| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Silsilada sixitaanka fahan qaldamay. 28/6/08
Qoraaladan waxan kusoo bandhigidoonaa qormooyin kala duwan oo ka hadlaya sixitaanka afkaarta qaldantahay ee la xidhiidha camalka islaamiga ah iyo xidhiidhka ka dhexeeya islaamka iyo hanaanka hogaameed bulsho.

Diinta Islaamka iyo siyaasada (1)
Morran badan ayaa ka taagan xidhiidhka ka dhexeeya islaamka iyo siyaasada bulshada soomaliyeed dhexdeeda. Qofka somaliga ah haddii lasoo qaado siyaasada waxa kusoo dag-dagaysa maskaxdiisa iyo hadalkiisa musuqmaasuq, tuugo , been iwm. Shacabka intiisa badan waxay aaminsanyihiin in diin iyo siyaasada aan meel la iskugu keeni Karin maadaama sawirka ay siyaasada ka haystaan uu yahay kaas aan kor ku sheegnay oo ay qabyaaladi u dheertahay. Arrintan ah kala saaritaanka diinta iyo siyaaasadu waa arrin salka ku haysa taariikhdii gumaysigii ree galbeedka ee wadamada muslimiinta gumaystay soomaaliyana ay ka mid ahayd.

Reer galbeedku markay qabsadeen wadamada islaamka waxay nafta garab dhigeen inay dhidibada u aasaan fikirka ah in diintu aanay wax xidhiidha la lahayn siyaasada iyo dawladnimada, ujeedada ka danbaysayna waxay ahayd in diinta laga fogeeyo nolosha qofka muslimka ah. Reer galbeedku waa ku guulaysteen inay ka midha dhaliyaan arrintan waxayna ku danbaysay in diinta iyo siyaasada laba shay oon marna kulmi Karin laga dhigo. Diinta waxa loo fasiray inay tahay xidhiidh ka dhexeeya adoonka iyo rabbigii oon xidhiidh la lahayn nolol maalmeedka qofka.

 Siyaasadna waxa la inoogu qeexay inay tahay qaab-maamuleedka dadka iyo wadanka iyo dhisitaanka dawladda. Fahanka caynkaas ah ayaa wuxu biya dhigay bulshada dhexdeeda gaar ahaan dabaqada lagu tiriyo aqoon yahan-ka oo in badan oo ka mid ahi ku bar-baaray gacantii gumaystaha ama dawladihii ka danbeeyay isticmaarka oo fulinaayay fikirkii uu gumaysigu dhidibada u aasay. Waxa shaac baxaday haddii aad aqoonyahan tahay inaanad diin shaqo ku lahayn haddii aad wadaad tahayn aanad siyaasad shaqo ku lahayn.

Fikirkan waxad moodaa ilaa hadda inuu dadka caamada ah hadheeyay inkastoo hadda ay soo ifbaxayaan bulshada soomaliyeed dad diintana aqoon u leh iyo culuumta banii’aadka oo siyaasaduna ka midtahay. Inkastoo kuwaa laftooda jahawareer xaga fikir-ka ahi ku dhacay oo ay ku wareersanyihiin sidii ay iskugu soo celin lahaayeen diintii iyo siyaasadii la inoo kala saaray. Qaarkoodna fahamkooda islaamku uu yahay mid xaddidan oo maan gaabnimo ka muuqato iyo guracnaan, islaamkana raba in loo fahmo siday iyagu u fasirteen.


Haddii aan u laabanno nuxurka islaamka, waxa inoo soo bixi doonta diinta islaamku inay tahay diin ilaahay ugu tala galay inay nolosha qofka hogaamiso laga bilaabo intuuna dhalan ilaa uu ka dhimanaayo. Waxa jira xeerar iyo axkaam(laws) la xidhiidha laga soo bilaabo dhalashada ama ka horba ilaa dhimashada. Eray bixinta ah diin iyo siyaasad waa wax ku cusub qaamuuska islaamka oo la kowsaday burburkii khilaafadii islaamka iyo gumaysigii ka danbeeyay. Inkastoo hanaanka hogaanka ee muslimiintu laga soo bilaabo waxii ka danbeeyay afartii khilaafo ee nabiga scw ka danbeeyay marba marka ka danbaysa kasii leexanaayay tubtii toosnayd ee hogaanka, hasa yeeshee ma jirin waxa la yidhaaho diin iyo siyaasad oo u kala baxsan sida hadda dadku u yaqaanaan. Sidaa darteed siyaasada oo ah nidaamka hagitaanta ummadeed waxay ahayd lafdhabarta islaamka, la,aanteedna aan islaamu caga ku istaagi Karin.

Waxa laga yaabaa inay arrintani ka dagiwaydo dad badan oo fikirkii uu ina dhaxalsiiyay isticmaarku uu maskaxdooda dagay waxase su’aala maxaa lagu magacaabi karaa nidaamkii uu nabigu scw ka sameeyay madiina markii uu yimiday oo ka bilaamay dhisitaanka masaajid kuna dhamaaday dhisitaanka dawlad, laakiin tafaasiisha dawladaa uu nabigu scwm dhisay qormadeenan hadda meeli ugama banaana. Haddaan isticmaalno luqada casrigan, waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa nimadaamkaasi nimaad siyaasiya ah isla markaana nidaam diin salka ku haya oo ay diintu jihaynayso. Sidaa darteed islaamka diin kaliya uun maaha sida diimaha kale waa diin isla markaana nidamaad siyaasadeed leh oo bulsho hagi kara. Eray bixinta ay soomaalidu siyaasada u samaysteen oo ah qabiil, tuugo, been, dhicitaan hantida guud iyo waxii la mida, waa eray bixin aan siyaasada aan meeli uga banaanayn.

Tuugada, beenta, dhicitaanka hantida guud waa jariimooyin/danbiyo (crimes) waayn islaamka aragtidiisa abaal marintoodana leh. Sidaa darteed ruuxii ku sifooba been, dhicida hantida guug, qabyaalad, karti darro iyo musuq-maasuq way adagtahay in la yidhaaho waa siyaasi umad hagi kara isna waa in eray bixin kale loo raadiyaa sidaas darteed waa in meesha laga saara dagaalka la dhex-dhigay diinta islaamka iyo siyaasada.

Manta intaa ha inoo joogto. (Qoraal Taxane ah)

Abdiaziz Adan Omar.


 


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com