| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Maanso Jacayl ah Booramaankusugayaa By c/fataax daahir cige(saylici)..Dec,26,2008

asc wr wb salaantaas islaamka kadib mashquul inakala xeeray kadib faralaabasho iyo kagaabsi jacayl kadib ayaa waxaan akhristayaasha sharafta leh kusoo dhawaynayaa maansadani hawaawiga ku salaysan amaaba aan idhaahda katurjumaysa riyo aniga igudhacday laakiinse aan xaqiiq uhaystay aan rumaysan waayayna ilaa markaan toosay waqti kadib wixii faahfaahina maansada ayaad ka helaysaan akhris wacan iyo maansadii BOORAMAAN KA SUGAYAA

BOORAMAAN KA SUGAYAA


gaaraa bildhaan iyo

bilcantaan qorshaystiyo

biqilkaan waraabshiyo
bilicdaan tilmaantiyo
boqrantii haweenkiyo

beexaan xaqiiqiyo

bersed iyo badh dadan iyo(bersed wa qolka fadhiga

beddel khayr qabeeniyo

tii baxnaanadaydana

baydaali naysiyo

bishaaroon lahaystaan

baladkeena imid xalay



intay baradu nagidahay

waa la isbariidshaa

samahaa labadiyaa

bunduqaa laxooraa

waa sheeka baralay

feedhfeedh bilaashana

barigaan yaraabaan

kubaasaa dhankiisee

saw baashe maan noqon

jacayl uma baxaanbixin

anigiyo bishaaroo

bolol saw kamaan degin(bolol waa meel magaceed)

buro ciidka galabtii

dhul barwaaqa wadhantahay

badarkuna gu,joog yahay

biyuhuna qulqulayaan

baashaal kumaan helin

saw bishaaro ima odhan

an bilawno maadays

bustan aan ku dheelnoon

sidii bari samaadkii

dhuuma dhumaydii boon

iyo baadidoonkii

iyo gole kaboodkii

boorama kucaan hayd



badhqiyaa gadaal mari

keenii kubadiyaa

caawa loo buraanburi



saw bishaaro golihii

mabiimayn nafteedii

ana golaha kama bixin

saw geed bardaadoo

isbalaadhshay maan galin

mudda badan kumaan jirin



inuu bahal icunayoon

bakhtigii ku maqan ahay

saw beerka may galin

baroor saw makala gu,in

beertii masoo galin

kolba baal madaydayin

balasbalas kumay dhicin

bisinkaay cidloodeey

qayrkay kabaaqdiyo

ba,ayeey kumay gu,in

dabadeed banaankii

iyadoo biciidkiyo

shabeel bara madaw liyo

butti iyo waraabiyo

dhul libaaxya buuxaan

bay xamaartankeed iyo

naqas buufinteedii

boholaha kabaxaysoo

abeesada dad baradkii

ay bilcaani dawyada

bacadka isku dhigaysoo

baquhuna dilaayahay

bishaarana dhankeegii

ma barooranaynoo

bayrbayr isgaabina

kolba qoorta kala bixin

bilig biligta raadini

sida aarka booduun

saw bogeeda kama galin

saacad iyo badh dabadeed

bay hoofideedii

sida aanan ugu bixin

baabaca umaan farin

oo balaaqa kuma darin

warwarkiina kama bi.in

uma galinin buugana



saw boon numaan iman

goor habeen badh ay tahay

sida ruux bukaan qaba

saw baydkii aan degay

hurdo iyo badeedii

may baajin dhookhay

anoo baahideed qaba

anigoo bestay oo

bustahayga hoostii

anigoo kubaadiya

anigoo ku bidix jabay

anigoo ku kula badhan

anigoo kukala budan

anigoo ku kala ba,ay

saw baarashuud iyo

imay saarin baabuur

bisayl dhaafidaydii

bal jileeca uma dhigin

sii butaacidaydii

barafuun kumay qaban

bilis saw kamay badin



markaan soo baraarugay

saw beensadaydii

anoon baayicii galin

barqa solay kumaan gadan

sii baqoolidaydii

farxad baahintaydii

boodhaadhi hadalkay (barwaaqo hadal )

bilan garab kuhayntii

ima gaynin boorama

gacal saw mabeegsanin

oo bariida maan siin

buurta saw lafteediyo

siimoodi uma bixin

balaygii aan tagi jiray

ee boodhe soo maray

beeraha camuudeed

bartuqaal kasoo guray

iyadana babaay iyo

usoo buuxshay midha badan

wali baad marwoo cunin

hal bakeeri oodhaga

oon badhaxyar lagu darin

bartii iga gudoon tidhi

aniguna baryootamay

bal wax cunaha mariyoo

aduu baabah siikaa

bishaarooy kumaan odhan



sooraacnay baabuur

burus yaraha maahayn

hotel rayska boorama

ninka booqdaybaa garan

bashbashkiisa raaxada

waa loo bogeen iyo

baashaal ladaynkarin

qoys lagu bineeyaa

waligii mabaaba,o

aniguna bil idilbaan

ka samaystay boos wacan

waxkastooy ubaahato

inkastuu birdahabiyo

banki buuxinaayaba

kala maan bakhaylayn

waxaasoo badhaadha ah

bishaaraa usabab hayd



baribaan baxaynaa

balantii markay tahay

bilis nagu hinaastiyo

burqankiis cadaawaha

oo buuq yar nagu furay

ana baaji leeyahay

saw maan baraarugin

kama boodin gogoshii

ilayn been ayay hayd

sheekadu bufbay hayd

riyo baabahay hayd

buunbuunis bay hayd

cidla baadhid bay hayd

iyo bayd go,bay hayd

waxna biirso bay hayd

duni baro ayay hayd

ax ayaa bogsiinkara

naftan bayjka loofuray





alla yaa bishaarooy

buul iidiyaarshuun

allow ha igakaa bixin

allaw baaridaydani

runta iigu barakeee

aniguna bishaarooy

kama baxayo teenii







waagii baryaayiyo

iftiin sii ba,aayaba

boqoljeer ka badanbaan

gabay dheer baroortaa

bayd calaal sheegaa

boholyaw usabab yahay

sidaan kaaga bogan laa

mooyaan bishaarooy!

wali beerka kuma qaban
ina aan kubaalmaro
bilaahaan ku dhaartee
ruuxaanan baylihin
waa adi bishaarooy


boohi ha iga filanine
hadal beena lagu daray
bayaan looma qaatee
baandhee bal xaajada

oo bidhiidhka naga tuur

oo bahluulka soo reeb

kuu busaylay aniguye

bogso oo habalan balin

beenawaas khasaysii

budhcad haba waraysanin

birqaabkiisa kala jabi

badaw weeyi kaasiye



ha buux dhaafin cadhadana

anoo baahi kuu qaba
bandoo ha igu soorogin
habedelin balkii hore

bustaankii kalgacalkaay

ayaan la inakala badhan

degdeg waa balaayoo

waa bayd go,eenee

bisha dhalatay ila dhawr

runtu way biraysmiye

bari yay dhib kugu noqon

yayn bixiso kugu dhicin

baaruudu nagu dhicin

jacaylkeenu baabi,in

ballaqee albaabkiii

baabacada iidhiib

inaan bayd sameey

anbushaara guursado

booramaan ka sugayaa!!





c/fataax daahir cige(saylici)

mudane_22@hotmail.com

cairo










 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com