Daawo:Munaasibada 65-sano
guurada Aas Aasan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
oo maanta lagu qabtay iyo Munaasibadaasi oo
Madaafiic lagu soo
dhaweeyay...Dec,20,,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)-Munaasibad lagu weyneeynayay
65-sano guuradii ka
soo wareegtay Maalinta dhidibda loo taagay Ciidamada
Booliiska
Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka December ayaa maanta
lagu qabtay
School Police ee magaalada Muqdisho.

Xafladani oo ay ka soo qeyb galeen Qaar ka mid ah
xildhibaanada
Dowlada TFG-da iyo Wasiirada dowladaasi iyo qeybaha
kala duwan ee
saraakiisha ciidamada dowlada Ebighati ayaa maanta
waxa lagu qabtay
Barxada weyn ee dugsiga Tababrka Ciidamada Booliiska
ee magaalada
Muqdisho.


Ciidamo gaaraya illaa 58-cutub oo Qeybaha kala duwan
ee Ciidamada
Booliska Soomaaliyeed sida
Daraawiishta,Taraafikada,Bando Musico iyo
Ciidamada kale ee Booliska iyo weliba Kooxda kubadda
Kolayga ee Heegan
wiilashooda iyo Gabdhahaba ayaa waxaa ay maanta
Gaado ka cayaar dib u
xasuusiyay waayo waayo dadkii u soo daawasho tagay
ay ku soo
bandhigeen Garoonka Dugisga Tababarka Ciidanka
Booliiska ee magaalada
Muqdisho.
Guud ahaan waxaa aad loo adkeeyay ammaanka agagaarka
halka uu ku yaal
dugisgaasi ee degmada Xamar Jab Jab waxana ciidamada
dowlada qebeheeda
kala duwan ay isku gadaameen taasi oo hakad galisay
isku socodka dadka
iyo gaadiidk.
Iyadoo la marayo xiligii ugu danbeeysay ee
munaasibadaasi ayaa Weeraro
loo adeegsaday Madaafiic hoobiye yaal ah lagu
garaacay Xarunta
Tababarka Booliiska oo ay ka socotay Munaasibad
loogu dabaal degayay
65-sano guuradii ka soo wareegtay maalinta la aas
aasay ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed.
Mid ka mid ah hoobiyaashaasi oo ku soo aaday
daqiiqadihii ugu
danbeeyay Xaflada oo ay madaxda qaarkood taagnaayeen
ilinka hore ee
hoolka ayaa waxaa uu ku soo dhacay Bartamaha Xerada
in kasatoo uusan
jirin wax qasaare ah oo uu geystay halkaasi oo uu ka
dhashay buuq iyo
Isjiir ay sameeyeen madaxada dowlada iyo ilaaladii
ay wateen .
Sidoo kale illaa 2-hoobiye ayaa iyana ku soo dhacay
meel aan ka
dheereeyn dugsiga Tabaarka Booliiska,waxana hakad
galay dabaal degii
munaasibadaasi oo ay wax yar ka harsaneeyd.
Weerarka u muuqday in lagu carqaladeeynayya
Munaasibada ay ciidamada
Booliiska ugu dabaaldegayeen sanadguuradooda ayaa
waxaa sheegtay
Masuuliyada weerarkasi Urur diimeedka Al shabaab .
Xaflada oo ay weerarka ka hor ay ka hadleen
masuuliyiinta sar sare ee
dowlada kmg Sida wasiirka arimaha gudaha,kan
gaashaan dhiga iyo
gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa intooda
badan ay ka hadleen
qiimaha ay leedahay munaasibada Taariiqda Booliiska.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General
Cabdi Xasan Cawaale
Qeybdiid oo munaasibada ka hor aqrinayay wax qabadka
ciidanka
booliiska ayaa waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo
hor jeeda dowlada ay
inta badan gobolada dalka ka cuuryaamiyeen howlihii
uu ciidanku ka
qaban lahaa.
Maalintani ku beegan Sanadguurada ka soo wareegtay
65-sano guurada
ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku soo beegmeeysaa
xili ciidamada
booliiska dowlada embighti lagu eedeeyo in ay dhac
iyo Dil bareer ah
ay kula dhaqaaqaan shacabka Soomaaliyeed ee la daala
dhacaya dagaalada
aan joogsiga leheyn tiiyoo ay u wehliso Dhibaato
dhanka nolosha ah.

