Cadadka 2aad Warsdigaha Gurmad
May,29,2008
Jawaabaha ay dadweynuhu ka bixiyeen cadadkii hore ee
Warsidaha Gurmad +Sawiro
Seattle(Saylac.com) - Cadadkii hore ee Warsidaha
Gurmad ee soo baxay may, 27,2008 ayaanu dadka ugu
soo bandhigney siyaabo
kala duwan oo looga qayb qaadan karo dhismaha
garoonka kubada Cagta ee Borama . Qoraalkaas oo aanu
kaga hadalay dhawr dariiqo
oo kala duwan oo aad kaga qayb qaadan karto
maaliyada mashruucan dhismaha Garoonka Xasan Sh.
Mumin ee Borama.
Hadaba dadweyne badan oo ka soo jawaabay cadadkaa
hore ee Warsidaha gurmad ayaanu doorbidnay inaanu
akhristayaasha Warsidaha
Gurmad aanu ugu soo bandhigno fikradaha ay soo
jeediyeen iyo rayiyada kala duwan oo dhamaantood
markaad ka eegtid hirgalinta
dhismahan Garoonka iska mid ah jecela in ay
indhahoogu arkaan garoonkaas oo dhamays tiran.
Dadweynaha na soo gaadhsiiyey
maqaalada kala duwan oo aad u tiro badnaa awgood
ayaanu ka soo qaadaney dhawrk ka mida waxayna
yidhaahdeed sidan:
*****************************************************************************************
Abdiaziz Ali Switzerland
Assalaamu Calaykum
May,30,2008
Marka hore waxan salaamayaa dhamaan bahda shabakada
saylac.com iyo ururka Sportiga gobolka isku xil
saaray ee Gurmad salaan ka dib:
Anigu waxan ahay nin degan wadanka Switzerland
runtii arintaa dhismaha garoonka ayaad ayaan ugu
riyaaqsanayn hase ahaatee nasiib daro markii aan
yididiilada bilownay oonu dadka intiisa badan
gaadhsiinay oo xataa ku nidhi habeen kasta wixii
kusoo kordha arimaha garoonka kala socda saylac.com
ama gurmad ayuun bay arintiiba hal mar aamustay
dadkii aan website yada u qornayna wax hore mooyee
wax socda ka waayeen khaladba ha ahaatee taasi waxay
na dhaxal siisay inaanu u aamusno sidaad u aamusteen
marka waxand ka codsanayaa hawladeenada ururka
Gurmad labadan qodob:
1-horta waa farxad labaad mar hadii qorshihii dib
loo bilaabayo oo weliba dar dar la gelinayo oo xataa
telefonadii lagu kulmi jiray hadaanay suurto gelayn
in website-yada hawshu ka socoto sidii horeba ay uga
socotay saylac.com oo kale ee aan la isla wada
aamusin ilaa la dhamaystirayo lacagta ku baxaysa
dhismaha garoonka ood ku qiimayseen100.000$-150.000$
2-In qaabka garoonka loo dhisayo iyo naqshadaba
lasoo geliyo website-yada waayo dadku waa indho ku
garaadle qaar waxa jira aan Booramaba arag oo wixii
halkaa loo soo geliyo aaminaya.
ugu danbayntii waxad leeyahay bahwaynta ururka
Gurmad aad ayaad ugu mahadsantihiin hawshan aad isku
xil saarteen inkastoy laa shukra calal waajib tahay
dee Gurmadow hadii garoonkii ugu horeeyay wakhtigaa
qaatay kuwo kalena xilimaa la dhisi?
Wassalaamu Calaykum
Gurmad Staff: Walaal adigaa
mudan dadaalku ma yaro idinkuna intaad ku
joogtaan wadanka Switzerland isku abaabula sidii
hore gacmo wadajirbay wax ku gooyaan dadaalka waanu
laba-laabaynaa Insha Allah Ilaahayna wuu inoo
fudaydin doonaa inaan ku guulaysano dhamaystirka
garoonka iyo kuwo kaleba. Amiin
*******************************************************************************************
1-Cabdilahi Ali Aden Germany:
Waxaan akhriyey warsidaha gurmad waana qorshe sahlan
in ninwalbaa yeelo jeebkiisu wuxuu awoodana ugu
deeqo garoonka , lakiin
waxaan isweydiiyey hadmaa la bilaabi doonaa lacagta
la ururinayaase ma sidii tii hore ayuunbay meel
fadhiisan doontaa?
Gurmad Staff: Maya walaal lacagta la la ururiyey
waxay meel u fadhidaa dhaqaale kale ayey sugaysaa
waxana xusid mudan in
ururka gurmad uu yahay ururka kaliya ee inta
tariikhda la ogyahay yahay ururada wadaniga ah ee
gobolka iyo somalilandba ka
jira soo bandhigay deeqdii ay ururiyeen ilaa hadana
ay dadku ka arki karaan sanduuqii lagu riday inay
lacagtii taalo iyadoo
xisaab cad ah, Sidaa awgeed hadii uu ururku helo
dhaqaale kale oo ku siyaada sanduuqa waxay taasi
suurto galiin doontaa in ay
garoonka dhamaystirto hawshuna bilaabanto iyadoon
mudo kale lala sugin .
