|
|
 |
|
| |
Xoogaga Maxkamadaha iyo
Al-shabaab oo howl galo ay Hub iyo rasaas ku heleen
ka fuliyay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Oct,02,2008
(Jowhar:Saylac.Com)- Kooxaha ka soo horjeeda
Dowladda TFG-da ayaa markii u horeysay Howl gallo
wada jir ah ka sameeyay Degmada Balcad ee Gobolka
Shabellaha Dhexe, waxaana howl galkaas iska
kaashaday Maxkamadaha iyo Alshabaab oo ka mid ah
dhaq dhaqaaqyada Islaamiyiinta majaraha adag.
Howl galkan ay iska kaashadeen Maxkamadaha iyo
Alshabaab ayaa waxay ka fuliyeen qeybo ka mid ah
Degmada Balcad, halkaasoo la sheegay inay ku soo
heleen Hub iyo rasaas kala duwan.
Goobaha uu howl galkan ka dhacay ayaa waxaa ka mid
ahaa Warshadii Dahrka iyo Suufka ee Degmada Balcad
oo ay ku soo qab qabteen Hub iyo rasaasba.
Masuuliyiin arrimahaasi ugaga hadleen dhinacyada
shabaabka iyo Midoowga Maxaakiimta ee Degmada Balcad
ayaa sheegeen in hubkaasi iyo rasaastaasi ay
ahaayeen qaar ay halkaasi ku kaydsadeen kuna
qariyeen waxa ay ugu yeereen Cadowga Ummadda
Islaamka ee maamulkii Dowladda TFG-da ee degmadaasi
horay u maamuli jireen bilo ka horna laga eryay
Howl galkaan ayaa ka mid noqonaya kuwa ay
dhowaanahan wada sameeyeen dhinacyadaas wada jirka
kacdoonka uga soo horjeeda Dowladda TFG-da iyo
joogitaanka Ciidamada Shisheeye, waxaana ay howl
galada
Xoogaga Al-shabaab oo meel
fagaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan deegaanka
Buula mareer.
..Oct,02,2008
(Buulo mareer:Saylac.Com)- Dhaq dhaqaaqa xarakada
Al-shabaab ayaa shalay galinkii dembe meel fagaaro
waxa ay kala hadleen shacabka ku dhaqan deegaanka
buula mareer ee gobolka Sh/hoose iyagoo ka
warbixiyay ujeeda ay ula dagaalamayaan Dowlada TFG-DA.
Xubin katirsan xoogaga Alshabaab oo lagu magacaabo
Abuu Muslim ayaa sheegay in ujeeda ay ula
dagaalamayaan dowlada TFG-DA ay tahay in dalka ay ku
hogaamisay Ciidamada Shisheeye taasina ay keentay in
aan la dagaalano ayuu yiri Abuu Muslim oo ka mid ah
xoogaga Alshabaab.
Sidoo kale Waxa uu ka hadlay dadka u shaqeeya
ciidamada Ethiopia oo ka iibsada raashinka
islamarkaana dadka u basaasa,waxaana dadkaasi uu ku
tilmaamay kuwo diinta islaamka ka baxay islamarkaana
la dilayo sida uu hadalka u dhigay.
Tan iyo markii dowlada TFG-DA iyo Ciidamada Ethiopia
ay soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa waxaa
bilaawday kacdoon shacab oo ay ku dhiteen dhinacyada
isku haaya Soomaaliya iyo dad rayid ah.
Dowlada TFG-DA ayaa iyadu sheegtay in ay dagaal kula
jirto waxa ay ku sheegtay argagixiso islamar
ahaantaan ay kasifeyn doonaan gudaha dalka
Soomaaliya sida ay hadalka u dhigtay.
Ururka Al-Shabaab oo sheegay
in hubka Saaran Markabka Ukraine ay laheyd dowlada
Ethiopia isla markana la doonayay in lagu burburiyo
Magaalada Muqdisho...Oct,02,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Afhayeenka Ururka Al Shabaab
Shiikh Muqtaar Rooboow Abuu Masnuur Isagoo u
waramayay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa waxaa uu
sheegay in markabka laga leeyahay wadanka Ukraine ee
sida saanada Milaateri ee ay afduubteen kooxaha
burcad badeeda Soomaalida ah in hubka uu siday ay
leheeyd dowlada Ethiopia lalana doonayay in laga soo
dejiyo Marsada Muqdisho shacabka loogu Xasuuqo.
