| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 

Qiso yaableh oo ku saabsan jidh dilkii ka dhacay Wajaale..+Sawir qisada turjumaya Dec,21,2008

London(Saylac.com) Qisadani waa qiso dhab ah oo ka dhacday degmada Wajaale ka dib markii Taliyaha Booliska degamda wajaale oo qaadiro weyni ka muuqato uu ku soo toosay inuu ku cadho furfuro wadaad magaalada ku haysta maktabad yar oo kutubta diiniga ah lagu iibiyo.

Marka hore ninkan Booliska ahi dhawr jeer oo hore ayuu ka joogsaday inuu dhib u gaysto wadaadkan kutubta iibiya waayo waxa uu ka baqaayey hadii uu dhib u geysto inay u keeni doonyo dhibaato ka weyn oo usoo weydaarada, waayo sanadadan danbe waxa la wada ogsoon yahay in gadhweynayaasha aad looga baqo oo xataa dawladihii waaaweynaa ay khaatiyaan ka joogaan iskana ilaaliyaan inay faro la galaan arimahooda.
Du Hebing herds sheep with his wolf poster /Quirky China News

Laxina kor may dayin inuu waxani yahay Sawir yey ee aanu ahayn yey dhab ah ilayn way carari lahaayeene. Wadaadkuna ismuu weydiin in ninkan Booliska ah ee dhirbaaxay aanu ahayn dawlad la aqoonsan yahay oo cadliga dhawrta ilayn dhirbaaxo leeg ayuu ugu jawaabi lahaaye.


Hadaba si uu si miisaaman uga taxadiro ayuu ninkan taliyaha booliska wajaale wuxuu ninkan iyo dhawr nin oo kale usoo gashaday dirayska Booliska oo aabad moodo inuu matalayo dawlad qaran ah oo aduunku aqoonsan yahay isla markaana sharciga iyo qawaaniinta dadkeeda u heelan kuna hawl gasha inay amaanka iyo kala danbaynta cadliga ku dhisan fuliso...... dhibaaxo iyo dhac aan horey uga dhicin degmada wajaale ayuu kula kacay ninkan wadaadka ah ee aanay jirin wax danbi ah oo uu galabsaday.


Qisadan ayaa waxay i xusuusisaa nin adhiile ah oo yey lahaan jiray adhiga u eega isaguna hawlihiisa kale qabsada. Yeygii ayaa maalin maalmaha ka mid ah ka dhintey ninkii markaas ayuu waxa uu sameeyo garan waayey inyar ka dib ayuu fikirey markaas ayuu sawri weyn ka qaaday yeygii ka dibna adhigii madaxa u gashaday si ay wali u haystaan inuu yeygii noolyahay sidaa ayuu adhigii ku daaq geeyaa maalin walba iyadoo aanay laxkaliya ahi is dhaqaajin waayo waxay u haysataa inuu yeygii daba socdo..

Dawaladihii soomaaliyeed ee hore ayaa ahaa yey dadka dhiba walise waxa la yaableh dadkan sida adhiga sawir dawlad dhimatey waa ware lagaga cabsiiyo jidh dilna loogu geysto.

Arintan ugu daran ee aan jecelahay inaa raaciyo qisadan ayaa waxay tahay in saxaafadu siweyn uga hadashay dhibanayaashan jidh dilka ka loogu gestey  wajaale waxana aan aad iyo aad uga xumaaday yabooh  qaadhaan oo ay saylac.com usoo jeedisay Jaaliyada inay ku taageeraan dhibanayaashaa jidh dilka loo geysay oo aan ilaa hada intaan ogahay cidina kasoo jawaabin ( Waa damiir dhintey iyo dadkiis)) Waxaan mar labaad jaaliyada ku dhiiri galinaynaa inay ka soo dhex baxaan 50 qof oo $50 doolar midkiiba ku deeqo $2500 inaanu sanadku dhamaan. lacagtaa oo wax loogu qaban doono dhibanayaasha jidh dilka lagu sameeyey >>Halkan ka eeg sidaad u bixin lahayd qaybtaada

Waxaan hadal ku soo gaabinayaa waar sawir weeye ee dawladii yeyga ahayd ee soomaaliya waa hore ayey dhimatey ee ninkan dhirbaaxada iyo sigaarka idinku daminaye ha u qaadanina inuu dawlad yahay dhirbaaxo iyo laadba iskugu dara badu buurta ha jiidhee hadii kale sida adhigaa sawirka yeyga la daba sido ayaad waligiin ahaanaysaan.
 

qisadan maxaa ka dhaba maxaase aan garab maray ? ka dhiibo fikirkaaga saylacnews@yahoo.com

Maxamed Xaaji
Saylac.com
London- UK
email: saylacnews@yahoo.com


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com