*******************************************************************************************
Hasan Abdirahman Dahir London UK
Anigu waxaan ahay muwaadin ree Somaliland ah oo
degan magaalada london kana soo jeeda Magaalada
Hargeysa markaa waxaan
jecelahay inaan ogaado garoonkan ma jaaliyada Awdal
ayuunbaa dhaqaalaha iska ururinaysa mise Jaaliyadaha
Somaliland. Hadii ay
ka dhaxayso Jaaliyada Somaliland waxaan diyaar u
nahay inaan inamada garoonka u dhisno anagoo
garawsan inay isku soo
dhawaansho ka dhex abuuri doonto dhalinyarada
Jamauuriyada somaliland ku nool ee ciyaaraha xiseysa
iyo guud ahaan bulshadaba
. Markaa ii soo kala cadeeya inay idinka ama Awdal
ku kooban tahay iyo inay cidwalba oo Somaliland ku
dhaqani ka qayb qaadan
karto?
Gurmad Staff: Marka hore walaal aad ayaad ugu
mahadsan tahay wakhtiga aad siisey inaad noogu soo
qortid su'aashan oo dhab
ahaantii ah mid ahmiyad weynn leh dadka badankiisuna
isweydiinayo. Jawaabta oo koobani waxay tahay cidna
kama xidhno
dadweynaha , ganacsadata , Aqoonyahanada Jamuuriyada
Somaliland cidii danaynaysa horumarinta dhalinyarta
iyo ciyaaraha oo
dhan way u furan tahay inay ka qayb qaataan dhismaha
garoonka Xasan sh. Muumiin kuna soo dhawow
asxaabtaadana sidaa gaadhsii
. waanad mahadsan tahay.
******************************************************************************************
Omar Yusuf Holand;
Dabayaaqadii sanadkii inaga tegay ee 2007 ayaanu
dhalinyar badan isku urursanay si aan gacantayada
uga geysano dhismaha
garoonka Xasan Sh. Mumin lakiin wax daba gal ah
markaanu weynay waa lakala yaacay halkiina midkaayo
kamuusan soo qaadin
ismana weydiin . Eega markaan arkay qoraalkan
Warsidaha Gurmad waxaan isweydiinay maxaa soo
kordhay maxayse mudadaa intaa
leeg u aamuseen . hadaba ma ii faahfaahin kartaan
barnaamijkiinu wuxuu yahay iyo sidaad u bilaabaysaan
dhismaha garoonka
dadkuna waxaan qabaa inay idinku tageerayaan hadii
ay arkaan qorshe cad oo aad ku dhisaysaan garoonka .
waxaana halkan
idiinku mahadcelinayaa sida aad u xafideen lacagihii
hore ee aad ururiseen oo aan aniga laf ahaanteydu
aan la hadlay riraash
uuna ii sheegay inay taalo dahabshiil waa guul
walaahi amaanada ninka dhawra in la garab galo
gabagabo iisoo sheega qorsha
aad haysaan ee garoonka .?
Gurmad Staff: Marka hore salaan ayaanu ku soo
diraynaa walaal. Marka labaad hadii aad marka hore
ku talo jirteen inaad
tageero ka geysataan dhismaha garoonka, hadana
halkii ka wada . Jawaabta Su'aashaada oo gaabani
waxay tahay; Qorshaha
mashruuc waxa dedejiya ama dib u dhiga hadba sida
dhaqaale loogu helo. Garoonka dhaqaalaha lagu
dhisayo waxa lagu qiyaasay
ilaa $100.000 hadana waxaanu haynaa $18,000 markaa
waad garan kartaa faraqa u dhexeeya qorshaha gurmad
wuxuu ahaa in horeyba
loo dhiso lakiin duruufta dhaqaale ayaa dib u
dhigtey dadka ayeyna ku xidhan tahay inay xiweyn
iska saraan dhismaha garoonka
oo ay eegaan ahmiyada dhalinyarada uu u leeyahay
anaguna dadka ayaan ka mid nahay horseedna waxaan ka
noqon doonaa inaan
socodsiino sida ugu dhakhsiyo badan ee loo dhamays
tiri karo garoonka .
**************************************************************************************
Gini Jamac USA
Gabdhaha iyo dumarka ayaa mashaariicda inta badan
socodsiiya waxaanad moodaa inaa xaga haweenka aad
isha ka dul lalisaan
markaa ururkiina ma ku jiraan Haween xubno ka ah oo
aan haween ahaan ula xidhiidhi karno si aan rayi
wadaag iyo wada shaqayn
aanu ula samayno . Suaasha labaadi waxay tahay
garoonka ma wiilal ayuunba loo dhisayaa mise
haweenkuna meelbay ku yeelan
doonan ay ku ciyaaraan ciyaaraha kala duwan .
Hadii aad haysid rayi ama talo amase deeq aad rabtid
inaad ugu deeqdid garoonka la soo xidhiidh
saylacnews@yahoo.com
|