Silsilada sixitaanka fahan qaldamay.
28/6/08
Qoraaladan waxan kusoo bandhigidoonaa qormooyin kala
duwan oo ka hadlaya sixitaanka afkaarta qaldantahay
ee la xidhiidha camalka islaamiga ah iyo xidhiidhka
ka dhexeeya islaamka iyo hanaanka hogaameed bulsho.
Diinta Islaamka iyo siyaasada (1)
Morran badan ayaa ka taagan xidhiidhka ka dhexeeya
islaamka iyo siyaasada bulshada soomaliyeed
dhexdeeda. Qofka somaliga ah haddii lasoo qaado
siyaasada waxa kusoo dag-dagaysa maskaxdiisa iyo
hadalkiisa musuqmaasuq, tuugo , been iwm. Shacabka
intiisa badan waxay aaminsanyihiin in diin iyo
siyaasada aan meel la iskugu keeni Karin maadaama
sawirka ay siyaasada ka haystaan uu yahay kaas aan
kor ku sheegnay oo ay qabyaaladi u dheertahay.
Arrintan ah kala saaritaanka diinta iyo siyaaasadu
waa arrin salka ku haysa taariikhdii gumaysigii ree
galbeedka ee wadamada muslimiinta gumaystay
soomaaliyana ay ka mid ahayd.
Reer galbeedku markay qabsadeen
wadamada islaamka waxay nafta garab dhigeen inay
dhidibada u aasaan fikirka ah in diintu aanay wax
xidhiidha la lahayn siyaasada iyo dawladnimada,
ujeedada ka danbaysayna waxay ahayd in diinta laga
fogeeyo nolosha qofka muslimka ah. Reer galbeedku
waa ku guulaysteen inay ka midha dhaliyaan arrintan
waxayna ku danbaysay in diinta iyo siyaasada laba
shay oon marna kulmi Karin laga dhigo. Diinta waxa
loo fasiray inay tahay xidhiidh ka dhexeeya adoonka
iyo rabbigii oon xidhiidh la lahayn nolol maalmeedka
qofka.
Siyaasadna waxa la inoogu
qeexay inay tahay qaab-maamuleedka dadka iyo wadanka
iyo dhisitaanka dawladda. Fahanka caynkaas ah ayaa
wuxu biya dhigay bulshada dhexdeeda gaar ahaan
dabaqada lagu tiriyo aqoon yahan-ka oo in badan oo
ka mid ahi ku bar-baaray gacantii gumaystaha ama
dawladihii ka danbeeyay isticmaarka oo fulinaayay
fikirkii uu gumaysigu dhidibada u aasay. Waxa shaac
baxaday haddii aad aqoonyahan tahay inaanad diin
shaqo ku lahayn haddii aad wadaad tahayn aanad
siyaasad shaqo ku lahayn.
Fikirkan waxad moodaa ilaa hadda
inuu dadka caamada ah hadheeyay inkastoo hadda ay
soo ifbaxayaan bulshada soomaliyeed dad diintana
aqoon u leh iyo culuumta banii’aadka oo siyaasaduna
ka midtahay. Inkastoo kuwaa laftooda jahawareer xaga
fikir-ka ahi ku dhacay oo ay ku wareersanyihiin
sidii ay iskugu soo celin lahaayeen diintii iyo
siyaasadii la inoo kala saaray. Qaarkoodna
fahamkooda islaamku uu yahay mid xaddidan oo maan
gaabnimo ka muuqato iyo guracnaan, islaamkana raba
in loo fahmo siday iyagu u fasirteen.
Haddii aan u laabanno nuxurka islaamka, waxa inoo
soo bixi doonta diinta islaamku inay tahay diin
ilaahay ugu tala galay inay nolosha qofka hogaamiso
laga bilaabo intuuna dhalan ilaa uu ka dhimanaayo.
Waxa jira xeerar iyo axkaam(laws) la xidhiidha laga
soo bilaabo dhalashada ama ka horba ilaa dhimashada.
Eray bixinta ah diin iyo siyaasad waa wax ku cusub
qaamuuska islaamka oo la kowsaday burburkii
khilaafadii islaamka iyo gumaysigii ka danbeeyay.
Inkastoo hanaanka hogaanka ee muslimiintu laga soo
bilaabo waxii ka danbeeyay afartii khilaafo ee
nabiga scw ka danbeeyay marba marka ka danbaysa
kasii leexanaayay tubtii toosnayd ee hogaanka, hasa
yeeshee ma jirin waxa la yidhaaho diin iyo siyaasad
oo u kala baxsan sida hadda dadku u yaqaanaan. Sidaa
darteed siyaasada oo ah nidaamka hagitaanta ummadeed
waxay ahayd lafdhabarta islaamka, la,aanteedna aan
islaamu caga ku istaagi Karin.
Waxa laga yaabaa inay arrintani ka
dagiwaydo dad badan oo fikirkii uu ina dhaxalsiiyay
isticmaarku uu maskaxdooda dagay waxase su’aala
maxaa lagu magacaabi karaa nidaamkii uu nabigu scw
ka sameeyay madiina markii uu yimiday oo ka bilaamay
dhisitaanka masaajid kuna dhamaaday dhisitaanka
dawlad, laakiin tafaasiisha dawladaa uu nabigu scwm
dhisay qormadeenan hadda meeli ugama banaana.
Haddaan isticmaalno luqada casrigan, waxa lagu
tilmaami karaa inuu ahaa nimadaamkaasi nimaad
siyaasiya ah isla markaana nidaam diin salka ku haya
oo ay diintu jihaynayso. Sidaa darteed islaamka diin
kaliya uun maaha sida diimaha kale waa diin isla
markaana nidamaad siyaasadeed leh oo bulsho hagi
kara. Eray bixinta ay soomaalidu siyaasada u
samaysteen oo ah qabiil, tuugo, been, dhicitaan
hantida guud iyo waxii la mida, waa eray bixin aan
siyaasada aan meeli uga banaanayn.
Tuugada, beenta, dhicitaanka
hantida guud waa jariimooyin/danbiyo (crimes) waayn
islaamka aragtidiisa abaal marintoodana leh. Sidaa
darteed ruuxii ku sifooba been, dhicida hantida guug,
qabyaalad, karti darro iyo musuq-maasuq way
adagtahay in la yidhaaho waa siyaasi umad hagi kara
isna waa in eray bixin kale loo raadiyaa sidaas
darteed waa in meesha laga saara dagaalka la
dhex-dhigay diinta islaamka iyo siyaasada.
Manta intaa ha inoo joogto. (Qoraal Taxane ah)
Abdiaziz Adan Omar.
|