|
|
 |
|
| |
Waraysi Khaas ah oo ay
saylac.com la yeelatey Sheekh Sharif Axmed oo ka
qayb galaya shirka Jabuuti.
Jun,03,2008
Djibouti(Saylac.com) Waraysi dhinacyo badan leh ayey
saylac.com la yeelatey Sheekh Sharif Axmed ayaa waxa
uu nooga xoog waramay arimo badan oo dhinacyo badan
leh waxaanu warasigani ka dhacay huteelka shirarka
cidhifyada isku haya Dalka Somaliya waraysigan waxa
qaaday Wariye Osman Husein waxaanu udhacay sidan:

Saylac.com: Marka hore waad salaamantahay sheekh
Shariif waxana sharaf noo ah inaad waraysigan siiso
shabakada saylac.com. Intaa hadii aanu salaanta ku
dhaafno waxa jira wadahadalo maanta idiinka socday
magaaladan Jabuuti.

Hadaba sideed u aragtaa wadahadalan iyo waxa aad
isleedahay natiijo ayey noqon karaan?
Sheekh Sharif: Bacda salaan, Horta siday bariyi
noqon Ilaahay ayuunbaa og, anagu hadii aanu nahay
isbaahaysiga dibuxoraynta somaliya horeyna nabad
umaan diidin dibna u diidi mayno hadii aanu aragno
fursad dadka soomaaliyeed lagu badbaadinaayo cidna
nooga horeyn mayso.
Saylac: Calool fayoobi intee leeg ayaad ku qabtaan
wadahadal ini dhex mara idinka iyo Cabdilahi Yusuf
oo aad horey u dagaasheen hadana dagaal adagi idinka
dhexeeyo?

Sheekh Sharif: Inkastoonay haboonayn in wax aan
dhicin laga sii faaloodo hadana waxaan anagu
jecelahay wixii dadka soomaaliyeed u roon dadkuna
markhaati ayey ka yihiin mudadii lixda bilood ee
aanu xukunka dalka intiisa badan haynay inay
dareemeen cadaalada diinta Islaamku xambaarsan tahay
mudadu ha dheeraato ama ha soo gaabatee kolay
shacabku siday doonayaan ayuunbay ku danbayn waxaan
aad ugu calool fayowbahay in shacabka somaliyeed uu
naga raali yahay cidwalbana anaga nagaga kalsoon
yahay kuwan dawlada isku sheegaya ee aanu hada
wadahadalka la leenahayna waa kuwaa dadka
maalinwalba laynaya hadee hadii dadkii ay
matalayeenba fahmi waayeen way adag tahay inay
fahmaan kuwa siyaasad kula loolamaya waanse eegaynaa
wixii eebe ka qadaro.
Saylac.com: Idibka dhexdiina dhawaanahan waxa la
hadal hayey inuu khilafaad yari idinsoo dhex galay
bal laba eray nooga sheeg arimahaa wixiika jira ?
Sheekh Shariif: Waxaan idiin sheegayaa oo aan hubaa
inuusan jirin wax khilaaf ah oo dhexdayada ah , waa
kutidhi kuteeno aan jirin , mabda'ayagu wuu cad
yahay fikirkayaguna waa mid waana Itoobiya oo
wadanka iskaga baxda iyo dabadhilifyada Itoobiya u
shaqeeya oo dadka ka fadhiista dadkuna xoriyadii
soomaalinimo la soo noqdo intaana mid anaga naga
tirsan oo diidani ma jirto.
Saylac.com: xoogaga Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka
dagaalama somaliya xoogoodu intuu dhan yahay mase
soo celin karaan awoodii hore intayna Itoobiya idin
kala daadin?
Sheekh Shariif: xoogaga Maxaakiimtu waa dadka
soomaaliyeed oo dhan dadka soomaaliyeedna isagaa
wadanka iska leh mana ogola ciidan Itoobiyaan ah oo
gumaysi cusub la kowsada iyo shisheeye kaleba.
ciidamadayadu waa kuwaa wayna jiri doonaan ilaa inta
somaliya ay ka xoroobayso danaaystayaasha dadka
gumaadaya ee Axmaarka dabada ku wata mawqifkayaguna
waa kaa.
Saylac.com : ugu danbayntii wax xidhiidh ah oo
idinka dhexeeya xoogaga Al- shabaab ma jiraa?
Sheekh Sharif: Xidhiidh Al-shabaab naga dhexeeyi ma
jiro lakiin mawqifka wadaninimo ee ku wajahan
dibuxoraynta somaliya waan wadaagnaa cid walba oo
danaha umada ka talinaysana waan tageersan nahay.
la soco waraysiyo kale oo wariye osman ka qaaday
waftiga ku sugan Djibouti
Osman Husein
Saylac.com
Djibouti,Djibouti |
|
|