|
|
 |
|
|
Jan-17-2008:(Maanso Oohin)
Sagootis Marxuum Xasan Sh. Muumin
by Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble..
Jan-17-2008

Tixdan gaaban waxa uu abwaanku ku
sifaynayaa naxdinta iyo murugada ay ku
reebtey Geeridii naxdinta lahayd ee
Marxuum Xasan
Sh. Muumin ku timi Shalay Arbacadii
Bishan Janaayo 16,2008. Dareenka
Murugada xambaarsan ayaa u diiday inuu
sii wado abwaanku ama sii dheereeyo
maansadan balse intan yar ayuu ku
sagootiyey Marxuumka . Allaha Janadii
Fardowsa ha ka
waraabiyee(Amiin - Amiin)
Maansada waxa la yidhaa Oohin!!
Wuxu yidhi:
Afsoomaali idilkiiba wuu la tagee
Erayba kuma hadhin aduunkan jiree
Aqoon la heliyo abqaarnnimadii
Erayo taxanoo hidaha ogoliyo
iIwaad dumaroo amaan la yidhaa
Alufka lagu dhigo iskuulka dhulkiyo
Calanka erayada amaanta huwani
Aroorka la geeyo geela irmaan
Wixii aragtida indhuhu u muhdaan
Aroos lagu beega ciida bileed
Aroor aminkoo aan oodka fogayn
Amase odayaal is-uur xadhoo
Intey aminkii salaada arkeen
Eedaanka ku beegay aamiintiyo
Is'ogol cirku uu irmaan uyihiyo
Adeega bulshada ninkii u kacaa
Ilaah kama oodo guusha ifkiyo
Ilaha Janadoo irmaan u noqdee
Iclaanka la sheegaybaa idilee
Afkiyo gacantey sukay anbadee
Ikhyaarnimo eega iima sugnee
Ayaana ayaana iima darnee
Hadaan axadiyo isniinta necbaa
Arbacaa kadartoo ishii i gudhee (Allaha
u naxariistee arbucuu dhintey)
Intaan amakaagay edaadee
Indhuhu oohintii ilays ma lehee
Uurkiyo calooshaa i aamusilee
Kolay oohin iima oolin kartee
Aan aastee aamintaa ii dhaha
---------------------------
Hadii Aaran ay agtiisu ahayd (Aaran=
Barwaaqo)
Afaafka aqoonta aad u martiyo
Aftahan laga aayey ayniga iyo
Unuga hadalkiyo asaaska murtida
Aduun ka qarsoon dadkoo idilbuu
Agteena dhigoo idiin mariyee
Wakaa uunkii ka aamusi lee
Ayaana ayaana iima darnee
Hadaan axadiyo isniinta necbaa
Arbacaa kadartoo ishii i gudhee
Intaan amakaagay edaadee
Indhuhu oohintii ilays ma lehee
Uurkiyo calooshaa i aamusilee
Kolay oohin iima oolin kartee
Aan aastee aamintaa ii dhaha
---------------------------
Ayaamaha hiifta soo ururshiyo
Iftiin lagu eego oomaarkiyo------(omaar=abaar)
Akhlaaq wacanoo Ilaah laga helo
ilinka Murtidiyo inshaarada wacan
Intuu kolba eegay soo onkodyee
Maantaba aakhiruu ku oodan yahee
Abaabul kaleeto iima sugnee
Ayaana ayaana iima darnee
Hadaan axadiyo isniinta necbaa
Arbacaa kadartoo ishii i gudhee
Intaan amakaagay edaadee
Indhuhu oohintii ilays ma lehee
Uurkiyo calooshaa i aamusilee
Kolay oohin iima oolin kartee
Aan aastee aamintaa ii dhaha
--------------------------
Abwaanimo ruuxna uuma dhawee
Asraaraha uu Ilaah ku bariyo
Suugaanta afsoomaaligoo idilbaad
Ayaanba aad heelo noo tirisoo
Abaar dadka oo is aamini laad
Agtooda ku beertey geed adagoo
Afguri laga sheego ayshaca iyo-----(afguri=lahjad)
Ishii bari iyo ilaa afmadow
Intaa ologee Ilaah ku khalqaad
Dhamaan alkuntood amaanta bartee
Anfaca laga helay ilays ka bixiyo
Aflaxa Ubadkii asluub la kacee
Ayaana ayaana iima darnee
Hadaan axadiyo isniinta necbaa
Arbacaa kadartoo ishii i gudhee
Intaan amakaagay edaadee
Indhuhu oohintii ilays ma lehee
Uurkiyo calooshaa i aamusilee
Kolay oohin iima oolin kartee
Aan aastee aamintaa ii dhaha
----------------------------------
Eebaha uunkani ayaan irkadee
Udubka diintaan agtiisa tagee
Ustaadkii rasuulka Eebahay iyo
Intuu ogolaaday uu la bixiyo
Dhamaan ambiyada agtiisa jirtiyo
Janada Ubixiyo udgoonku dhexyaal
Ishii aragtaa ayaanbadanlee
Ilaahoow agteeda nuurka lihiyo
Fardowsa ku ooli aradkeed (amiin-Amiin)
Intaan amakaagay edaadee
Indhuhu oohintii ilays ma lehee
Uurkiyo calooshaa i aamusilee
Kolay oohin iima oolin kartee
Aan aastee aamintaa ii dhaha
Abwaan: Maxamuud Cabdilahi Rooble
Gudoomiye ku xigeenka Ururka Gurmad
Ahna Tafatiraha saylac.om
email: saylacnews@yahoo.com
|
|
|
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|