Dagaal faraha looga gubtay oo xalay ka dhacay qeybo
ka mid ah Muqdisho
iyo duqeyn loo geystay Bakaaraha
(Muqdisho:Saylac.Com)-Dagaal xoogan oo muddo socday
ayaa xalay
abaarihii 9-kii fiidnimo waxaa uu ka qarxay qeybo ka
mid ah Degmada
Wardhiigley iyo nawaaxiga Suuqa Bakaaraha, halkaasoo
ay isku fara
saareen Ciidamada Dowladda TFG-da iyo Xoogaga ka
soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa bilowday markii Xoogaga Kacdoonka ay
weerareen
saldhigyo Ciidamada Dowladda ay ilaalo kaga hayaan
xarunta
Madaxtooyada, waxana halkaas ka dhacay dagaal faraha
looga gubtay.
Hugunka iyo Iftiinka ka baxayay Madaafiicdii la isku
adeegsanayay
ayaa ahaa mid Magaalada oo idil laga wada arkayay,
waxaana uu ahaa
dagaal faraha looga gubtay oo muddo ku dhow 30-saac
ah socday.
Dagaalkan ayaa waxaa dhinaca socday Madaafiic lala
beegsanayay
deegaano uu ka mid yahay Suuqa Bakaaraha halkaas oo
dhowr Madfaac lala
beegsaday kuwaasi oo dhaliyay qasare nafeed iyo mid
hantiyeed oo soo
gaaray dad shacab ah .
Afhayeen u hadlay Xoogaga Raaskambooni oo uu
hogaamiyo Sheekh Xasan
Turki ayaa sheegtay dagaalkaas inay iyagu ka
dambeeyeen, isla markaana
ay weeraro dhowr jiho ugu qaadeen Xarunta
Madaxtooyada.
Inta la hubo dagaalkan ayaa sababay dhimashada hal
ruux iyo dhaawaca
8-kale oo ahaa dad rayid ah, kuwaasoo gaartay
madaafiicda habowga ah
ee la is dhaafsanayay, kaasoo ahaa mid qal qal iyo
cabsi ku reebay
dadka ku dhaqan Suuqa Bakaaraha oo xalay maciin
biday daaraha shubka,
kadib markii ay ka carareen Hoygooda.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Daahir Maxamed Xirsi
ayaa beeniyay
inay Madaafiic ku bartilmaameedsadeen Suuqa
Bakaaraha, kaliya waxaa
uu sheegay in ay adeegsadeen Qoriga loo yaqaan 37-
ee lidka
diyaaradaha, kaasoo laftiisa ah midka wax gumaada.
Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli labo todobaad ay
ka harsan tahay
waqtigii ay Dowladda Ethiopia sheegtay inay
Ciidamadeeda kala baxeysa,
kaasoo ah dhamaadka sanadkan.
Ninkii dilay Sarkaalkii Maxkamadaha ee garabka
Jabuuti oo gacanta lagu
soo dhigay.
(Baladweyne:Saylac.Com)-Sida ay sheegayaan wararka
ka imaanaya
Magaalada Baladweyne oo labadii maalmood ee la soo
dhaafay ay ka
jirtay xiisad sababay gacan ka hadal ayaa sheegaya
in gacanta lagu soo
dhigay Ninkii dilay Sarkaalkii Maxkamadaha ee
garabka Jabuuti.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan
Maxkamadaha ee Gobolka
Hiiraan ay u suura gashay inay soo qabtaan Ninkaas
oo markii hore ka
tirsanaa Ciidamada Maxkamadaha, isla markaana sabab
u ahaa isku dhacii
maalmahan ku dhex maray Ciidamada Maxkamadaha
dhexdooda.
Saraakiisha Maxkamadaha ee Gobolka ku sugan ayaa
sheegay in ninkan
laga soo qabtay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool,
waxaana ay
tilmaameen in ay shareecada marsiin doonaan.
Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa ka dambeeyay
dilka Taliyihii
Saldhiga Cilm Maxamed Maalin iyo nin kale oo darwal
ahaa, sida la
sheegay uu rasaas ku furay markii ay murmeen Labo
ciidan oo
Maxkamadaha ka kala tirsanaa.
Magaalada Baladweyn oo labadii maalmood la soo
dhaafay labo u
qeybsantay, isla markaana ay isku rasaaseeyay
Ciidamo ka wada tirsan
Maxkamadaha, balse labo fikir siyaasadeed kala wata,
isla markaana
kala taabacsan garabyada Jabuuti iyo Asmara ayaa
shalay la dhex dhigay
heshiis xabad joojin ah
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia.
|