Gabaygan
waxaan ugu magacdaray shanqadhweyn sababtuna waxay
tahay ka dib markii uu Abwaanka qaali ah ee aanu
saaxiibka nahay
Abwaan Bashir Sheekh Cumar Good uu helay dhawr gabay
oo aan dhawaan isaga si gaar ah ugu diray
Jawaabteediina uu kusoo
celiyey "Walaal Gabayadaadu shanqadhweyn ayey soo
wadaan runtii waxaanan ka dhex sawiranayaa Murtidii
Ugaas Nuur" sidaa
awgeed ayaan gabaygan ugu magac daray shanqadhweyn
aadna mahad weyn ayaan Abwaanka nooga horeeyey
suugaanta Soomaalida ee
Abwaan bashir Sheekh Cumar ugu mahad celinayaa
tilmaantaa iyo hogatusaaleynta hiyi galintu ku
dheehan tahay. Gabaygan oo
xarafka shiinka oo abwaaniin badani ku tilmaamaan
inuu xadidan yahay helista suugaantiisuna ay ku
xidhan tahay hadba intuu
hibada Eebe kuu siiyo ayaa waxa tiriyey Abwaan
Maxamuud Cabdilahi Rooble tariikhdu markay ahayd
04,07,2008. Kani waa qaybtii
kobaad ee shanqadhweyn.
Wuxuu yidhi:
Shanqadhweyn hadaad sheegtey waa ,sheeko yaabadane
Hadaad shallow kasii dhici runtaan ,shayba loo
dhigine
Sida shaaca waaberi murtidan, sharafta loo yeelay
Qasab kuma shirbeeyee ,shugriga Eebe waw mahade
Waa shamista muuqeeda iyo, kaymo shaalimane
Waa shaacir hadalkuu yidhaa, shayba loo dhigine
Waa sharaf dahsoonayd hadaan ,ceel ka soo shubaye
Shuxshux maaha suugaanta waan, kala shubaayaaye
Sharna maaha duulan coloo ,shaahidbaad tahay
Sharcigeeda ruuxaan aqoon, sheegi kari waaye
Shuruudaha ragii hore dhigaa ,lagu shakaalaaye
Intaan shaal usoo xidho ayaan, shaylihii dhigiye
Sida gabadh garays loo shushubay, shaadirkiyo luulka
Oo sheekh kusoo fooleh iyo, meherna loo sheegay
Oo dumar la shawshawrayaa, shaykastaba saaray
Heelada shirbiga loo tumiyo, sharaxa nuuciisa
Haween wada shareerani shaxlayn shagax ka siinaayo
Oo shaahid loo yeedhay iyo odayo shaalweyna
Shifo haw ahaatee ninkii shidena eegaayo
Kaba shaagle duukhiisa helay sheeko laga reebye
Luul shubcayb ku hoosjiriyo waa, dheeman shalaxlayne
Shabadaa ninkii helay kolay ,wuu shabacayaaye
Hadaad shicirka dawgiisa iyo sharafta loo yeelo
Ama aad shucuutriisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa, shakina waa ceebe
Sida sheekh kitaab shubaya oo ,shayna ka hilmaamin
Shalilaha haduu seego waa ,sheeko baralaye
Shibanaha xuruuf lagu xardhiyo shaqalo waaweynba
Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida sheegto camalkiise
Shaqalada hadaan sii dhexgalo, amase aan sheego
Shimbiraha cirkaa duulayee, samada sheexaama
cirka shawle heegada shax tidhi, waqalka sheemaaya
Xareed shuluqleh doogii dhulkoo ,shaarubaha qoystey
Oo shagagax roobkii uda'ay ,dhibic ku shayshaydhay
Geedaha shuxmanayaa caleen, shaala wada haysto
Shoomaasi aan lagu ogayn, shoona laga naarye
Nin shifaysan waayaa ma garan ,shaafiyow nabade
Balaayada shinkeedii galaa ,loo shan tumayaaye
