Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Tafatiraha Wargeyska Yool oo loo magacaabay Afhayeenka Madaxweynaha
 Garoowe, , [MOL] 18 October 2003- Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Lam.138 ayaa Bile Maxamuud Qabowsade oo ahaa Tifaftiraha Wargeyska Yool loogu magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada DGPL 14kii Oktoobar 2003.

bile qabowsde oo ah suxufi ruug cadaa ah oo in badan ku soo jiray saxafada aadna looga yaqaan Soomaaliya oo dhan ayaa la filyaa inuu wax wayn kusoo kor dhin doono hawsha loo magcaabay. Bile iminka waxuu soo gaaray boosaaso waxuuna maanta shirar la yeeshay saxufiyiiinta madaxa banaan.

 

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Shirkada Isgaarsiinta Nationlink oo lagu eedeeyay inay asaastay Isbahaysiga Samatabixinta

Muqdishu, [MOL] 18 October 2003- Mid ka mid ah siyaasiyiinta beelaha hawiye oo ah garabka Cumar finish ayaa maanta saxafada u sheegay in shirkada Isgaarsiinta Nationlink ee Telefoonada oo ka hawlgasha Somaliya ay ku bixisay dhaqaale aad badan asaasida ururka Samata Bixinta oo ah urur coladeed kuna bahoobeen ragiii ka soo carooday shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida.

C/laahi shiikh xuseen oo ah ninka eedayntaasi soo jeediyey ayaa intasi ku daray in waxii dhibaato oo ay gaystaan isbahaysigaasi ay masuul ka noqon doonaan raga shirkada iska leh.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinac shirkada. Intaasi ka dib waxaan la xiriiray Al xaaji muuse suude yalaxow oo warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah dicaayad aan micno ku qotomin, wax dhaqaale ehana ka ma helin ayuu muuse oo qoslayaa ku soo gaabshay hadalkisii.

Dhinaca kale Muuse ayaa waxuu sheegay inuu marti qaad ka helay dalka liibiya oo dhawaana uu aadi doono.

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Nin xalay dad ku laayay xaafada Calanley ee Kismaayo

Kismaayo, [MOL] 18 October 2003-Waxaa xalay saqdii dhex galay meel ka mid ahaa xaafada Calanleey ee Kismaayo nin sita qori iyo rasaas waxuuna halkaasi ku dilay in ka badan shan qof iyo laba dhaawac ah.

Ninkaani oo magaciisa la yiraahdo Cali hawiye ayaa ka tirsan ciidanka dooxada Juba waxaana la sheegayaa inuu ka xanaaqay mushaar la'aan soo wajahday bilahaan ka dib markii uu xumaaday dhaqaalihii isbahaysiga uga imaan jiray dawlada Carta

Wararakii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ninkaasi la dhaawacay ka dib markii ay weerareen ciidanka isbahaysiga dooxada Juba.

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland oo maanta isku xeeray xurunta Dawlada hoose ee Bosaaso

Bosaaso, [MOL] 18 October 2003- Waxaa saakay subaxnimadii isku xeeray xarunta dawlada hoose ee Boosaaso ciidamo ka tirsan ciidanka illaalada xeebaha Puntland.

Waxaana wararku sheegayaan arinkaasi uu ka danbeeyey nin lagu magacaabo Burhaan Koshin oo sheegtay inuu ku lahaa lacag dayn ah oo ka raacday ka dib markii uu sameeyey sawirada madaxwaynaha Puntland dawlada hoosena ay aqbashay.

Waxaa ciidamadsi ka waday goobtaasi taliye ku xigeenka qaybta Maxamed dheere iyo injneer Xif Cali Taar oo ka mid ah mulkiilayaasha shirkada SOMCAN isla markaan ah taliye ka mida ciidmada Badda ee Puntland.

Dawlada hoose ayaa arinkaasi ku tilmaantay mid foowdo salka ku haya.

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Nin reer Filibiin ah markab korkiis ku muslimay shalay

Marka, [MOL] 18 October 2003- Wararka ka imaanaaya magaalada madaxda shabeelada hoose ee Marka ayaa sheegaya inuu halkaasi ku muslimay nin u dhashay dalka Filibiin oo in mudo ah ka shaqayn jiray shirkada mooska dhoofisa ee somali furut

Ninkaasi ayaa shalay la tukuday dadka reer Marko salaadii jimcaha Waxaana jira qaar badan oo ajaaniib ah oo la filayo in ay Islaamaan oo ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi.

 

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Mid ka mid ah abwaaniintii Qaranka Soomaaliyeed oo Bosaaso ku ildaran

Bosaaso, [MOL] 18 October 2003- Waxaa tan iyo xiligii dawlada la'aanta ku nool magaalada Boosaaso Abwan Ibraahin Cajaaib oo ah nin taariikh ku leh hal abuurka soomaaliyeed in mudo ahna ku soo jiray hawlaha fanka.

Abaawanku oo aqoon u lahaa hawlahaasi ayaan ka helin gobladaan shaqo rasmi ah oo fanka ah ama wax kale oo uu qabto. Waxuuna ka mid ahaa ragii tacliinta sare u aaday dalka Jarmalka iyo talyaaniga waana ragii bud dhiga u ahaa qorista farta soomaaliga. Abwaaka waxaa xiligaan la soo deristay fac iyo jiro mana haysto wax kaalmo rasmi ah oo uu helo.

Abwaanka oo aan maanta kula kulmay hoolka fanaaninta walalalaha ayaa ayaa waxuu sheegay in ragii ay fanaaniinta ama abwaanada wada ahaayeen waxna ay lamid yihiin waxna dibadaha jiraan waxuu kaloo sheegay in inta badan ay is taakuleeyaan dadkii hobalada ahaa balse isagu aanu hellin wax uu la xiriro iyo wax la soo xirira, abwaanku waxuu ka codsaday fanaaniinta soomaaliyeed ee qurbaha ku nool in ay kaalmo ka gaystaan hawlaha la soo dersy.

 

 

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com

- To Submit Information Click Here -

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com