| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dagaal Beleed ay Beelaha Isaaq ee tageersan xisbiga Kulmiye ay ku soo qaadeen degaanka Seemaal ee degmada Baki oo ah degaan Beelaha Samaroon ay degaan..Oct,28,2008
dhegayso waraysiga
Borama(Saylac.com) Dagaal xoogan ayaa saakay ka dhex dhacay degaanka Semaal ee degmada Baki. Murankan ayaa waxa uu bilawday ka dib markii uu Muuse Biixi uu shaaca ka qaaday in degaano horey uga tirsanaan jiray gobolka Awdal lagu talo jiro in lagu daro gobolka Gabiley iyo waliba Gobolka Hargeysa oo isaguna wada degaano kale oo horey uga tirsanaan jiray gobolka Awdal iyana in si cadaalad daro ah loogu daro gobolka Hargeysa. Shabada Salalnews oo waraysi khaas ah la yeelatey muwaadin ka soo jeeda degaanka Semaal ayaa waxa uu muwaadinku uu sheegay inay maleeshiyo beleed u dhashay Beesha Isaaqu ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen degaanka Seemaal oo uu isagu deganaa. waxa kale oo uu muwaadinkani sheegay inuu indhihiisa ku arkay niman dirayska Ciidamada Somaliland gashan oo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaci ay handadeen isla markaana ay u cago jugleeyeen dadweynaha degaanka Seemaal.

" Markii hore waxaanu u qaadanay inay ciidamo dawlada Somaliland ka socda yihiin balse waxa noo cadaaday inay Maleeshiyo Beleedyo yihiin dagaal ogayaal ah markaanu aragnay xaqdarada ay dhukayaga ku doonayaan ayaanu jilibka u dhignay dagaalkuna sidaas ayuu ku bilawday" ayuu yidhi Muwaadinka u dhashay degmada Baki tuulada Seemaal.

Rasaasta la is dhaafsaday ayaa waxa ay socotey mudo saacad iyo badh ah. waxa kale oo uu Muwaadinkani sheegay inay maleeshida beelaha Isaaqu burburiyeen goobihii diwaangalinta lagu waday in gobolka Awdal isla markaana ay madaafiicda hoobiyaha loo yaqaano ay ku garaaceen dadweyne guryaha iyo beeraha degaanada Seemaal ee ka soo jeeda Beelaha Samaroon.

Ilaa hada lama oga khasaaraha ay ka dhashay dagaalkan ay maleeshiyada Beelaha Isaaq ku soo qaaday tuulooyin ka tirsan gobolka Awdal . Dhinaca kale Dawlada Somaliland ayaa ilaa hada aan ka hadlin dagaalkan qaawan ee Beelaha Isaaq ee tageera xisbiga Kulmiye ay ku soo qaadeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Awdal.

Saylac.com

 Borama/Somaliland
 

Goobaha diwaangalinta gobolka Awdal oo uu komishanka qaranka J/ Somaliland ku kordhiyey 11 gobood..Oct,28,2008.

Borama(Saylac.com) Ka dib markii cabashooyin dhawra laga soo jeediyey habka diwaangalinta gobolka Awdal loo wado ayaa maanta Komishanka qaranka somaliland waxa uu cadeeyey in lagu daray 11 gobood oo lagu kordhinayo goobihii horey uga jiray diwaangalinta gobolka awdal.

Saladiinta gobolka Awdal ayaa si xoogan cadaadis u saaray dawlada Somaliland inay ku qanciyaan in wax laga bedelo habsami u socodka diwaangalinta oo inta badan dadku saluugsan yahay.

Cabashooyinkaa Salaadiinta gobolka Awdal ay dawlada u gudbiyeen ayaa waxa la filayaa inay ka danbaysey go'aankan komishanka qaranku uu gaadhay maanta ee 11 gobood oo u dhaw magaalada Boorama lagu kordhin doono goobihii diwaangalinta ee horey uga furnaa degaanada galbeed ee Magaalada Boorama.

Saylac.com
Borama/ Somaliland
 

Baaq lagu cambaareynayo dulaanka qaawan ee maleeshiyo beleed tageersan xisbiga kulmiye ay kusoo qaadeen degaano ka tirsan Gobolka Awdal..Oct,28,2008

London(Saylac.com) Waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka Awdal iyo dhamaanba xumbaha bulshada kala duwan ee wadanka dibadiisa iyo gudihiisaba ku dhaqan ayaa waxay soo saareen baaq cambaareyn ah oo ay usoo jeedinayaan maleeshiyo beeleedka tageersan xibiga kulmiye ee dhul boobka ugu soo duulay degmooyin ka tirsan gobolka Awdal si loogu daro gobolada Hargeysa iyo Gabiley.

Baaqan ayaa waxa uu uqornaa sidatan:


Anagoo ah dhamaan qurbojooga reer Awdal iyo waxaanu aad uga xunahay dulaanka gardarada ah ee Maleeshiyo Beleedyo ka soo jeeda xibiga kulmiye ee Beelaha Isaaq ay kusoo qadeen degaano ka tirsan gobolka Awdal. Waxaanu si wadda jira uga horjeednaa gardaro kasta oo dulmi iyo dhulboob wadata oo lagula kaco Beelaha Samaroon ee degaanada koonfur bari ee gobolka awdal dega .

Dawlada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay talaabo xoogleh ka qaado maleeshiyo Beleedka hubaysan ee waliba la sheegay inay ku labisnaayeen hubabka culus iyo dirayska ciidamada Somaliland.

Beelaha Samaroon waa dad nabada jecel ilaaliyana midnimada qaranka somaliland isla markaana diyaar u ah inay difaacdaan dhulka ay degaan cidna uga haybaysan maayaan inay dhiigooda u daadiyaan gardaro kasta oo lagu soo qaado dhulkooda ayey hadalkooda ku dareen.

Kulan degdega ayey Jaaliyada qurbo jooga reer Awdal ku kulmi doontaa maalmaha inagu soo fooleh kulankan oo lagaga hadli doono aayaha gobolada Awdal iyo Salal iyo guud ahaan xaalada guud ee Jamuuriyada Somaliland oo qimayn buuxda lagu samayn doono.

Waxa ugu danbayn si wadajir go;aanada ka so baxa shirkan Jaaliyada Awdal iskugu iman doonto loogu bandhigi doonaa salaadiinta iyo waxgaradka ku sugan wadanka gudihiisa sidii haldhinac looga wada jeedsan lahaa gardaro kasta oo danbe oo lagula kaco degaano ku yaala gobolka awdal.


Murankan dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyey ka dib markii Muuse Biixi uu dhawaan Idaacada BBC da u sheegay inuu goob doon ugu jiro degaano horey uga tirsanaa gobolka awdal in lagu daro gobolka Gabiley .

Maxamed Xaaji
Saylac.com
London, UK

 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com