|
|
 |
|
| |
Badri maxamed:figraada
lamiga waa qalad waa in lamariyo lughaya ama waa in
dikad lagudhisoo lamiga borama waxba masoo
kordhinayo.
Ismacil Axmed:Horta aad ayaan ugu farxay
dhismaha jidka waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa
hawlwadeenada shabakada saylac.com ee isku soo dubo
riday hawshan. Anigu waxaan qabaa Boorama Jidkani
waxba uma soo kordhinayo waayo maaha meel baayac
mushtar ama dhaqaale gobolka u keeni karta sidaa
darteed intaa maanta ku baxday laamiga waxay dhisi
lahayd dekada saylac . intaa ku joogiya jidka ilaha
dhaqaale ee gobolka eega oo indhaha kala fura ayaan
ku soo gabagabaynayaa maqaalkayga.
Idiris Cigaal: Dawlada Somaliland ee aad
madaxda ka tihiine ma artifishal baa waa sidee dahir
muxuu u dhisi waayey jidka idin wareeriyey waxaan
leehay waa riyo dheer in shacabka tamarta yari dhisi
karo jid 30 KM ee Dahir waa inuu ka dhisaa lacagaha
milyanka doolar ah ee uu haysto hadii kale Siilaanyo
ka raaca shuruudna la gala ayaan idin leehay ree
Awdaloow. Somaliland Guul.
Farxiya Ali: Meeyarka Boorama aad ayuu u
mahadsan yahay hashl weyn ayuu wadaa dhamaan dadku
waa inay is garab tagaan tageeraana jidkana waa mid
magaaladu sugaysey 45 sano ee ka qayb qaata
dhamaantiin waxaan salaan udiirayaa saylac.com iyo
wariye jirde oo video gan noo soo gudbiyey.
Mohamed Hasan: Sawirkani waa probgando aan
shaqaynayn oo Dahir Rayale Dadka ku sirayo hadii ay
ka dhab tahay maxaa loo joojiyey oo loo dhamays tiri
waayey jidka dila iyo borama. waa sheeko baraleey
dadka lagu soo jiidanayo ee runta haloo dhaadhaco
gobolkana waa galgalin aan waxba ooli ee eebe ayaan
sugaynaa iyo dawlad cadaalad ah .
Amina Kamil: Mashruucii la bilaababa waa
horumar usoo korodhay wadanka guud ahaan ama Awdal
ama Ceerigaabo dadkuna waa inay wadankooda dhistaan
oo aan loo kala hadhin aad ayaan u tageersanay
jidkan iyo jidadka kaleba.
Cumar yasiin: Dawladihii inaga horeeyey ilaa
Siyad bare dhagaxna may dhigin awdal ee Marka hore
Allaha ka jasaa i siiyo Madaxweynaha Somaliland
Daahir Rayale Kahin oo u soo jeestey dhismha gobolka
iyo guud ahaan gobolada s/land oo dhan. Mucaarad
waxba sheegi maayo ee dadku waa inay dawlada garab
istagaan hiil iyo hooba jeebka gacanta galiyaan
jidkana dhamaystiraan. ha is kaashato.
Daahir Muuse: Meeyarku hada wuu ka maqan
yahay dibada ayaan ku wadaa ilaa hada inuu ku maqan
yahay markaa dadka magaaladu waa inay sii wadaan
hawsha ururkii arna hawshooda ha sii wadaan
shacabkuna ha taageraan dawladi wadan ma dhisto ee
dadkaa dhista guul awdal and somalialnd .
Rayigaaga jidka
ku saabsan kusoo dir Saylacnews@yahoo.com
Fadlan soo
raaci meesha aad degan tahay iyo sawirkaaga
Mahadsanidiin
|
|
|