Taliyaha Boliska wajaale oo
jidh-dil xun ku sameeyey lix oday dhaqameed oo
reer Awdal ah oo bilaa sharci ugu xidhan jeel
kuyaala magaalada Wajaale
.Dec,07,2008
WAjaale,(Saylac.com) 07 Dec.08--Duqayda Maxbuus ku xidhan Saldhiga
Wajaale ayaa qoraal cabasho ah soo gaadhsiiyay
Saxaafada, cabashadaas oo ka dhan ah Taliyaha
Saldhiga Booliska Wajaale wuxuu u qornaa sidan;
Hadaan nahay Duqayda iyo waxgaradka hoos ku
magacaaban, Waxaan u dacwoonaynaynaa Maxbuuska la
yidhaa Farxaan Cabdi Xadi oo ku xidhan saldhiga
Wajaale mudo 8 maalmood ah, Maxbuuska waxaa kowdii
bishan saacadu markay ahayd Kawdii iyo badhkii
habeenimo ciidan uu wato taliyaha saldhiga Wajaale
ku weerareen gurigiisa uu degenaa, taas oo ay si
argagax leh u galeen hoygii uu degenaa Cauurtiisa
iyo xaaskiisu, iyaga oo jebiyay albaabadii daarada
gurigiisa xoogna ku soo galay gudaha Aqalka, Intaa
ka dib waxaa la geeyay saldhiga oo lagu xidhay,
isaga oo aan garanayn ciidankan aqalkiisa kala baxay
cida ay yihiin, waxa intaa raacda markii la eegayay
dadka xidhan kiisaskooda ayuu taliyaha saldhigu
aflagaado iyo laag ku dhuftay maxbuuskaas oo uu
yidhi dib u celiya kani, markii maxbuusku yidhi
maxaad ii laagtayna intuu ka dabategay ayuu Tunka
sigaar kaga bakhtiiyay, Nabarkiina wuxuu kaga yaalaa
luqunta, Arintaas oo ah mid Aadamanimada ka baxsan.
Hadaba hadaan nahay odayada Maxbuuska sharci darada
ugu xidhan saldhiga wajaale, waxaan leenahay hala
noo cadeeyo sababta loo xidhay iyo waxa loogu
sameeyay jidh dilka noocan ah ee sigaarka qofka lagu
bakhtiinayo ? Maxbuuska waxa kale oo lagula kacay
waxyaabo sharciga ka baxsan waxaa loo diiday in
dibada la soo fadhiisiyo wakhtiyada ay dadkiisu
arkayaan, waxaan u aragnaa cabudhinta iyo
cagajuglaynta uu ku hayo maxbuuskaas taliyaha
saldhiga wajaale mid uu ku jiro nacayb iyo takoor uu
dadka ku kala qaybinayo.
Sidaas darteed waxaan ka dalbanaynaa dawlada
Somaliland, gaar ahaan Hogaanka Ciidanka Boolsika
Somaliland in ay baadhis iyo talaabo adag ka qaadaan
cida maxbuuskaas uu u xidhan yahay mudo 8 maalmooda,
oo ah Taliyaha saldhiga wajaale, Anagu markaan
tegnay saldhiga waan weynay taliyahaas, ciidankiina
wuxuu noo sheegay in uu isaga u xidhan yahay
maxbuusku, waxa kale oo la noo cadeeyay in Caroos
yahay taliyuhu oo aan la heli karin, waa maxay
cadaalada noocaas ah ma shaadhka Ciidanka Booliska
ayaa dadka lagu dulmiyayaa ? si degdega waa in
talaabo looga qaadaa, waxa kale oo aan hayadaha
xuquuqda Aadamaha u dooda ugu baaqaynaa in
waxyaabaha ka socda Wajaale loo yeesho fiiro gaar
ahaaneed, waayo waa meel xuduuda ku taal, waa meel
dadka la iska xidho sabab la'aan, qofkii loo garto
in uu Galbeedka ka yimid waxaa loola dhaqmaa qaab
cunsurinimo.
Waxaan ku soo gunaanadaynaa haddii talaabo ay qaadi
waayaan madaxda Boliska Somaliland, oo ay ka qaadi
waayaan taliyahaas, waxaan u aragnaa in ay ku
raacsan yihiin falalka uu ku kacayo, Hadii maxbuusku
leeyahay wax dambi ahna waa in maxkamada degdeg loo
horkeenaa, waayo maxbuusku waa Nin iskii uga
xoogsada magaalada Wajaale.
Odayada Maxbuuska Xidhan..
Suldaan Aadan Gaas
Xaaji Cabdi Aw Damac
Eng.Daauud Muxumed Khayre
Ismaaciil Xasan Mataan
Qareen Amiin Sh.Siciid
Wariye Hashim Goth
ka dhiibo aragtidaada danbigan
bani aadanimo ee laga galay odayaashan ku soo
hagaaji emailka saylacnews@yahoo.com |