| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dhimasho iyo Dhawac dad Rayid ah oo ka dhashay Madaafiic iyo weerar lagu Sagootinayay Cabdullaahi Yuusuf..Jun,01,2008 ..Daaawo sawirada
(Muqdisho:Saylac.com)-Cusbitaaka Madiina ee magalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Dhaawacyo dad ku dhaawacmay Dagaaladii xalay ilaa saakay ka dhacayay qaybo ka mida Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadaan maanta la gaarsiiyay Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo ahaa dad rayid ah ayaa waxaa qaar ka mid ah dadkaasi ay ku soo Dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama ee gobolka Banaadir kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada oo isku dhinaca iyo xoogaga ka soo horjeeda dagaalkasi oo biloowday xili Madaxweenaha Dowlada KMG Soomaaliya uu ka dulayay Garoonka Muqdisho Airport.


Shan ka mid ah dadkii ku dhawacmay Dagaalkii maanta ka dhacay Wadada Makka Al Mukaramay iyo haweeneey iyana ku dhawacntay Duqeeyn Madaafic ah oo ay shalay ciidamada Ethiopianka u qeeybiyeen Xaafado kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay qeeybaha Jiifka Ee Cusbitaalka Madiina sida uu Idaacada shabelle u xaqiijiyay Agaasime xigeenka Cusbitaalkasi Daahir Dhere.

Dhaawaca Dadkani iyo dhimashada ayaa waxaa ay timid kadib markii weeraro kala duwan ay xoogaga ka soo hor jeeda dowlada iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Wadada Makka Al Mukarama xili uu halkasi mararayay Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hor kacayay oo ku sii jeeda Dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan kulan halkasi uga Furmaya Dowlada KMG Soomaaliya iyo Mucaaradka ka Soo hor jeeda.


Sidoo kale Xoogaga ka soo hor jeeda dowlada ayaa weerar loo Adeegsaday Hoobiye yaal waxaa ay ku garaaceen Garoonka Muqdisho oo uu ku sugnaa Cabadillaahi Yuusuf Axmed kaasi oo aan la ogeeyn qasaaraha ka dhashay waxaana uu qal qal soo galay Safarka Cabdilahi Yusuf Waloow Markii danbe uu Si nabada ah ku duulay.


Inta badan Dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay saameeyn weeyn ku yeelataa Dadka Rayidka ah ee ku nool Muqdisho kuwaasi oo qaar ay haleelaan Rasaasta iyo Madaafiicda la isku weeydaarsanayo Magaalada halka qaar kalena ay xir xiraan ciidamada dowlada iyagoo u aaneeynaya weerarada lagu soo qaado, kuwaasi oo lagu hilmaamo qaar ka mid ah Xabsiyada Magaalada Muqdisho.


Max'ed Ibraahin Raage.

Saylac.com Muqdisho Somalia.


 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com