Sheikha ayaa sheegay in hubka Saaran markabkaasi uu
ku wanaagsan yahay dagaalada ka dhanka Ah ciidamada
shisheeye ee Jihaadka ah isla markaana hadii uu
gancanta u gali lahaa uu dagaalka wax badan iska
badali lahaa oo ay dalka ka xureyn lahaayeen
Cadawoga ku soo duulay
Afhayeenka Ururka Al Shabaab ayaa meesha ka saaray
in wax xiirir ah ay leeyihiin kooxaha burcad badeeda
Soomaalida ah ee ka qowleeysta biyaha Soomaaliya
waxaana uu ku booriyay kooxaha burcad badeeda
Soomaalida ah in ay dab qabadsiiyaan oo ay badda ku
daraan hadii aan la siin wax madaxafurasho ah.
Hadalka sheikh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Masnuur
ayaa waxaa uu ku soo aaday xili xeebaha dalka
Soomaaliya lagu heysto markab laga leeyahay wadanka
Ukraine kasi oo sida saanado Milateri kaasi oo ay
afduubteen kooxo burcad badeed Soomaali ah isla
markaana ay ku hareereeysan yihiin maraakib Dagaal
oo Mareykanka uu leeyahay.
Culumaa'uddiinka Kismaayo oo
ku booriyay maamulka gacanta ku haya halkaas inay si
wanaagsan....Oct,02,2008
(Kismaayo:Saylac.Com)- Culumaa'uddiinka degmada
Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa ka codsaday
maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya degmadaas
inay si wanaagsan ula dhaqmaan culumada kale.
Culumadan oo ka tirsan dariiqada suufiyada ayaa
waxay sheegeen in shalay loo diiday inay tukadaan
salaada ciidda, sababo la xiriir maalitii ciidda oo
ay soomanayeen.
"Maamulka waxaan ka codsanaynaa inay noola dhaqmaan
si wanaagsan, ayna ogaadaan in Islaamku yahay isku
mid" ayuu yiri mid ka mid ah culumada degmada
Kismaayo.
Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay loo
diiday dadkii ku tukan lahaa salaada ciidda
masaajida Kismaayo yaala, waxaana la xiray dhowr ka
mid ah culumadii dadkaas tujin lahaa.
Masaajiddo shalay la xiray ayaa dib loo furay,
waxaana talaabadaan ay noqonaysaa tii ugu horeysay
oo ay ku dhaqaaqaan maamulka gacanta ku haya Kismayo,
kuwaasoo magaaladaas awood kaga saaray Xildhibaan
Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo maleeshiyaad uu
horkacayay.
Isbitaalka Madiina oo la
gaarsiiyay in ka badan 39-qof oo ku dhaawacmay
duqeymo ka.....Oct,02,2008
(Muqdisho:Saylac.Com)- Isbitaalka Madiina ee
Magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay in ka badan
39-qof oo dhamaantood ku dhaawacmay duqeymo xoogan
oo u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo kooxaha
kacdoonka ka wada Muqdisho ee ka soo hor jeeda
Ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha dalka iyo
Dowlada TFG-da .
Dhaawacyadan ayaa la sheegay in qaarkood ay yihiin
kuwo halis ah, waxayna dhaqaatiirka isbtaalkaas ay
saxaafada u sheegeen inay daweyn u wadaan, ayna ka
mid yihiin dhaawacyada caruur iyo haween.
"Inta badan dhaawacyadu waa fudud yihiin, balse
waxaa jira kuwo culus, sida haweeney lugaha ka
go'day" ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeennada
Isbitaalka Madiina.
Madaafiicda sababtay inay dhaawacmaan dadkaan
rayidka ah ayaa timid kaddib markii la duqeeyay
garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay kasoo dagtay
diyaarad u socotay ciidamada AMISOM.
Khasaaraha ka dhashay duqeyntii shalay ayaa waxay
isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka
dhintay ay gaarayaan 9-qof oo ka mid ah qoys uu
madafac kula dhacay gurigooda oo ku yaala degmada
Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.
Max'ed Ibraahin Raage
Saylac.Com Muqdisho Somalia
|
|
|