dagaalama ay lug weyn ku yeelan karaan qaraxayad saaka dhacay .

Kooxaha Islaamiga ah ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxay in gacanta ku hayaan boqolkiiba 90 gobolada koonfurta Soomaaliya. Markaad isku wada duubto tuhunada isasoo taraya ee aduunku ka bixiyey qaraxyada saaka ka dhacay Somaliland iyo Puntland ayaa waxay u badan yihiin in farta si gaara loogu fiiqayo kooxaha Islaamiga ah ee koonfurta soomaaliyeed dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya ee ay ugu horeyso kooxda Al-shabaab oo ah kuwa ugu quwada mitateri badan kooxha dagaalka qadhaah kula jira ciidamadda Itoobiya ee koonfurta soomaaliya

Ugu yaraan 22 qof oo ku dhintey qaraxii saakay ka dhacay magaalada Hargeysa Oct,29,2008
Hargeysa(Saylac.com) "Wali waxaanu tirinaynaa maydadka dadkii ku qudhbaxay qaraxyada" Sidan waxa saxaafada u sheegay afhayeenka madaxtooyada Jamuuriyada Somaliland Ismacil Cadani. Afhayeenka ayaa waxa uu intaa ku daray in madaxweynuhu ka badbaaday qaraxan.

Qaraxan ayaa waxa uu si isdaba jooga uga dhacay dhismaha UN ta . Qunsiliyada Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa iyo Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Qaraxa ka dhacay madaxtooyada ayaa waxa ku dhintey Sekraterigii madaxtooyada.

Dadka qaraxan geysey ayaa maydkoodii oo hilbo noqday laga ciidanka booliska Somaliland ay ka dhex ururiyeen gaawaadhidii ay wateen oo gaar ahaan xafiiska UNta ayaa waxa ka dhacay laba gaadhi oo is qarxis ah halka madaxtooyada Somaliland ay sadex gaadhi isku qarxiyeen. Dadka ku dhintey madaxtooyadda ayaa u badnaa dad rayid ah oo albaabka hore ee madaxtooyada hor tubnaa isla markaana sugayey inay galaan madaxtooyada Somaliland halkaa oo qaruxu ka dhacay .


Sidoo kale maydadka laga horguray madaxtooyada ayaa waxa u ku jiray oday dhaqameedyo magacaantooda aanu dib kasoo sheegi doono oo hawlo damacsanaa inay madaxweyne Rayale ugu tagaan.

Khasaaraha dhismaha madaxtooyada soo gaadhay ayaa u badan iridaha hore ee laga soo galo madaxtooyada gudahase burbur sidaa u weyni ma uusan gaadhin marka laga reebo daaqadaha dhismaha oo qaarkood burburay.

Ilyas Hassan
Saylac.com
Hargeysa, Somamaliland


sawirada qaraxa kala soco saylac.com

Dhimashada iyo dhaawaca oo sii kordhaaya iyo rag loo qabtay falkii saaka ..Oct 29, 2008
Hargeysa(Saylac.com)Dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay saaka goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa kor u sii kordhaaya iyaga oo gaadhaaya ama kor u dhaafay 90 qof dhimasho iyo dhaawacba, dadka dhintay waxa ka mid ah caruur, dumar, dad waweyn oo waayeel ah iyo arday, kuwaasi oo xiliyadaasi maraayay wadooyinka ku beegnaa goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, waxa iyana dhaawacyo fududi ay soo gaadheen qaar ka mid ah shaqaalaha Itoobiyaanka ah ee ka shaqaynaayay xafiiska Itoobiya ku leedhaya Somaliland, waxa iyana goobta Itoobiya ay ku leedahay safaarada Itoobiya ku geeriyooday Ibrahim Abdirisaaq C/laahi Sool, iyo xaaskiisa oo iyada uu dhaawac soo gaadhay, marxuunka oo haystay dhalashada dalka Finland, isaga oo dhawaan booqasho ku yimid dalka, waana qofkii u horeeyay ee sita dhalasho ajaanba ee ku geeriyooday ilaa hada inta la sheegay, marxuunkan ayaa waxa adeer u ah wariyaha caanka ah ee Osman Abdilaahi Sool
Dadka dilalkan iyo qaraxyadan sameeyay ayaa iyaguna ka mid ahaa dadka dhintay iyada oo qarxyada noocan ahi aan hore looga baran Somaliland isla markaasna ay ku taamayeen kooxaha argagaxisada ahi in ay Somaliland ka fulin doonaan qaraxyo noocani oo kale ah ka dib markii ay ka fashilmeenm kuwo kan ka horeeyay oo la qab qabtay xiligiii ay doonayeen in ay carqaladeeyaan doorashooyinkii golha wakiilada taasi oo u suurto gali wayday islaa markaasna ay ku fashilmeen.
Hadaba warar hoose oo goordhawayd aanu helnay ayaa noo xaqiijiyay in ciidamda boolisku ay hada gacanta ku hayaan laba nin oo ka soo jeeda Somaliya isla markaasina arintani maanta loo hayo, wararka aanu helany oo deg deg ahaa may xaqiijinin sida loo soo qabtay iyo goobta laga soo qabtay iyo magacyadooda toona, sidoo kale booliska iyo xukumadu toona kama ay hadlin arinkani labada nin, waxii ka soo kordha waxa aad kala socon doontaan wararkayaga danbe.
Dhanka kalena waxa heegan culus la galiyay dhamaan ciidamda booliska iyo kuwa wadooyinka iyga oo xooga saaraaya aminiga taasi oo goob kasta aad ku arkaysid ciidamada booliska oo maraaya ama ilaalinaaya meelaha mihiimka ah ee dalka, war laga soo xigtay gudiga kamooshinka qaranka Somaliland ayaa sheegay in aanay cidna is hortaagi karin in ay diwaangalintu ka dhacdo Somaliland isla markaasna ayna cidna is hortaagi karin in dalka ay doorashooyin xalaal ahi ka qabsoomaan, waxa ayna sheegeen in diwaan galintii socon doonto.

Wararka ugu danbeeyayna waxa ay sheegayaan ee hada na soo gaadhaaya in la hayo oo la garanaayo cidii lahayd baabuurta wax lagu qarxiyay oo iyaga laga soo iibsaday, kadib markii ciidamada danbi baadhistu ay raad raaceen Taarikadii baabuurta ku xidhnay d wax lagu qarxiyay, kuwaasi oo ay ka gaabsatay xukumadu in ay ka hadasho, waxa lagu wadaa in ilaa caawa ama bari subaxa ay xukumadu ka hadasho arintani oo ay war ka soo saarto dadla la xidhay ee arintan loo qab qabtay ayaa soo kordhaaya kadib markii qaar kale loogu galay Hotelo ku yaala magaalda oo ay ku jireen ama u hoyanyeen halkaasi oo loo tirinaayo in ay iyaguna arimahan dhacay ay ku lug lahaayeen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxa laga soo sheegayaa in ay ku jiraan dad haysta dhalashada dalka Ingriiska oo iyagu dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, walina waxa socda baadhitaan xoogan

soo gudbin /qarannews

 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com