Markii shimiqda hoos loo yidhay ,shiiqday nabadiiye
Laye shaaha ii qaad anaa ,shaadhcad kuu galine
Maamuus shilayskay lahayd ,shay kamuu hadhine
Shaarubo libaaxbay gashiyo ,shilin afkeediiye
Nimanyahow sidii sheekhu rabay, looma shaawirine
Shiri edega foorara sidii ,shacaw abaar jooga
Hadii neef urtiisa amkaday ,shufati shiixaamo
Oo xero shabeelkii u dhaco ,ina shadeed qaado
Shuu inaad tidhaahdiyo inaad, shib iskasii joogto
Shuxshux hoose way nala hadhoo, shaaxid baan ahaye
Qalbigu wuxuu shanjeer soo tufaa ,shid iyo waabaye
Labadaa inaad sheegtid baan ,kaa shin sugayaaye
Hadaad shicirka dawgiisa iyo, sharafta loo yeelo
Ama aad shucuutriisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa, shakina waa ceebe
Sida sheekh kitaab shubaya oo ,shayna ka hilmaamin
Shalilaha haduu seego waa ,sheeko baralaye
Shibanaha xuruuf lagu xardhiyo, shaqalo waaweynba
Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo ,shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida, sheegto camalkiise
Waaloo shintiriyaa murtida ,tii shilays badane
Dhegahaaga waanada ku shubo ,shay kalaa dhimane
Sida sholimaad waqaf catilan ,ilo muquul sheeney
Ama sheekh dadkii uu mudnaa ,sheeda uga baydhay
Ama ceel ragii shubi lahaa ,baladka shaaxaayo
Ama shacab dantoodii ka biday ,sheeko iyo haawi
Dareenkaa i shiday iyo dhibtaa ,shaadhka loo tolayo
Shisheeyuhu dhibtuu geysto waa ,laga shangaadhaaye
Sharka dariska kaa soo galaa ,shayba loo dhigine
Shoocaaliga racwiga ay wadaan waa ,mid sheed tagiye
Shariiryaha danbaha saaran iyo ,xumaha shayeysan
Anigoo sharookh filaya iyo ,sooryo sharafteeda
Shiraaqyada utolo meel cidlaha ,wayla shaykale e
Anigoo shaleewimo is idhi ,shacabku naweeli
Hadii niman naflaha wiirsi shubi, ila shicwaw loolo
Shiigaari nooliba marbuu ,shalaw ka boodaaye
Shiqi Eebe diidiyo hadii ,shafati loo heeso
Shaafici kitaabkiisa way ,kala shidoobeene
Shufshuftii ruqaansiga haduu, shanabadii soohay
Shaharkaa bilawduu u baxay ,camalkii shaydaane
Shegyi hadimo loogsaday ,shujaac looma shaawilo e
Shilka dhacay anoo filaya inuu, shacabku dhawraayo
Walee niman shukaysani sidii ,habar shilasdhaftey
Intii laigu sharaf raadsan laa ,aniga oon shaashin
Cadaab shidan inaan dubuq idhaa, amase aan shiilmo
Ama sheeda aan uga baxoo ,sheego magacayga
Shuxshux hoose way nala hadhoo, shaaxid baan ahaye
Qalbigu wuxuu shanjeer soo tufaa, shid iyo waabaye
Labadaa inaad sheegtid baan kaa, shin sugayaaye
Shamis iyo ilays muuqda oo,lagu shuraakoobo
Shafka waxaan ku haystiyo hadaan ,sheego malahayga
Dhaxaan shib soo wada marnee ,shaaca kaga qaado
Sharadbaan ilaahay la maray ,inaan ka shiixayne
Shiki maleh inuu reer tolkay, sheekhyo leeyahaye
Iyo sheybayaal taliya oo shubi, aqoontiiye
Inay shawrto ooy wada shirtoo, midina sheed aadin
