TOP STORIES
DR Cabdiqaasim Salaad Xasan oo bari subax ku soo fooleh magaalada Muqdisho
Nairobi Jan- 30- 04

Dr Cabdiqasim Salaad Xasan oo ah madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa bari subax ku fooleh magalada Muqdisho si Barlamaanka KMG uga soo ansixiyo axdi qarameydkii uu dhawaan ku saxiixay magalada Nairobi.

Safarka Dr Cabdiqasim ayaa fasax shan Maalmood ah u ogolaaday gudiga farsamada shirka Somalida ee Igad si uu ula soo ciido dadweynaha magalada Muqdisho kadibna uu ugu soo laabto magalada Nairobi oo dhawaan ka bilaaban doona xulitaankii Baralmaanka KMG

Dhanka kale waxaa bari loo balansan yahay in ay hogaamiyasha Soomalida ku sugnaa magalada Nairobi ay ayagana ka ansixiyaan(Plenary) Axdi qarameydka cusub si dhaqso loogu gudbo soo xulitaanka mudanayasha Baralmaanka kaasoo dooran doona gudoomiyahii Barlamaanka, kadibna la doorto Madaxweynaha xukumi lahaa dowlada la damacsan yahay in ay ka dhalato magalada Nairobi ,taasoo xukumi doonta Soomaliya shanta sanadood ee soo socota

Source: Daynile
Click here for latest news from Somalia

- News by Region -

[advertisements.htm]

Copyright © 2003 Saylac.com