Galkacyo, 26.11.04 (AllPuntland)
- 3 qof ayaa geeriyootay, 2 kalena waa ay
ku dhaawacmeen deegaanka Baxdo Gaabo oo ka
tirsan Gobolka Mudug dagaal beeleed
dhexmaray laba beelood oo wada daga miyiga
gobolka Mudug.
Dadka dhaawacu ayaa hadda lagu dawaynayaa
Cusbitaalka Guud ee Gaalkacyo sida ay
AllPuntland u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah
oo aan kala xiriirnay cusbitaalka.
Dagaalka oo dhexmaray dad reer guuraa ah
oo ayaa soconayay qaddar saacado
galabnimadii shalay, inkasta oo uu markii
dambe uu iskiis u joogsaday.
Mar aan la xiriirnay mas'uuliyiin ku sugan
Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayay sidoo
kale noo xaqiijiyeen in dagaaladan ay ku
lug leeyihiin aano qabiil, iyo dagaallo
hore uga dhacay deegaanada Qaydarro iyo
Balli Guud halkaasi oo ay dhowr jeer oo
hore ku dagaalameen beelaha Sacad iyo
Saleebaan oo kawada tirsan bahwaynta
Habargidir.
Illaa iyo hadda ma jirto cid u
tafaxaydatay in ay joojiso colaadda dib
uga soo cusboonaatay reer guuraaga
deegaanka Baxdo Gaabo.
Waanwaantii horay ay uwadeen odyaaal
katirsan deegaanka Cadaado ayaa joogsatay
kadib markii niman hubaysan ay dileen 5 ka
mid ah ergadii nabaddoonka ahayd oo uu ka
mid ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada
Cadaado Marxuum Maxamed Maxamuud Suuleey.
CCC Farayaamo
AllPuntland.com
|