Iyo inay shirqool adag gashoo ,sheeko laga reebo
Shuraakada wanaag lagu galaa ,lagu shingaadhaaye
Sharkanaxa naxligu leeyahay ee, shilinka loo raaco
Markay wada shidowday galeen, beled shishaade
Shixnad maaha reeruhu la gayn, shiilo iyo dheege
Ninka sheeko hadal moodayow ,shaahid waataniye
Shafeecada kuwii lagu ogaa ,sharaf ma haystaane
Shanqadh baa ku xidhan reerihii ,shiine soo diraye
Shido iyo wixii shoog kumaray ,shaaluf iyo ciilba
Bal inuu dadkani sheesi yahay ,amase shii joogo
Wixii shalay nasoo maray ayay ,shaadh u tolayaane
Shaxda jagida ways kaga kulmaan, magaca sheedaaye
Hadana sharaftu gaarbay u tahay ,sheelan tii mudane
Dhulka kii shaxsoon ee nirguhu, shamayda laacaayo
Iyo shaarac doog aan ka bixin ,kala shiciin roone
Shuxa roob dabayluhu wadaan ,tifiq shalaaxiisa
Mahiigaan shinkiisii socda oo, karan ka soo shawleh
Iyaguna inay kala shubteen ,shuqulku weeyaane
Shugri uguba oo sheekhii dhalay ,edeb ku soo shaaley
Shacni iyo wanaag lagu galaday ,waa shifiyo deeqe
Iyo tii shaxeex aan lahayn ,lagula shawshawro
Adiguba inaad shaahid tahay ,tii la sharaf siiyo
Labadaasi inay kala shubteen ,shuqulku weeyaane
Hadaad shicirka dawgiisa iyo ,sharafta loo yeelo
Ama aad shucuutriisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa, shakina waa ceebe
Sida sheekh kitaab shubaya oo ,shayna ka hilmaamin
Shalilaha haduu seego waa ,sheeko baralaye
Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida ,sheegto camalkiise
Shalaytada shiftadu soo wadiyo ,xumaha soo shawleh
Ogobeey shirloo uunsiyaa ,shiday dhulkeeniiye
Shabaxsami Malaha seega waa, lagu shidoobaaye
Nabadii dadkani sheegan jiray, nimankan shaasheeyey
Hadii faras gamaanoo shin jiray, goodi lagu shaamo
Markuu garabku shoocaamis galo ,damaqu sii shaaco
Shanqadhkale mayeeshee ,shafkuu sarey utaagaaye
Orodkuu shaxaadaa Calow ,shilix ka liicaaye
Shakaalkaba markuu tuuro bay ,doqoni sheegtaaye
kolka inay shahiid taagan tahay, shuqulsi leexeeyey
Lufadii shatiga naawilside ,shuushkiibaa helaye
Shareeradi intey kula odolin, nabadu sii shiiqin
Inaad shirar samaysaan aduun ,shoobi laga waaye
Oo aad shujaac leedihiin ,shida aloogtiina
Iyo inaad shirqoolkaas rabtaan ,taniyo shaanshaanba
labadaa inaad sheegtid baan ,kaa shinsugayaaye
Hadaad shicirka dawgiisa garan, sharafta loo yeelo
Ama aad shucuurtiisa gabay ,shiinka ka hingaadin
Waa inaad shareecada martaa , shakina waa ceebe
Sida sheekh kitaab shubaya ,oon shayna ka hilmaamin
Shaliilaha haduu seego waa ,sheeko baraleye
Shibanaha xuruuf lagu xardhiyo, shaqalo waaweynba
Waa inaad wuxuushtoo dhaniyo ,shiin wixi galaba
Shaydaan kolay tahay murtida, sheegto camalkiise
Sanqadhweyn Qaybtii 1aad
By/ Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble
Tafatiraha Saylac.com
email: Saylacnews@yahoo.com
|