| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Murtida Usbuucan (Jees deg oo ha war xumaan) by Abwaan: Maxamuud Cabdilahi Rooble..Dec,14,2008
Seattle(Saylac.com)Murtida Ubuucan (Jees degoo wa war xumaan) Murtidani waxay xambaarsan tahay micno aad u balaadhan, waxa dadku isticmaali jiray wakhtiyadii dadku u badnaa dhinaca baadiyaha oo ay reeraha miyigu inta badan is dhinac degji jreeen wakhtiyada guga ee roobku aadka u da'o . Waxa ay dadku u degi jreen saf-saf iyo daris wanaag iyo jacayl iyo waliba war kala qaadasho maalin walba wixii dhacay dadku ay warka ku qala qaadan jireen marka waagu baryo.


Salaanta ugu horeysa ee ay dadku is weydaarsan jireeni waxay ahayd sidee lagu baryey-- Khayr baanu ku barinay idinkuna sidee waagu idiinku baryey -- iyo Ilaahay mahadii .. Habada waxa jirey dad iyagu JEES ama gaar uga dega dadka intiisa kale oo waxaad arkaysay reer kaligii taag buur ah degan ama doox hoostii . reerkaa dadka intiisa kale waxay odhan jireen waa reer "jees degan" ama waa reer gaar u degay oo aan lahayn wax daris ah.

Sidaa daraadeed ayuu reerkaasi dadka intiisa kale uga go'naa akhbaarta iyo wixii dhacay iyo halka xoolaha loo daaq geeyo iyo wixii aduunka ka dhacay intaba reerkaasi wuu ka qatanaa. Maalin maalmaha ka mid ahaa waxa reerihii wada deganaayi ay yesheen gar aad u balaadhan oo oo khusaysa  reerka jeeska dega laga soo qayb galiyo garta, waayo gartu waxay ku saabsanayd gabadha odaygan reerkiisa gaarka u dejiyey uu dhalay ayaa ninkeedii qudha ka jaray waana in isaga  loo yeedhaa si  dhibaatada loo xaliyo Waxa loo direy ergo gaar ah siday ugu yeedho odayga reerka ugu weyn ee jeeska degay oo ah odayga marxuumada dhalay , lakiin odaygii ayaa gurigiisii laga waayey waxayna ergadii gudigii garta loo xilsaaray ku celiyeen inaanu odaygii joogin reerkiisa oo uu u socdaalay dhul dheer !!

Gartii ayaa la joojiyey madaama odaygii dhalay gabadha la dilay aanu joogin  waxana la sugay mudo sadex casho ah intuu soo noqonayey. Fariin ayaa looga daba diray dhulkii uu safarka ku tagay, lakiin aanan loogu faahfaahin waxa dhacay waayo kolay wuu maqlay ayaa la lahaa , lakiin war iyo wacaaltoona kama hayo geerida dadkoo dhami ku sheekaysanayaan ee dhacday. waxaanu yimid afar casho ka dib isagoo daalan.

Intaa markay marayso ayaa hadana mar kale ergadii loo diray inay usoo yeedhaan odayga gudiga lagu daray ee jeeska ama gaarka reerkiisii dejiyey, ergadii markay gadheen gurigii odayga ayaa mid ka tirsan ergadii la diray odaygii kula kaftamey " oo miyaanad ogayn hebeloow inay mashaqo balaadhan oo dil iyo xoolo dhacba geysatey ka dhacday reeraha?" Maya adeer ma ogi !! maxaa iga danbeeyey adeer ii warama? ayuu ku celiyey odaygii isagoo indhaha taagaya sugina kari la dhibaatada dhacday iyo waxay tahay.

Nin kale oo ergada ka tirsan ayaa odaygii ku yidhi" JEES DEG OO HA WAR XUMAAN" macnaha xigmadanina waxay tahay hadaad doonto jees reerkaaga la deg ama wadan kale oo aan cidina kaa ag dhaweyn oo aad kaligaa soomaali degan tahay lakiin waa inaad ogaatid wixii jira iyo akhbaarta maalin walba la sheego kuwa isla markaana waa inaad dadka ku xidhantaa kana warhaysaa si adigana lagaaga war hayo.

Gabagabadii iyo gunaanadka murtida usbuucan ayaa waxay tahay waa inaad dadkaaga meelkasta oo aad aduunka kaga nooshahay ku xidhantaa dadkaaguna ogaadaa aanad u tirsan tahay meesha aad joogtana ay dadku ka warhayaan " Jees deg oo ha war xumaan"

Usbuucyada danbe kala socda murtida usbuucaa iyo saylac.com

Abwaan: Maxamuud Cabdullahi Rooble
Saylac.com
Seattle
USA

wixii fikir ah ee ku lugleh murtida usbuucan kusoo dir email: saylacnews@yahoo.com
 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com