|
|
 |
|
| |
Dhulgariir
ka dhacay magaalada Idhanka oo dilaaciyey dhul lagu
qiyaasay 2KM oo dherer ah iyo 5Mitir oo hoos ah.
Jun,09,2008
Idhanka (Sayac.com)-Qaar ka mid dadka ku dhaqan
degmada Idhanka oo Khadka Telefanka kula soo
xidhidhay saylac.com ayaa u xaqiijay in dhul
halkiilo Mitir ka badani Dilaacay oo ilaa afar Mitir
iyo shan mitir ah lagu Qiyaasay Hoos uu u go'ay .
Dadka Degaanka oo cabsi wayni la soo daristay waxay
dawlada iyo hayadaha ka Codsanayaan in La baadho
Xaaladan Cusub, waxa kale oo la sheegayaa in Dad aan
hore uga warqabini ku Dhaceen Gogadkaa Qaarna Kuba
Dhaceen walow wali cid ku dhimatay aan la soo
shgeegin, Dhaawacyo ayaa dad iyo Xoolaba ka soo
Gaadhay. waana meel U dhaxaysa magaalo-Cad Buurta
Jufada iyo Tuuladad Garba-Haaray.
Dhulkan dilaacay ayaa ah mid ku cusub dadka horeyna
aan loo arag dhul sidan oo kale u go'a isla markaana
baaxad intan leeg leh. degaanka ku xeeran dhulkan
dilaacay ayaa ah dhul bereed iyo xoolaba lagu dhaqdo
dadweyne aad u tiro badanina ay degan yihiin.
Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama, Somaliland
|
|
|