Sanadguuradii 31aad ee ka soo wareegtay asaaska
ciidanka qaranka Jabuuti oo maanta lo xusay.
Jun,07,2008
Djibouti(Saylac.com) Munaasibadan sanadguurada 31
aad ee ka soo wareegtey asaaskii ciimada Jabuuti
ayaa maanta ka dhacday xerada ciidamada ee Sheekh
Cisman. Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay Ra'iisul
wasaaraha dalka Jabuuti, Wasiirka difaaca dalka
Jabuuti iyo madaxkale.
Heestii kooxda
Xarbi
Maqal
Xafladan ayaa lagu soo bandhigay warbixino ka
hadlaya horumarka ciidamada Jabuuti ay gadheen
dhinaca qalabka milatariga iyo tababarada ay ka
helaan ciidamada Dalka Maraykanka ee degan dalka
Jabuuti. Afhayeenka Ciidamada Dalka Jabuuti ayaa
sheegay inay ciidamada qaranka Jabuuti ay diyaar u
yihiin inay dalka difaacaan si dhakhsi lehna uga
jawaabi karaan hadii weerar kaga yimaado dalka
Eratariya oo dhinaca waqooyi dhawaanahan labada
ciidamo isku hor fadhiyaan.
Dhinaca kale kooxda Xarbi ayaa iyaguna xafladan
maanta lagu xusayey sanadguuradii ka soo wareegtey
asaasida ciidamada Jabuuti ku soo bandhigay heeso
wadani ah oo ka turjumaya qiimaha dalku leeyahay iyo
waajibaadka ciidanka iyo shacabka jabuutiba ka
saaran in cadaw kasta laga difaaco.
Munaasibadan sanadkan ayaa waxay kusoo beegantey
xili uu khilaafka labada dal ee Eratariya iyo
Jabuuti sii kordhayo iyadoo 70% ciidamada
Jamuuriyada Jabuuti ay ku sugan yihiin furinta hore
labada ciidamo is horgadhiyaan.
Sawiro badan
hoos ka eeg
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti
Djibouti
 
 
 
Osman
Husein Saylac.com / Djibouti /Djibouti |