|
Akhriste Maxaad Ka Taqaan 5
Dal Ee Lugu Magacaabo Godka .Bakaaraha. Dhagaxa.
Tintaaniik Iyo Ceeshka.. April,21,2008
20
sano ee u dambeeyay soomaali badan ayaa u soo
hayaamay dalalka reer yurub iyo waqooyika maraykanka
ku waas oo ka soo baro kacay dalkii hooyo iyagoo naf
carar la soo gaadhay qurbaha taas oo ay barbar
socoto kumanaan Soomaliya oo iyaguna ku caan baxay
tahriibka oo ah masiibo halis ah oo xidhiidhsan laga
bilaabo dalka hooyo ilaa iyo jiidaha Liibiya ,
Giriiga oo ah goobaha ay Somalida ugu badani ugu soo
gasho yurub taas oo ay la kulmaan dhibaatooyin badan
oo wata qiiro naxdin leh.
Markaad la sheekaysto qaar ka mid ah dadkaas soo
tahriiba waxa wajiydooda ka muuqata murugo iyo oohin
sababtoo ah waxay wali maskaxdooda ka hadhin ciilkii
iyo dhibaatadii ay soo mareen intii ay ku jireen
safarkaas tahriibka ah mararka qaar ayay waxay ku
calaacalaan hadaan sidan moodayno safarka in uu dhib
leeyahay waan iska joogi lahayn taas waxaa barbar
socota in ay qaar ka mid ah asxaabtoodii safarka la
wehilanaysay in ay ku dhinteen badaha iyo saxaraha.
Wiil aan la shekaystay oo magaciisa ka cudurdaartay
in uu mariyo saxafada ayaa waxa nadhex martay sheeko
waxana uu ku bilaabay sidan walaal intii aan ku
jiray safarkan ah tahriibka ah waxaan la kulmay
dhibaato badan oo ah in ay naftaydu halis gasho taas
oo ah dhimasho iyo haraad waxa jiray markii aanu
bada soo galanay ee aanu soconay labo bari in qaar
ka mid ah dadkii nala socday in ay ku khalkhaleen
mawjadaha badan ee kacasan oo marba dhinaca noo
qaaday waxaa nuugu darnaa wiil Soomaali ah oo iskagu
noogu naxdin badnaa waxa aan xasuustaa weedhihii uu
ku qaylinayay intii aanu bada ku jirnay walaal ii
joojiya doonta waxaan doonanayaa kiniinkii madaxa
wiilkaas ma uu garanaba xaalada uu ku jiro mararka
qaarna waxa uu ku qaylinayay walaal 200doolar ayaan
in siin hadaad i dajisaan wiilkaas waxa uu ahaa.
Wiilkii noogu naxdin badnaa waxa uu wiilkana
sheekada iigu soo koobay hadal ah sxb tahriibku
maaha wax la dhayalsan karo laakin marka aad bada
aad soo gasho ayaad ogaan kartaa dhibta uu leeyahay
waxaan ugu digayaa dhalinyarada soo socota in aya
iska daayaan tahriibka hadaba waxa jira Wadamo
dhawra oo ay Soomaalida u bislaatay tahriibka ay soo
gaadhaan marka ay soo dhamaystaan safarkoodii ahaa
tariibka waxay soo gaadhaan dalalka Talyaaniga ,
Giriiga. Malta, waa dalalka ay soo gadhaan soomalidu
ee ay ka soo galaan Yurub.
Waxa jirta in ay Somalidu hadana dib igu soo
bilaabaan safarkoodii iyagoo soo galay dalalka
Netherlands, England iyo Sweden waa dalalka ay
Soomalidu ku soo af jaraan socdaalkooda waxa jir in
ay marka ay soo galaan dalalkii aanu soo sheegay in
ay faraha laga qaado markay dalalkan soo gaadhaan
dib looga qaado faraha marka ay farihii ka soo
baxaana dib ayaa lugu celiyaa dalalkii ay soo mareen
waxa ay dib ugu yaacaan dalka lugu magacaabo
Switzerland oo ay Somaalidu ula baxday Godka
dalkaasi markii hore kuma uuna jirin heshiiska
Dublin oo lugu galay dalka Ireland dalalka ku
bahoobay waxay heshiiska ugu magac dareen heshiiskii
Dublin oo micnihiisu yahay in dalka ugu horeeya ee
uu qofka magan galyo doonku soo galo ayay masuul ka
ah aqbaladiisa laakin dalka labaad ee uu tago dib
ayuu ugu celinayaa dalkii hore ee uu soo galay
hadaba dalkan ay Soomaalidu u taqaan Godka sababta
ay ugu bixiyeen waxa weeyi markii hore kuma uu jirin
hashiiskii Dublin qofkii taga kama aanu soo noqon
karin sidaas ayaa loogu bixiyay dalkaasi ma bixiyo
waxa sharci ah.
Inkasta oo uu leeyahay shaqo oo laga shaqaysan karo
waxaa jooga Soomaali badan oo u yaacday waxa jira
dalal kale oo ay Soomalida qurba joogi u yaqaanana
magcayo sarbeeb ah waxaan ka mid ah shanta dal ee
hoos ku qoran.
Bakaaraha oo loo yaqaan dalka Greece.
Godka oo loo yaqaan dalka Switzerland .
Tintaanik oo loo yaqaan dalka Italy.
Dhagax oo loo yaqaan dalka Malta.
Wariye:-
Sakariye Carab Cadan(Suxufi).
Netherlands.
|